Archive for December 28th, 2009

Faaqidaadda – Sanad Kaddib Heshiiskii Djibouti

Faaqidaadda: Sanad Kaddib Heshiiskii Djibouti
Voanews.com/somali
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan kalkan dib ugu milicsaneynaa fursadaha iyo caqabadaha soo maray heshiiskii loo hanka weynaa ee Djibouti, ee curtay DKMG ah, muddo imminka ku dhawaad sanad laga joogo.  Sanadkii hore xilligan ayay aheyd markii uu is-casilay madaxweynihii hore ee DKMG ah, Col. C/llahi Yusuf Axmed, kaddib cadaadis caalami ah oo [...]

Xus Maalin ahi Daawo ma aha by Rashiid Gadhweyne

Xus Maalin Ahi Daawo ma aha

Rashiid Sheekh Cabdillaahi  Axmed(Gadhweyne
Waxaa la yidhi waa Maalintii Degaanka. Xafladaa la qabtay; waxaa laga akhriyey khudbado, dhaqdhaqaaq dhirayn ah na waa la raaciyey. Maa shaa-Allaah aad  baa loo hadlay oo loogu nuux-nuuxsaday wacyi-gelinta dadwynaha si uu gudto kaalintiisa nadaafadda degaanka iyo cimilada [...]

Qabyannimada qoraalka af soomaaliga – by Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Qabyannimada qoraalka af soomaaliga – by Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Qoraalkani ma aha baadhitaan dhammays ah wuxuuse ku kooban yahay waayo’aragnimo toban sano jir ah, waanan hubaa in ay tahay tabasho uu ila qabo qof walba oo af soomaaliga wax ku qoraa.
Qabyannimada qoraalka af soomaaliga marka aynu [...]

Mahadhadii Abwaan Gun iyo Baar Eeg By Xigmaawi

Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii(1902-1980)
Abwaan Cusman Adam Ismaaciil – Gun iyo Baar Eeg

Hordhac:

Abwaan Cisman Adam Dibi oo loo yaqiin “Gun iyo Baar Eeg” wuxuu ku dhashay deegaanka gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Beer xilli ku beegnayd 1902. Cusman xilliga uu barbaaray waxay ahayd xilli ay taagnayd tartan iyo xifaalo suugaaneed oo [...]

Gorfoynta Qaamuuska Afsoomaaliga ee Ileeye by Barwaaqo

Gorfaynta Qaamuuska Cusub
ee Af-soomaaliga1
Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”
Bilawgii 2004ta waxa qoraal lagu faafiyey degellada iyo ardaayada ay Soomaalidu ku leedahay internetka. Qoraalkaas waxa soosaaray Agaasimaha Machadka Afafka ee Xarunta Cilmibaadhista dalka Jabbuuti, waxaanu tibaaxay inuu Machadku soobandhigay Qaamuus cusub oo uu soo ururiyey Saalax Xaashi Carab. Qoraalkaasi waxa kale oo uu [...]

Guri Ba’ay by Maxamed Baashe

Guri Ba’ay
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan.

Daryeel kama dhex muuqdo oo meel waliba way dal-dalooshaa. Waa wada qabyo iyo baylah. Dhankii aad ka eegtaba waxa maanka iyo dareenkaaga gudaha mud-mudaya mudacyo af-dhuuban. Docdii aad u kacdana waxa kaa soo celinaya mindiyo afaysan oo xiiraya, cabsi ayaad dareemaysaa oo sanqadh-tirashada ayaad door-bidaysaa, [...]

Afqalaad Aqoontu miyaa – by Cibaar iyo Khayre

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo ka door-bidaan afaf qalaad?

Hordhac
Qormadan aan ku magacownay Af-qalaad aqoonta miyaa? Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay xaaladda khatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo. Kaas oo la dhihi karo diinta oo ay Soomaalidu 100% muslim [...]

Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland – Q2

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 2-aad
“Ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa” – Hadraawi
http://suldaan2007.blogspot.com/

http://uk.youtube.com/watch?v=77-gAdmgRnY — video clip, Burco
Subaxnimaddii 3 January 2008, ayaannu ka soo degnay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, aniga iyo Hadraawi oo wada soconnay. Hadraawi waxaannu iska soo raacnay London iyo Somali Week, sideed [...]