Labo markab ayaa lagu afduubay Xeebaha Soomaaliya by BBC Somali

December 30, 2009   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

 ship

Labo markab ayaa la afduubay

 

 
shipMarkabka Kota Wajar waxaa lagu hayay xeebaha Soomaaliya

Saraakiil caalami ah oo dhinaca badmareenka ayaa sheegay in burcad badeed Soomaali ah ay afduubeen laba markab oo laga kala leeyahay wadamada Britain iyo Greek.

Markabka Britain oo la yiraahdo St James Park, oo sida Kiimiko ayaa Isniintii waxaa laga afduubay Gacanka Cadan, isagoo ka yimid waddanka Spain una socday Thailand.

Markabka kale ee Greek ayaa isna ah kuwa xamuulka qaada, waxaana wararku sheegayaan in haatan ay u sii socdo xeebaha Soomaaliya.

Waxaa saaran 45 shaqaale ah oo u kala dhashay wadamada caalamka.

Koox kale oo burcad badeed ah ayaa iyaguna sii daayay markab laga lahaa dalka Singapore, oo la afduubay bishii October, kadib markii la bixiyay afar milyan oo dollar oo madax furasho ah.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa wali waxa ay hayaan toban markab iyo ilaa laba boqol oo qof oo shaqaalaha saaran maraakiibtaasi ah.

 

Source: bbcsomali.com

 

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.