Ciyaara loo arkayey Essien iyo Drogba kee badin doona, ayaa ku dhamaatay Drogba oo qosol ilaa gawsuhu muuqdaan by BBC
Ciyaara loo arkayey Essien iyo Drogba kee badin doona, ayaa ku dhamaatay Drogba oo qosol ilaa gawsuhu muuqdaan by BBC
Kooxda dalka Ivory Coast oo 10 nin ku ciyaaraysay, ka dib markii Emmanuel Eboue kaadhka cas loo taagay daqiiqadii 56aad ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay oo sideed-dhamaadka u soo baxda, markii si xarago leh 3 gool iyo gool kaga badisay kooxda dalka Ghana.
Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka cusub ee Cabinda, waxaana garoonka buuxiyey taageerayaal kubadda cagta jecel oo doonayey in ay daawadaan qaar ka mid ah ciyaartoyga kubadda cagta ee Africa ugu fiican.
Goiolal ay kala dhaliyeen, Gervinho,Siaka Tiene iyo Didier Drogba , ayaa Ivory Coast ugu gudubtay wareega is-reebreebka.
Ghana waxay ciyaartani u ahayd tii ugu hotaysay ka dib markii ay Togo ciyaaraha ka baxday, waxayna hada u bahan tahay in ay ka badiso Burkina Faso, si ay u soo baxdo.
Gervinho ayaa daqiiqadii 23aad kubada weerar-celis ah shebekada ku hubsaday.
Daqiiqadii 66aad ayaa kubad loo dhigay meel u dhow goolka Ghana, si qaloocan gool fiican ugu dhaliyey Maroodiyaasha.
Ciyaartii oo dhamaad ah ayaa daqiiqadii 90aad kubad gudub loogu soo dhigay Drogba madaxa ku dhaliyey.
Laakiin gool-ku-laad loo dhigay Ghana ayaa waxa u dhaliyey Asamoah Gyan, ciyaartii oo dhamaad ah.
Ivory Coast waxay ka cadhoodeen ciyaartii Isniintii ay iskaga hor yimaadeen kooxda Burkina Faso, oo gool la’aan ku dhamaatay.
Sadexdan kooxood oo ku jira groupka B, waxa u saraysa Ivory Coast oo 4 dhibcood leh, Burkina faso oo dhibic leh iyo Ghana oo aan waxba lahayn.
Maantana ciyaaraha dhacaya Groupka C, waxa wada ciyaaraya Nigeria iyo Benin, waxay ciyaartaasi bilaabanaysaa 7 Africada Bari.
Ciyaarta kale waxa wada ciyaaraya, Masar iyo Mozambique, waxayna bilaabanaysaa 9.30 habeenimo.
Masar haddii ay badiso waxay u gudbaysa sideed dhamaadka, waxaanse la hubin in ay safan doonaan, kooxda faraacinada Hosni Abdu Rabou iyo Hossam Ghaly, oo aan todobaadkan tababar qaadan.
Kooxda Mambas ee Mozambique ayaa laga yaaba in uusan u safan ninka qibrada weyn leh ee Tico Tico., oo caloosha laga qabtay.
Kooxda Nigeria ayaa ku faraxsan in uu safan doono ninka dhexda uga ciyaara ee khatarta ah Dickson Etuhu, oo ruuga laga hayey.
Laakiin labada ciyaartoy ee reer Benin, laakiin asal ahaan u dhashay Nigeria, Muri Ogunjobi iyo Razak Omotoyossi, ayaa niyad weyn u haya in ay ka badiyaan kooxda dalkii ay ku dhasheen.
Said Ali Muse
Source: BBC Somali



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali