Faaqidaadda – Sanad Kaddib Heshiiskii Djibouti

December 28, 2009   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Faaqidaadda: Sanad Kaddib Heshiiskii Djibouti

Voanews.com/somali

dj-lgflagBarnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan kalkan dib ugu milicsaneynaa fursadaha iyo caqabadaha soo maray heshiiskii loo hanka weynaa ee Djibouti, ee curtay DKMG ah, muddo imminka ku dhawaad sanad laga joogo.  Sanadkii hore xilligan ayay aheyd markii uu is-casilay madaxweynihii hore ee DKMG ah, Col. C/llahi Yusuf Axmed, kaddib cadaadis caalami ah oo la saaray, ka gadaal markii loo arkay inuu ku hor-gudban yahay hannaankii Djibouti.

Is-casilaaddiisa, iyo dardar galintii Heshiiska Djibouti, oo horseeday bixitaanka ciidanka Ethiopia, waxay yididiilo xooggan galisay shacabka nabadda u ooman ee Soomaaliyeed. Mar haddii ciidanka Ethiopia, oo in badani ay u arkeen saxar ku dhex jira dalka & dadka, ay isaga hayaameen gayiga Soomaaliyeed, isla markaana dowladdii iyo mucaaradkii ay ku mataanoobeen Djibouti, waxaa lagu hanweynaa in colaaddii idlaatay.

Laakiin ku dhawaad sanad kaddib, waxaa caddaatay in kala irdhoobidda iyo colaadduba ay hadda billow u egyihiin, oo ay gaareen heer arday, macallimiin iyo waalidiin aqoon u dabaal-dagaya qarax lagu ekeeyo, iyadoo astaanta colaadduna ay goortan Diinta Alle tahay.

Barnaamijka, waxaan isku weydiin doonnaa: xaggee bay sartu ka quruntay? Heshiiskii Djibouti, ma haasaawe ayuu ahaa, mise wali caymis ayuu leeyahay? Ma bahdii dunida ayaa agoomisay Somalia, mise cunaqabateynii Eritrea waxay astaan u tahay inuu caalamku uu markale u hiillinayo shacabka Soomaaliyeed?

Su’aalahaas, iyo kuwa kaleba, waxaa ila gorfeynaya:

1.      Dr. C/wahab Sheikh C/Samad, oo taariikhda iyo daraasaadka colaadaha hubeysan ka dhiga Jaamacadda Nairobi. Dr. C/wahab wuxuu qoray buug dhawaan soo bixi doona, oo uu uga hadlayo colaadaha qabyaaladda ku saleysan ee Somalia.

2.      Dr. Xuseen Warsame, oo hormuud ka ah qeybta xisaabaadka ee Jaamcadda Calgary ee dalka Canada.

3.      Iyo, Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo daraasaadka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Qatar ee magaalada Doxa, ahna qoraaga buug dhawaan soo bixi doona, oo uu ku gorfeynayo qaran-jabka Soomaaliyeed, iyo hannaanka nabad-dhisidda.

Su’aasha ugu horreysa ee aan professarrada dhex dhigay, waxay aheyd bal inay qiimeyn ku sameeyaan waxyaabihii u qabsoomay DKMG ah, sanadkii ay jirtay. Jawaabta waxaa ku hormaray Dr. C/wahab.

Source: Voanews.com/somali

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.