Nin Biritish ah oo lagu dilay China By BBC Somali
British lagu dilay China

Akmal Shiikh ayaa saaka lagu dilay wadanka Shiinaha, kadib markii lagu helay inuu daroogo soo gelinayay Shiinaha.
Dilka ayaa dhacay iyadoo dowladda Britain iyo qoyskiisaba ay codsanayeen in la cafiyo, waxaa la sheegay inuu waalnaa Akmal Shiikh waxa uu ahaa 53 waxaana lagu duray cirbad nafta ka qaada.
Akmal Shiikh ayaa waddanka Shiinaha lagu xiray sanadkii 2007 markii lagu qabtay afar kiilo oo daroogada Heroin ah, taasi oo mas’uuliyiinta Shiinuhu ay sheegeen inay sababi lahayd dhimashada 26,800 oo qof.
Waxa uu ku doodayay in lagu qalday in uu soo qaado boorsada daroogada ay ku jirtay.
Haweeneey afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, oo la yiraahdo Jiang Yu ayaa weriyeyaasha u sheegay in caddaalad lagu fuliyay xukunkaasi sidad uu qabo sharciga u degsan Shiinaha, isla markaana aanay cidina ka bixin karin faaleeyn sharciga Shiinaha.
Source: BBC Somali



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
January 11th, 2010 at 5:26 am
Laba dhinac marka laga eego dilka ninkan Brithish-ka ah wuu saxsanaa:
1. Siday ku doodayaan xukuumada Shiinuhu, hadii ninkani si qarsoodiya ayugu suurto gali lahayd inuu soo galiyo daraagadan Heroin waxay galaafan lahayd 26,8000 oo qof, waana wax khatar ah in hal qof uu galaafto nolosha dadka intaas leeg.
2. Sharciga Shiinaha ayaa dhigay in hadii qof lagu qabto drugs in xukun dil ah lagu fuliyo, markaa qof reer galbeed ah dee dawlada Shiinuhu u jabin mayso Dastuurka u yaala wadankaas ee intaas oo sano lagusoo xukumayay dadka muwaadiniinta Shiinaha ah.
Deeq Almani
Hargeisa