December 14, 2009 |
Responses are currently closed, but you can
trackback from your own site.
|
Dhaawac loo qaaday Sacuudiga
|
Saakay aroornimadii ayaa dalka Boqortooyda Sacuudi Carabiya waxaa loo qaaday dhamaan Dadkii ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi oo ahaa kuwii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Mugadishu.
Dhaawaca, ayaa la gayn doonaa isbitaallo gaara ah oo ku yaalla magaalda Riyaad ee dalka Sacuudiga kadib markii Boqorka dalka Sacuudi Carabiya u fidiyay deeq caafimaad si loogu daweeyo isbitaalada Sacuudiga.
Haddaba intii dhaawaca aan laga qaadin magaalda Nairobi oo lagu daweynayey in muddo ah, ayaa wariyaha BBC Yusuf Hassan uu ku booqday isbitaalka ay ku jireen ee Aga Khan.
Dadka dhaawaca ah, oo isugu jira dhaqaatiir iyo weriyayaal, ayuu kala sheekaystay dhaawacyadooda iyo mid walba sida uu hadda xaalkiisa caafimaad yahay.
Waxaana uu la kulmay oo kale Qunsulka Somaliya ee Nairobi Mohamed Cisman Adan Edson, oo isbitaalka ku sugnaa oo uu ka waraystay meelaha la kala geynayo dhaawaca.
Source: BBC Somali |