Xijaas – Ahmed Saleebaan Hirsi
Axmed Saleebaan Xirsi.
Haddaba maansada oo abwaanku u bixiyey Xijaas, waxay tidhi sidan soo socota, ee akhris wacan.
Xaqaad iga mudnayd iyo
Xusuustaadii daba galay,
Anoon kuba xisaabtamin
Xaajada muggeediyo
Inaan xaashi iyo qalin
Midna lagu xasilin karin,
Ha yeeshee xusuustiyo
Dhegta xigashadeedii
Xogtii aan ka maalaan
Hooyooy xuskaagiyo
Xushmad kuugu daabacay.
Maalmihii xanjeerkiyo
Qaydkiyo xanbaarkii
Markaan xoolka jiifeen
Xuubkiyo cadka ahaa
Xoorkaad i-siisiyo
Xeel-dheeridaadii
Kolkaan soo xusuustaba
Xaaddaa i-booddoo
Sidaad iigu xaydnayd
Xanuunkii Ku-soomaray
Ma xisaabin karayee,
Hooyooy xannaankiyo
Xaasaamintaadaan
Xooggaa ku yeeshee,
Haddaan xiisahaagiyo
Xubeerkaaga waayoo
Xirfad aanad ii habin
Miyaan xay ahaan laa
Sow maan xijaabteen!
In kastoon xuquuqdiyo
Xilka waalid leeyahay
Gabay lagu xadeyn karin,
Ha yeeshee xiskaygiyo
Intuu xarafku ii jaray
Baan kugu xaq-dhawroo
Xeerin kaaga dhigayaa.
Markaan xaynka diriciyo
Xagashaada haystee
Xifaalaha adduunkiyo
Xisaabteeda aakhiro
Xagar igaga oodnaa,
Hooyooy xogtaadiyo
Xigmaddaad i-siisaa
Xayndaabka noloshiyo
Xaqa ii iftiinshoo
Xil-kas aan la-hurin iyo
Xeer-beegti iga dhigay.
Jahli waa xajiin iyo
Uskag iyo xayaabee
Xila-saamadkaan ahay
Haddaanaad i-xalinoo
Xiisadaa iskuulkiyo
Diinta xarakadeedii
Xa’da macallin ii dhiga
Hooyo aanad igu xidhin
Miyaan caawa Xaaq iyo
Xaammiim fasiri laa!
Intaad dunida xay tahay
Haddii aan xariir iyo
Dahab kugu xijaabana
Xaqaagii ma gudayee,
Jeer oon Xijaas iyo
Xaramkii ILaahay
Xajka cagaha kuu dhigo
Xaakinkeennu kuma dilo,
Kaa xishootay geeridu.
Xaqse mawdku weeyoo
Xilli ay ahaataba
Xabaal lama huraayee
Aakhira xumaan iyo
Hooyo xoloddo naareed
Rabbi kaa xoreeyoo
Xawlkii Rasuulkiyo
Jannadii xisaab-li’i
Inta lagu xormeeyee
Ku xeroota kaa yeel.
AAMMIIN – AAMMIIN – AAMMIIN.
Axmed Saleebaan Xirsi
biso04@hotmail.com
Suudaan – Khartoum.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali