Xus Maalin ahi Daawo ma aha by Rashiid Gadhweyne

December 28, 2009   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Xus Maalin Ahi Daawo ma aha

Rashiid Sheekh Cabdillaahi  Axmed(Gadhweyne

gadhweyneWaxaa la yidhi waa Maalintii Degaanka. Xafladaa la qabtay; waxaa laga akhriyey khudbado, dhaqdhaqaaq dhirayn ah na waa la raaciyey. Maa shaa-Allaah aad  baa loo hadlay oo loogu nuux-nuuxsaday wacyi-gelinta dadwynaha si uu gudto kaalintiisa nadaafadda degaanka iyo cimilada kululaanaysa, dhirta la jarayo ama la gubayo iyo xaalufnita dhulka iwm. Maalin kale ayaa jirtay oo ahayd tii iya na la yidhi waa maalintii dhirta. Mowduuca dhirtu, dabcan, ka ma baxsana degaanka ee waa qayb ka mid ah; innaga na si gooni ah buu inoo khuseeyaa. Ka ma muhiimsana cimilada kululaanaysa ee iyadu waa wax adduunweynaha ku xidhan oo aynaan wax-kaqabashadeeda awood gaar ah  u lahayn. Ayadoo sidaas ah, hadda na ma inkirayno in aynu dhibbatadeeda qabno. Mar haddii ay sidaa tahay waxay i la noqotay in aan isku koobo arrinta dhirta oo keli ah.      

Waxa aan idhi: “Allah ayaan-daranaa dirteennnu oo la ayaan-darrinaa”! Giddi ba qori dab leh ayeynu sidannaa hadda na waxaynu u wada barooranaynaa geedka oo maxaa loo gubay baynu leenahay. Wax walba munaafaqadeennaa ka daran iyo sida aynu indhaha isaga ridaynno ee nafteenna beenta ugu sheegayno. Sannadkii baynu nidhi: aynu maalin dhirta u ooyno, aynu qaylino oo nafta moodsiinno in aynu dhirta la shidayo wax ka qabaynayno. Waxaa la dhigay waxaad dabbaal-deg mooddo oo kooxihii muusikada ee ciidamada qaranku horsocdaan; malaha meelo na dhir lagu tag-taag. Halkaas ayey inoogu dhammaatay; sow ma aha?  Sidaas ayuu qalbigu inoogu degay oo mushkiladdii degaanka aynu ku daaweyney; sow ma aha? Maanlintii aynu magaca u yeellay oo laga yaabo in dhir “badan” meelo lagu beer-beeray iyo maalin kasta oo ka horraysay ayaynu gubaynay boqollaal kun oo geed. Ma jiro guri aan cisho wal ba lagu shidaynin dhawr geed; hadda na degaan iyo dhirta la dabar-jarayo ayaynu ka qaylinaynaa!

Waa Maalintii…Waa maalintii

Waxa aan nacay oo adduunka waqtigan hadda ah ku badan, wax la yidhaahdo: “waa maalintii”… waa maalintii haweenka…waa maalintii shaqaalaha, waa maalintii carruurta , waa maalintii cudurka dilaaga ee maxay iyo maxay… Sideeda u ma xuma in dhibaato jirta maalin hebla la xusaa, waa se in wax laga qabanayo. Waxaan fiicnaayn in sannadkii hal maalin la qayl-qayliyo oo seddexda boqol iyo shan iyo lixdanka maalmood kale mushiladdu sii darsato. Malaa waxaa  wacnaan lahayd innagoo isla qirna in mashaakilka maalmaha loo qoonddeeyey, intooda badan- haddii giddi ba aanay ahayn- uu sababay fal aadami; ku ma na joogasanayaan mashaakilkaasi maalin la yaac-yaaco ee halkoodii ba ka sii soconayaan; waa na looga sii darayaa. Taliskii Siyaad Barre ayaa waxaas aad u yaqaannay, isna  waxa uu ka bartay shuuciyaddii Ruushka; waxaase muuqata in caalamku ba sidaa wada yahay. Sannadka Alle ba wuxuu ku siganayaa in uu wada noqdo halkudhegyo mid waliba maalin gooni ah iyo mushkilad gooni ah ku saabsan yahay.Tobannaan sannadood bay sidaa soo ahayd, mushkilad wax laga qabtay oo dhammaaty na ma hayno, tu sii darsatay mooyaane.

Fahamka Ifafaalaha Bulsheed

Wax-wax kaa cadhasiiya oo kaa dhirfiyaa ma jiraan? Aniga waxaa I dhiba dembi-ka-cararka aynu wada nahay iyo sida aynu mushkilad kasta ba ugu koobi naqaan ee ugu dhaleecayno dad aad u tira yar oo ay ayaga gacantoodu muuqato.Waxa aynu afar iyo labaatanka saacadood carrabka la dhacnaa oo haaraan iyo habaar ku haynaa kuwa dhuxusha shida ee inoo soo iib-geeya, innaga shidanaynaa na isu ma muuqanno. “Maxaa meyd u dambeeyey iyo kaa la sii sido“; Habeenkii bishii Abriil lix iyo tobanka ahayd,(maalintii dhirta) waxaa Telefishanka Qaranka ka socotay dood ku saabsan muskiladda dhirta la shidayo, dhibaatooyinka ka dhasha iyo weliba sidee wax looga qaban karaa. Ninkii doodda hoggaaminayey na ku ma aroorin meeshii aan la rabay; kuwii doodayey na harraad ba malaa u ma haynin xaggaa. Sababo moduuci ah meelo laga soo qaad-qaad oo la sheeg miyiga laga imanayo iyo magaalooyinka lagu soo badanayo; waxaa se lagu celceliyey dadka dhuxusha shida iyo kuwa iibinaya iyo sidee la yeelaa? Tusaale ahaan,  sidee shaqo kale loogu helaa? Waxaad mooddaa haddii kuwaas shaqo loo helo in mushkiladdu dhammaanayso oo geed dambe aan la gubaynin.

Waaryaayaheen, ammuuruhu intaas ka qaro weyn. Bal ka soo qaad maanta, oo ka dhig inta dhuxusha dhirta ka shidda iyo inta ka sii ganacsata ba in shaqo tii hore uga wacan loo heley oo ay ku beddesheen. Kuwo kale ayaa halkoodii markaa ba imanaya oo buuxinaya wax na isku ma beddelayaan oo dhibaatadii halkeedii bay ahaanaysaa. Waxaa inaga wada maqan fahamka ifafaalaha blushed(sociological understanding). Waxaa jira dhibaatooyin dhismaha bulshada ee dhaqaale, siyaasadeed iyo xidhiidhada bulsheed ee jira ku arooraya, aan na qofaf gaar ah ku xidhnayn. Ha-yeeshee dhibaayooyinka iyo guud ahaan ba ifafaale kasta oo bulsheed waxa uu isku muujiyaa fikirka, si-araga iyo falka dadka qaarkood. Haddii aynu mushkiladda dadkaas oo keli ah ka dhigano oo aynu sababta moodno, weligeen dhibaato ka bixi mayno.

Midda kale, haddii ay ayagu leeyahiin gacamaha shidaya iyo kuwa ka ganacsanaya, inteena kale na waxaynu nahay suuqa dhuxusha. Dhumucda mushkiladda iyo miftaaxa xalkeedu na waa suuqa dhuxusha, waayo, waaxaa meesha jooga malaayiin dad ah oo lacag diyaar la ah, si ay ugu iibsadaan dhuxul-geed ay shitaan. Ha iiga qaadan oo ha moodin in aan ku leeyahay dhuxusha ha iibsan. Haddii aan sidaa ku idhaahdo fahamkii ifaafaha bulsheed ee aan kuu soo sheegay ayaa aniga qudhayda iga maqan, isma na lihi. Ifafaalaha bulsheed waa xaqiiqo mowduuci ah oo aan iraadadeenna iyo rabitaankeenna ku xidhnayn. Tusaalaheeda ku saabsan arrintan aynu ka hadlayno waa baahida bulshadu u qabto wax ay shidato. Cilmiga dhaqaalaha, haddii aad wax weydiiso wuxuu ku odhanayaa dalab shidaal baa jira. Xalku sidaa darteed, ugu horrayn ba waa in la helo wax kale oo baahidaa ama dalabkaas lagu haqab-tiro.

Aynu qodobkan hor-dhaciisa kaga baxno in aan masuuliyada dhibaatada degaanku ku koobnayn kooxaha dhuxusha shida iyo kuwa iibiya ee aynu giddigeen ba ka masuul nahay; xalku na ku ma jiro wacyi-gelin iyo sharci iyo qaanuun la soo saaro oo dad lagu xidh-xidho ee wuxuu ku jiraa in aynu keeno wax la shito oo aan dhuxush geedka ahayn. Haddii aynu taas fulinno, ciddii hugri qaado ee geed nool gubtaa waa xaalad anshaxo-xumo; waa na waajib in sharciga lagu xakameeyaa.

Maxaynu Yeelnaa

Xalka dhibaatadani waa mid qudha oo waa in aynu dhuxusha geedka la gubayo ku beddelno wax kale. Muxuu noqon karaa waxaasi? Xaggee se laga keenayaa? ma gudaha dalka mise debeddiisa? Sidee  loo keenayaa iyo yaa keenaya iwm?.

Arrinta muhimka ahi waa taas. Waxaynu ka caado dhiganay in aynu arrin kasta oo caam ah dawladda farta ku fiiqno, weliba Wasaarad Hebla nidhaahno may wax ka qabato, dawladdu na in ay dadweynaha canaanato oo tidhaahdo gacan ma siinayo hay’adaha dawladda; tusaale ahaan dadku ma soo sheegayaan dembiilaha (illeyn dawladeennu had iyo jeer  waa dembiile-doon-doone).

Waxaynu yeelnaa: aynu marka hore abbaarta aragtideena beddelno oo aynu dareen dhab ah u yeelano oo garanno in aynu giddigeen ba dhibaatada degaanka guud ahaan, iyo gaar ahaan, ta geedka gubanaya ka masuul nahay, xilka wax-ka-qashadeedu na dhammaanteen ina wada sugayo. Mushkiladdan iyo mushkilad kasta oo kale ba xal bay leedahay, mudanka arrinku se waa sidee ku gaadhnaa xalkaas iyo jidkee u marnaa? Ku ma jiro oo xal ku iman maayo amar dawladeed iyo yaan cidi na ku soo faro-gelinin! Haddii aynu isla garanno in badbaadada dhirtu ku jirto mushkiladda shidaalka oo si  kale lagu haqab-tiro, ma xukuummadaa laga sugayaa amar ku saabsan waxa la shidanayo iyo sida loo isticmaalayo?

Dhibaatadani waa tu bulshada dhammaanteed wada taabanaysa toos iyo dadab mid kasta ha noqotee; sidaas darteed na waa tu la wada danaynayo. Daneeyeyaasheeda u mudan waxaa ka mid ah xoolo-dhaqatda daaqa xoolaha iyo biyaha roobka tooska ugu nool, in kasta oo aanay wacyi iyo talo mid na ku lahayn; waxaa iyana ka mid ah kuwo dhuxusha shida, gaadiidleyda iyo kuwa suuqa kaga ganacsada iyo inteenna shidata idilkeen ba. Waxaa iyadu na daneeye culus ah dawladda iyo qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan labadeeda gole ee sharci-dejinta iyo xukuummadda. Mar haddii ay sidaa tahay waa in aynu siyaal kala duwan geddigeen ba uga wada qayb-qaadanno taladeeda iyo waxkaqabashadeeda. Waxay ku iman kartaa wada-tashi ay intaasi ba ka qayb-gasho oo ay xukuumaddu horseed ka noqoto, ma odhanayo ay hoggaamisee(hoggaamintu xoog iyo faruur-xidhig bay u dhadhamaysaa oo doodadahda uu wada-tashigu u baahan yahay bay carqalad ku noqon kartaa). Wada-tashigaas, qaab kasta ba ha noqdee, waxaa ka soo bixi kara istraatiijiyd iyo qorshe suurogal ah oo la hirgelin karo, waqti kasta ba ha qaatee. Istiraatiiyadda sidaa ku soo baxdaa waxay noqonaysaa wax aynu wada leenahay; loo na arki maayo sabaale dawladeed oo idaacadaha maalin iyo laba laga maqlo ka dib na la illaawo.

Haddii aynu helno wax aynu ku beddelno dhuxusha geedka la gubayo, tusaale ahaan dhuxusha dhagaxa, sida dad badani ku magacaabaan, ama gaasta neefta ah ba, waxaa inoogu xigaya maal-gashigeeda iyo suuq-gelinteeda iyo sidii dadku ku baran lahaa isticmaalkeeda iwm. Maalinta aynu heerkaas gaadhno waxaynu odhan karnaa qayb culus oo dhibaatadii degaanka ah baynu xallinay; ugu yaraan dabkii lagu gubayay baynu geedka ka badbaadinay.

Aynu ku soo ururnno maqaalkan: muskiladda dhirta iyo guud ahaan ba dhibaatooyinka degaanku waa mushklido caam ah oo bulsheed, ma se aha wax dad tiro yari gaar uga mas’uul yahiin; xalkeedu na cid gaar ah gacanta ugu ma jiro ee dhammaanteen buu sugayaa; ma na aha wax waqti gaaban iyo amar la fuliyo ku suurogelaya ee wuxuu u baahan yahay talo istiraatiijiyadeed oo waqti dheer lagu hirgeliyo

Ugu dambeyn waxaan leeyahay: haddii aynaan deynaynin xus iyo xaflado sanadkii ba maalin la qabto, aynu uga faa’iidaynno kulamo lagaga wada tashado dejinta siyaasad iyo istiraajiyad waaqica laga suurogelin karo oo si camali ah loo hirgeliyo. Aynu isku deyno in aynu mar uun dhibaatooyinka dalkeenna wax ka qabanno oo aynu    ka korno hadal aan haamo laga buuxinaynin.

W. q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi X Axmed (  Gadhweyne).

e-mail- rashiid_sheekh@hotmail.com

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.