Dabar go’a Af Soomaaliga sidee ayaa loo badbaadin karaa.

January 26, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Dabar go’a Af Soomaaliga sidee ayaa loo badbaadin karaa.

AhmednuurMudane iyo marwoba waxaan doonayaa in aan idin la midigeeyo baalidka baahsan ee ka muuqda afkeenni hooyo. Haddii aad u kuurgasho daah-furrada iyo marag-furrada ay bixiyeen dadka ku xeel-dheer af-maalka ee carradan aynu ku noollahay, sida ay u arkaan tayada iyo fac-weynaanta Af-Somaliga, waxa aad ogaanaysaa in uu Af-Somaligu yahay mid hodan ka ah dhinac kasta, haday tahay tix iyo tiraaba.

Waxa aynu si mug leh ugu  mahad celinaynaa halyayadii iyo hal-doorkii inoo qoray Afka aynu ku hadllo kaas oo maanta inoo ah isgaadhsiinta ugu qaalisan ee aynu isugu tebinno hadal iyo hawraarba. In kasta oo ay dadka qaar dood geliyaan dhigaalka sukayaashiisa ee la qaatay in aan laga baaraandegin oo ay ka habboonayd in la qaato dhigaalka sukayaasha (xarfaha) Afka Carabiga kol hadii aynu nahay bulsho Islaam ah. waxa aan u malaynayaa in ay tahay dood aan loo miidaan deyin laguna jaan-goyn baahiyihii goortaas jiray. ku sii tiigaali maayo doodaas,  hase yeeshee waxa aan doonayaa in aan is dul-taagno sida aan war iyo wacaaltoona looga hayn nabaad-guurk iyo bara’baxa Af-Somaliga.

Waxa aan si joogto ah isha ula raaca dhammaan Mareegaha iyo wabaahinta lagu qoro Af-Somaliga. Xilli kasta waxa aad ka dhex dheehan kartaa marka aad halacsto wararka, farriimaha, iyo aragtiyaha dad weynaha intaba in ay yihiin jacbur ka kooban afaf qalaad, Inkasta oo aanu afkeenna laf ahaantiisu ka madhanyn erayo qalaad oo aanu weli ina soo gaadhin bedelka Af-Somaligodu, hadana ma jiro xil weyn oo layska saaro kala dhawrista badhaxa afafka kala duwan, taas oo bahdil iyo liidnimo ku ah sawraca iyo hidda-sooca Afkeenna.

Akhristayaal innaga oo dhawrayna summada iyo sawraca afkeenna waxa loo baahanyahay in aynaan ku dhex badhxin afaf qalaad, ee waa in aynu kala soocnaa. Hadii aynu u qalab qaadanno  in aynu qorno qoraal afka Ingriisida, ama afafka kale  ah ma dhici Karto in aynu ku lifaaqno tibaaxo Afka Somaliga ah, kolka hadii aynu ilaalinayno haybada afafka kale miyaanay ka mudnayn in aynu dir-sooca afkeenna tixgelino inta awooddeenna ah.

Akhriste waxa la joogaa ammintii qadka (qalinka) iyo qoraalka, sooyaalka dhacdooyinka waa markii ugu horreysay ee ay sida xad dhaafka ah uu u soo fufo koboca qoraalka af-Somaligu. Sidaa daraadeed dadaalku mayara qorayaasha u tafa’xaytay curinta duug reebka iyo agaasimida wararka, waxa se loo baahan yahay in aynu ka  ilaalino dabar go’a iyo baylahda afkeenna oo aynu u qorno si badhax la’ taas oo duug raandhiis hadha u noqonaysa soo maqanaha dhalan doona iyo da’ yarta joogta intaba.

Waxa aan mahad naq ballaadhan u soo jeedinayaa dhamman dadka isku hawla qoraallada iyo soo gudbinta farriimaha abdada leh, ee u heellan Dharaar iyo Habeenba, waxa aan  naftayda iyo tiinaba kula dar-daarmi lahaa in aynu kala ilaalinno jacburinta afafka.

Waad mahadsantiin

Ahmed Nur Ahmed

Axmed_80@hotmail.com

UK

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

One Response to “Dabar go’a Af Soomaaliga sidee ayaa loo badbaadin karaa.”

  1. Abdirahman Says:

    Afsoomaaligu wuu sii dhimanayaa maalin ba maalinta ka dambeesa, taas oo ay ugu wacan tahay dhowr sababood haba ugu darnaatee dowlad la aanta iyo burburka sii dheeraaday ee ku habsatay ummadda soomaaliyeed