Dowladda Kenya ayaa ku eedeeysay Shabaab inay ka danbeysay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof by BBC Somali

January 16, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Dowladda Kenya ayaa ku eedeeysay Shabaab inay ka danbeysay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

kenyaWasiirka amniga qaranka ee dowladda Kenya, George Kinuthia Saitoti, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, kadib markii uu ka qeybgalay kulan ay yeesheen xubnaha baarlamaanka ee muslimka ah iyo maamulka masaajidka Jamia.

Wasiirku waxa uu sheegay in laanta sirdoonka ee dowladda Kenya ay la socotay mudaharaadkaasi, inuu noqon doono mid rabshado wata, isla markaana ay qaban qaabinayeen kooxo taageersan Shabaab.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 10 qof, markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska magaalada Nairobi iyo dad muslimiin ah oo ku mudaharaadayay masjidka Jamia ee ee ku yaalla caasimadda Nairobi ee waddanka Kenya.

Sarakiisha isbitaalka Qaran ee Kenyatta ayaa xaqiinaya dhimashada halka qof iyo dhaawaca waxayna sheegayaan in dhamaantood dadka dhaawaca ah ay xabad ku dhacday.

Sidoo kale afar ka mid ah ciidamada booliiska ayaa iyaguna la sheegay in isbitaal loo dhigay dhaawacyo ka soo gaaray rabshadaha.

Mudaharaadka ayaa ka bilowday wadaad Muslim ah oo u dhashay waddanka Jamaica oo la yiraahdo Abdalla Al Faysal oo dhawaanahan muran uu ka taagnaa markii dowladda Kenya oo booqasho uu ku yimid waddankeeda ay iska masaafurisay oo Nigeria ay dib uga soo celisay waddankeeda

Source: BBCSomali

image source: hiiraan.com

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.