Mahadhadii Abwaan Gun iyo Baar Eeg By Xigmaawi
Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii(1902-1980)
Abwaan Cusman Adam Ismaaciil – Gun iyo Baar Eeg
Hordhac:
Abwaan Cisman Adam Dibi oo loo yaqiin “Gun iyo Baar Eeg” wuxuu ku dhashay deegaanka gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Beer xilli ku beegnayd 1902. Cusman xilliga uu barbaaray waxay ahayd xilli ay taagnayd tartan iyo xifaalo suugaaneed oo ka jiray jiidda uu ka dhashay oo u dhexeeya beeshiisa iyo beesha bariga ka xigta. Abwaanku wuxuu gabayada bilaabay isaga oo aad u da’yar. Gabaygu wuxuu ahaa mid uu hiddaysanayo maadaama aabbihii Adam Dibbi uu ahaa nin gabyaa ah oo leh gabayo iyo murti badan oo dhaxal gal ah. Sidoo kale walaalkii Cumar Aadam Dibbi ayaa isna ahaa gabyaa weyn.
Haddii aan qaar ka soo qaadano gabayada aabbihii iyo walaalkii, iyada oo ay Soomalidu tahay xoolo dhaqato reer guura ah noloshooduna ku xidhan tahay xoolaha ayaa xanaanada iyo ilaalinta xooluhu waxay ahayd shaqada ugu badan ee dadku qabtaan. Xoolo raacistu may ahayn mid dadku ka hawl gabaan ee qofku waliba sida uu xoolaha ugu foogan yahay ayuu ku dhiman jiray.
Waxaa dhacday in Aadam Dibbi oo odoyoobay, itaalkiisii iyo waxtarkiisiina gabaabsiyay uu maalin maalmaha ka mida uu inankiisii Cumar ku yidhi aabo maanta geela raac, Aadan Dibi isagoo tixgelinaya codsigii wiilkiisa ayuu maalintii sidii geela kuraacay. Odaygii oo maalintii tacab u soo dhammaaday ayaa habeenkii markii uu geelii soo xereeyey intuu dab weyn shiday wiilkiisii Cumar iyo raggii kale ee guryaha joogay isugu yeedhay, ka dibna u mariyay gabay uu kaga warramo cimriga uu joogo, hawsha loo diray ee geel raacista iyo dhibaatadii ka soo gaadhay, isagoo dhinaca kalena raggiisii xasuusinaya iyo wiilasha facooda ah ee beeshooda ka tirsani aanay aabayashood geel u dirin. Wuxuu Aadam Dibi yidhi:
Nimanyahaw gankaan ahay ragbaa geel iraacsadaye.
Sida gallowga iyo fiinta oon gelis ka yaabaynin
Sidii aan goblamay foodhidaan giida ku hayaaye
Gacmahayga kama tuujiyeen goror habeedaade.
Wallee gabanaddii aan dhaloow gacaladay reeban.
Markii Cumar Adam Dibi oo ahaa ninkii odayga maalintaa geela u diray uu gabaygii dhegaystay ayuu isaga oo is difaacaya ayuu gabaygan aabihiis ugu jawaabay. Cumar wuxuu tusaale u soo qaadanayaa odayaal aabihiis la gado ah oo beeshooda ah oo aan geela maalin keli ah ka hadhin kana dhexbixin:
Guntigawma furo Ciise Goray goor iyo allayle
Cawad Sowdhe gabanka uma diro gaagaxsiin yaha’e.
Goobaar la mood Maxamed Madar gooxuu yuururaye.
Gurigiyo carruurtaba ninkii gaadhi kari waayey ,
Gucladii u dhigay Aw Siciid gacalo weeyaane
Aabbow gartana waad taqaan guuna waa tahay
Ama geedka joog maalinta rag is gadhxiiraayo
Ama geela raac talo adduun gurubsi weeyaane
Murtida iyo abwaanimada Gun iyo Baar Eege waxay dhaxalsiisay inay ku hal qabsadaan marar baddana ku taamaan raggii kale ee abwaanada ahaa ee beeshiisa iyo beelaha kaleba ka kacay ee ay isku xiliga ahayeen iyo kuwii ka dambeeyay labaduba.
Abwaankii weynaa ee Salaan Carrabay isaga oo u baanaya beesha Cali Dhuux oo xifaaltan gabay ka dhaxeeyay wuxuu xusay in ragga beeshiisa ka mid ah ee uu aad ugu kalsoon yahay uu safka hore kaga jiro Gun iyo Baar eeg.
Mar uu Salaan Carrabey u goodiyayaay beesha Cali Dhuux waakii lahaa isagoo tilmaamaya, kartida suugaaneed ee guniyo baar’eeg sidatan.
Intooda gabayda oo idil hadii laysu wada Geeyo.
Gammuutiyo keliyaa igaga filan Gun iyo Baar Eeg”.
Sidoo kale Gabyaagii Cabdi Gahayr oo ay isu gabyeen nin abwaan ahaa oo la odhan jiray Mire Gudhidin oo ka soo jeeday beesha (Gun iyo Baar Eeg) ayaa muujiyay inuu jeclaan lahaa inuu gabay la wadaago Gun iyo Baar Eeg ayaa isna yidhi :
Haddaan Guniyo Gaar’eeg afxumo guuna laga keenin.
Gundhidin iyo gabaygiisu waa geed iskaga laale.
Sida la sheegay markii gabaygaasi soo baxay ayaa Gundhidin geed koray wuxuuna sheegay inaanu geedka ka soo degyen ilaa iyo inta Gun iyo Baar Eeg gabaygaa Cabdi Gahayr wax ka odhanayo.
Cismaan Aadam Dibi oo ah Guniyo Baar’eeg, ayaa ugu jawaabay Cabdi Gahayr gabay dheer oo ay ku jireen midhahani:
Intaad aniga igu geedi tahay ama I goobaysid.
Gudhidin iyo gabaygiisu waa gummuc rasaaseede.
Maxaad geed kulaashaa, illaah kugu gallooleeye.
Nin ka mid ah abawaanada dambe oo magaciisa la yidhaaho Maxamuud saleebaan xirsi laguna naanayso (Ina Walad Baas) oo ka hadlaya murtida iyo ragga ilaahay dhaxalka u siisyay ayaa isna wuxuu yidhi Ina Weled Baas.
Afartaa daruur gaaxatiyo.galalacdaydii dheh.
Onkod galaba, jibin goohday iyo garasho waayeel dheh.
Gurxankii Salaaniyo naxwihii,Guniyo Baar’eeg dheh.
Guniyo baar’eeg suugaantiisa iyo halkaraanimadiisu way qotodheerayd wuxuu kaloo abwaanku taabtay dhinaca suugtaanta jacaylka lafteeda qayb ayuu kulahaa,maruu gabay kula hadlayey gabadh ay ilmaabti ahaayeen,oo la odhan jirey Ugaaso Nuur Qaaje gabaygaas inaabtidii uukula hadlaayay oo ahaa gabay aad uqiimo badan somaaliya oo dhana caan ka noqday, iyadoo gabaygaas markii danbe fanaaniinta soomaliyeed qaarood intay laxankii muusikada saareen ay uleexiyeen sidii hees jacayl oo kale loogu luuqeeyey. hadaba anoon gabaygii halkan kusookoobi doonin dhamaantii hadana waxaan idiinsoo qabtay dhadhankii gabayga oo uu kubilaabay abwaanku sidatan.
Alayl dhexe illayskii imaray ababa’daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.
Inaabtaay nin aragaaaga jecel kuuna imanwaayay.
Oo eed sokeeyiyo kabaqay ubatiyo qaylo
Oo’ oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala laasataan adiga uun baa og.
Geeluba ugaasooy markuu ayda miranaayo.
Abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku iswaayo.
Iasaguba makala Aamusee waysu ololaaye.
Inaabtay nin aragaaga jecel kuuna iman waayey.
Sidaan idiin sheegayba gabaygani intan kumawada dhama waxaanse ugu talagalnay qormadan inaan idinku dareensiino qiimihii iyo wanaagii ay lahayd suugaanta abwaanku inaan wax idinka taabsiino.
Sida Magacu ugu Baxay
Xilliga uu Cisman Adam Dibi noolaa waxay ahayd xilli inanta guurkeeda laga eegi jiray beesha ay ka soo jeedo oo qiimaynta kowaad ay lahayd qabiilka inantu ka dhalato. Cisman Adam markii ay gashay hawo guur ayuu bilaabay inuu indho indheeyo reerkii uu ka guursan lahaa isaga oo si gaara isha ugu hayay beelihii markaa la kala guursan jiray ee ay isku deegaanka ahaayeen. Muddo markii uu guur u meer ahaa, ayuu Cisman tiriyay gabay aad u dheer oo uu faalo kaga bixinayo hablaha reerihii uu yaqaanay. Waxa uu gabaygaa ku xusayaa qabiil walba god daloolooyinka uu hablahooda ku arkay ee aanu ku doornayn. Waxa uu si gaara ugu fogaaday qabaa’ilka dega bariga Somaliland oo ahayd halkii uu ku dhashay kuwaas oo uu iyaga jilibjilib u faalleeyay halka uu beelaha kale duuduub isugu qaaday.
Habka gabaygu u dhacayo waxay ahayd inuu marka hore qabiilka uu ka faalloonayo magacaaabo isagoo ku xijinayay tuduca ah “….Gabdhahooda waaweyn haddaan gun iyo baar eegay”. Tuducaas oo ahaa (hooriska gabayga amaba dhextaalka ) ayaa ahayd halka ay ka soo jeedo naanaysta abwaanka ee (Gun iyo Baar Eeg.) . Cusman isla gabaygaa wuxuu kula baxay naanays kale oo uu abwaanku can ku ahaa ahaydna (Dhulqas). Kuwaasoo hadheeyey magaciisii dhabtaa ahaa ee Cisman Adam Dibbi.
Waxa la yidhi xilliga uu Cismaan gabaygaa tiriyay waxay ahayd xilli beelaha dega Burco ay colaadi dhexmartay, xakuumadii Ingriiska ee dalka ka talin jirtayna ay soo rogtay sharci xaaraantimaynaaya in la tiriyo gabayada ay ku jiraan magacyada qabiilku maadaama uu gabaygu ahaa shay dadka kiciya oo sii shidi kara colaadaha. Markii gabayga abwaanku fiday ee la maqlay waa la soo xidhay. Hase yeeshee markii gabaygii la fasiray waxa loo aqoonsaday inuu yahay gabay aan fidmo wadin laba qabiil oo keli ahna aan xusayne ay dhammaan qabaa’ilka Somaliland kuwada xusan yihiin. Sidaasaana abwaanka lagu sii daayay.
Guurkii Gun iyo Baar Eeg
Cisman Gun iyo Baar Eeg oo gabaygiisii uu hablaha qabiilooyinka ku faalleeyay weli cusub yahay lana hadal hayo bal reerka uu ka guursan doono ayaa maalintii dambe u soo geed fadhiistay gabadh la yidhaaho Ina Cadood oo qabiilkeedu ahaa Reer Hagar. Taasi dad badan ayay fajiciso ku noqotay waayo reerka ay gabadhu ka dhalatay waxay ka mid ahaayeen beelihii uu hablahooda lahaa “guur u dayan maayo”. Abawaanku markii uu faalleynaayay qabaa’iilka waxa uu ka yidhi reerka uu gabadha ka doonay:
Gabdhaha reer hagar hadaan guniyo baar eegay
Gaag lagama hayn naaganhay Ganacsanaayeene.
Guumihii Hayaag loo hayiyo gaban yar weeyaane
Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo.”
Cismaan markii la weydiiyay sababta uu uga guursaday reer Hagar wuxuu ku jawaabay “gabantii yarayd ayaa soo kortay”
Sidii dhaqanku ahaa markii uu usoo geed fadhiistay nin layidhaahdo Cadood oo uu kasoo doonay gabadh, waxa Cismaan lagu xidhay inuu keeno boqol halaad oo yarad ah. Iskuma xiline wuxuu markiiba soo tubay boqolkii halaad. Hase yeeshee markii geelii la keenay gurigii reerka inanta laga doonaayay ayay nimankii ay inantu ka dhalatay oo si fiican u yaqaanay geela reer Adam Dibbi isla markaana filaayay hal ka tilmaanayd geela oo la odhan jiray Maahir in yaradka la soo raaciyo ayaa arkay hashii Maahir oo aan geela yaradka loo wado ku jirin. Cismaan markuu maqlay iyada oo la leeyahay “oo geela hashii Maahir kuma jirtee waa sidee” wuxuu markiiba dib ugu soo noqday aabbihii si uu hashaa ugu soo kordhiyo geela. Waxa uu tiriyay gabay uu marka hore odayga kaga dhaadhicinayo gabadha uu doonay isagoo xagga dambe ee gabaygana ku soo daraya in waxa hadda gabadhaa intaas oo ammaana uu ka sheegay ka hortaagani ay tahay hasha Maahir. Gabaygiina waa kan:
Aaboow malaa waanad arag midab haldhaaleye.
Aaboow mankii Faarax iyo madaxdi weeyaane.
Aaboow ma meermeeri karo mayaynasoo hoorye.
Aaboow Midgaankuna sidaa igaga miisroone
Aaboow qabiiliga madhwayn haygu madiyeyne
Aaboow marbaa igu hadhoo mooshinkii ridaye.
Aaboow inlay meheriyaan maanka kuhayaaye.
Aaboow rag manidiisu waw madhax samaataaye.
Aaboow hashii Maahir baa magacu saarraaye.
Cismaan markii uu aqal galay wuxuu noqday nin inan layaal ah oo ladegan reerkii uu gabadha ka guursaday,Markii uu todoba baxay wuxuu damcay inuu tijaabiyo xaaskiisa iyadoo ragu meelo badan gabadha katijaabin jireen wuxuu usheegay xaaskiisa inuu tegaayo xagaa iyo reerahoodii mudana kumaqnaanayo waxaase lasheegay inaanay ka ahayn dhab ee uu rabay gabadha uun inuu jirabo, subaxnimadii ayuu dhaqaaqay gabadhiina kuyidhi waan tegeyaaye aabahaa sidaa ugu sheeg.
Guniyo Baar’eeg markuu libdhay mudo saacad kudhowna uu maqnaa oo uu fadhiistay geed aan kafogayn guriga ayay ina Cadood oo ahayd xaaskiisa ay dhaqaaqday iyana oo ay uwereegtay reerkoodii kuna tidhi odaygii saakuu naga tegey oo uu aaday xagaa iyo reerahoodii.
Abwaanku waa intuu rabay gabadhii markay kabaxday aqalkii ayuu usoo daba marey maalintii oo dhana wuxuu joogay aqalkii oo sidii ayuu gabalku ugu dhacay. Marwadii abwaanku oo ah Ina Cadood weli waxay kulaalan tahay xagii gurigii hooyadeed,markii shaacu madoobaaday ayaa hooyadeed waxay ku tidhi orod hooyo habluhuna caawa xagaa hakula joogaane gurigii tagoo bal dabka shido.
Marwadii abwaanku waxay kasoo hormartay hablihii oo ay kutidhi iga daba kaalaya aad caawa ii wehel yeesheene waxaay kusoo laabatay aqalkeedii oo ay maantoo dhan kamaqnayd oo madoow,waxay hulaaqisay dabkii. Guniyo Baar’eegna wuxuu maantoo dhan ku fadhiyey suradii aqalka markay iftiimisay aqalkii waxay dareentay in aqalka lagu jiro oo dhaqdhaqaaq ayay dareentay waxay aragtay odaygii oo kufadhiya surada aqalka kadibna waxay waydiisay “oo hadaad soo noqtay ana aan maqnaa maxaad gogosha ula soo kala bixi wayday”,markii ay u soo qaaday gogoshii oo ay rabto inay kala bixiso ayuu gabaygan tiriyey
wuxuuna yidhi:
Anigoo dhibtii socod qaboo dhereran oo taagan.
Waa dhimasho gogoshaad hadeer dhigo tidhaahdaaye.
Dhawaaq laguma karo naagaha dhamacda Daaroode
Dhashooda iyo way jecel yihiin dhaqanka xoolaha,e
Dhegta kama maqlaan ruux haduu maalka dhaafsado,e.
Dhafka aniga hay moodin iyo dhoobi iyo saare,e.
Sidii reero dhiniciina yaal hay Dhulbahantayne.
Dhirbaaxaan indhaha kaaga jari dhiif anoo qabo,e
Dabadeedna dhaartii cuslayd wayga dhowdahaye.
Guniyo Baar’eeg iyo Cali Dhuux
Xilli lagu jiro abaartii la baxday Baaha oo dadka qaarna u yaqaaniin Maadh Gembiya oo ku beegnayd 1928kii ayaa dawladii Ingriiska ee berigaa maamuli jirtay Somaliland waxay samasay xarun ay isugu keentay dadkii xoolahu ka baxeen oo ku tiil tuulada Beer. Cali Dhuux Adam oo ay Salaan Carrabay hoos ka tuur lahaayeen ayaa markii loo sheegay in beeshii Salaan abaari xuni ku dhufatay dadkii oo aad u jilicsanna lagu ururiyay Beer, u soo socdaalay xagaa iyo Beer si uu indhihiisa ugu soo arko xaalada dadku ku sugan yihiin malaha markaa ka dibna uu gabay ka tiriyo.
Waxa la yidhi Cali Dhuux markii uu Beer yimi wuxuu soo galay makhaayad rag aad u badan oo uu Gun iyo Baar Eeg ka mid yahay fadhiyeen. Cali Dhuux markii uu raggii salaamay oo fadhiistay ayuu inta shaah dalbday raggii ku yidhi “waar Salaan meel ku sheega”. Salaan Carrabay isagu xilligaa wuxuu ku maqnaa Nairobi. Gun iyo Baar Eeg markiiba wuxuu gartay sababta uu maanta Cali u socdo wuxuuna goostay inuu gabayga kaga horreeyo Cali Dhuux. Waxa la yidhi markii inankii makhaayada ka shaqaynayey uu Cali Dhuux shaahii u soo dhigay ayuu Gun iyo Baar Eeg soo hor fadhiistay oo gabaygan soo socda u mariyay. Cismaan gabayga waxa uu kaga hadlayaa xooluhu siday u baxeen gaar ahaan nugulka isla markaas waxa uu sheegayaa in geelu yahay ka ugu qiimaha badan duunyada Somaliadu dhaqato. Gabayga oo meelo badan taabtay ayaad moodaa inay dadku ka qabsadeen ereyga ah (Daarood siduu beri ahaa loo dad qalatowye).
Waanakan gabaygii iyo taariikhdii uu soo baxay ookusinaa abaarta lagu riiqmay eelamagac baxday Maadhgembiya amaba Baaha kolba sida loo yaqaano
Gabaygani waxa uu ka mid yahay oo aan ka qoray(Research materials of the late Muse Galal) Waxa la tiriyey abaarta la magac baxday “Maadh-gembiya” dadka qaarkiisna u yaqaan “Baaha” ee dhacday 1928.
Abwaanku wuxuu aad ugu talaxtegey amaanta geela oo uuku taabanayo inuu yahay geelu xoolaha nool ee la dhaqdo kan ugu sita uguna qiimaha badan, akhristayaasha qiimaha lahoow gabaygani waa gabay aad udheer waxaanse idiinka soo qabtay rubuc ahaan waxaanan uga danleeyahay si’aan shaqsiga akhrisanaya qoraalkan taariikheed ugu caajisin duxda qoraalkana aanu udiidin. halkana kuma wada dhama gabaygani waana gabay aad udheer. tixdii waatane
Dirirkii gugii ee arligan, dayrta laga waayey
Ee ay daruur soo kacdaa, dibiq ku siin weydey
Ee laba diraacood abaar, laysku daayimiyey
Ee deyrka xoolaha nin gelin, diiq ku yahay caawa
Ee debedda adhi looga baxay, duunyo noqon waaye
Dibnahaba ha kala qaadin baa, iiga debecrone
Dalaamista bani-aadmigii, daynse kariwaaye
Aan dig siiyo gabay waanigii, daabax ku ahaaye
Nafta dooji mooyee xarago, laga dawaareeye
Kefedaa dalooliyo mindaa, daabka la hayaaye
Nin dilaal u baxay bay xishood, kala dawaafeene
Wax arsaaqad laga doonayaa, daasad gudaheede
Daarood siduu beri ahaa, loo dad-qalalowye
Aqalada dixdaa laga dhisaad, dabato moodayso
Danbaa meesha keentay xarrago, looma soo degine
Cali Dhuux markii uu gabaygii si fiican u dhegaysatay ayuu isagoon jawaab ka bixin dib u noqday. Salaan Carrabay markii uu soo noqday ayaa looga warramay safarkii Cali Dhuux iyo gabaygii uu Gun iyo Baar Eeg mariyay. Salaan oo ay laf dhuun gashay ku noqotay tuduc ku jiray gabay uu Ducaale Dheere beri hore u mariyay oo ahayd ” Iidoor sal fududaa wuxuu sugayay muu dhowro” ayaa markii uu gabayga marayay “Darood siduu beri ahaa loo dad qaltowye” ku tiraabey “waar waa kaa eraygaan weligay doonaayay”. Waxa Salaan laga hayaa in haddii uu ogaan lahaa in ereygaasi maskaxda Gun iyo Baar Eeg ku jiro uu ka siisan lahaa konton qaalmood.
Iyada oo xilli nabada lagu jiro ayaa ciidan darawiish ahi weerar ku qaaday beel deggenayd Buuhoodle oo ka tirsanayd beesha Cali Dhuux. Waxa la yidhi ciidankii daraawiishta inta si xun loo jebiyey ayaa hubkii ay siteenna lagala hadhay. Maalinta dagaalkaasi dhacy waxay ahayd maalinta uu baxay magaca Balli-Dhiig oo hadda ka mid ah degmooyinka gobolka Togdheer. Xilliga dagaalku dhacy Gun iyo Baareege weli muu hana qaadin. Cali Dhuux oo lib gabyaya ayaa gabay dagaalkaa uu ka tiriyay wuxuu ku soo daray eraydan.
Cayuun shaabka wiilkii ahaa shaaha karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegay ma leh shirshooruuye
Isagaan shaarublow reer Isaaq shucub aan reebeyne
Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulki mooyaane
Sharba idinma daareen haddaa shalay na dhaaftaane
Daraan idin shideeyeenba waa naga shiheeyeene
Shanlihii wadaadkaa sideen shugux ma siiseene
Iyadoo gabaygaasi weli taagan yahay oon cidi ka jawaabin ayaa beri dambe oo daraawiishi jabtay ay col reer Biciid Yahani weerar ku ekeeyay beeshii Cali Dhuux wixii xoolo lahaayeena ka dareersadeen. Markii warkii la is gaadhsiisyay ayaa isaga oo gabaygii hore ee Cali Dhuux daba socda ayuu Gun iyo Baar Eeg gabaygan soo socda weerarkaa ka tiriyey:Isagoo war bixina siinaayay abwaankii Salaan Carabey oo markaas badda ka yimi:
Shibtaydaan galaa gabay hadaan shuqulkii oognayne
Marse haday shanqadho ii baxaan shuumis ma aqaane
Shilka dhacay Salaanoow miyaan weli lagu sheegin
Sheekada God-dhuub timi miyanay shaaca ka cadaanin
Shangaliyo Dhulbahantoo fadhiya shiilcaskiyo ceelka
Ayadoo shirkooduna u dhan yahay sheybe iyo wiilba
Oo qoriga lala soo shirtegey kun iyo shii’ gaadho
Shakada iyo maadhiinka oo lala shuxlaynaayo
Shanfacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode
Shaki maleh Majeerteen inuu sheemo weeraro’e
Iyadoo shamsadu soo baxdoo waagu shararaaxay
Shifay uga dareersheen xeryii laguma shaaddayne
Laye laba shanaad raacdadaa daba shanbuurrayde
Iyadood shamaal quruxsaneey shaal asliya moodo
Shanlahooda goortay arkeen ama shallaadkooda
Ka shakiye markii loogu yimi sheedda Dhagaxley’e
Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye
Shuguxshugux mawaayine,wadnaha shiil Allaw dhigaye
Shimbirawga ciyey ayihii wada shareerraaye
Shullaweyntii reer Hagar ma gelin shaaxin dirirtede
Shuhuuboobe nimankii lahaa shayga saa’idahe
Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka Caymeede
Shurbaddii magaaliyo maxaa shaahi lagu fuudi
Sharafmaa hablihii Khaalid dhalay lagula sheekaysan
Waxa laga weriyay Gun iyo Baar Eeg “anigoo maalin geel barqinaya ayaa waxa igu soo baxay Cali Dhuux oo aad u gaboobay oo talaabada dirqi ku qaadaya, markii aanu is waraysanay oo hal cabbaara aanu sheekeysanay ayaan ku yidhi Calow waa tan oo hadda gabowdaye gabay dambe ha u celin. Cali Dhuux wuxuu ugu jawaabay “tolow ma waxaan dhimanyaa aniga oo aan sadexdaadii gabay ee Gun iyo Baar Eeg , Darood siduu Beri ahaa loo dad qaltowye iyo Shilka dhacay salaanoow midna ka soo jawaabin”. Ilaahay ha u naxariistee Cali Dhuux wuxuu xijaabatay isagoon sadexdaa gabay midna ka soo jawaabin.
Waxaa isku soo duba riday soona ururiyey
Abdullahi Mohamed Dabey ( Xigmaawi)
Abdurahmaan Mohamed Ahmed (Dooddi)



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali