GARDARRADA WAALIDKA IYO GAR-NAQSIGA UBADKA By Ahmed Nuur
GARDARRADA WAALIDKA IYO GAR-NAQSIGA UBADKA.

Sida aad la wada socotaan bulshadii Somaaliyeed waxa ay u soo hayaameen hortaa bannaan, iyaga oo u dal’ay kuna filqay daafaha dunida. Waxa aynu nahay bulsho muslim ah. Wadamada shisheeyaha ah ee aynu sal dhignay, waxa ay u badan yihiin wadamo aynu aad u kala duwannahay dhaqan ahaan iyo diin ahaanba.
Hadaba waxa aan is dul taagi doonnaa dhibaatooyinka ubadka iyo waalidka ka dhex taagan.
Shaki kuma jiro in ubad badan oo waalid kood dadaal geliyay ay hadfeen kuna lumeen wadamada gaalada iyaga oo baal maray wixii laga filayay ee badhaadhe iyo wanaag ahaa. Waxa hubaal ah in wax weyn la gefsan yahay oo ay khaldan yihiin. hase yeeshee su’aashu waxa weeye halkee ayay wax ka khaldan yihiin? Su’aasha jawaabteeda waxaan u dhaafayaa aniga iyo adiga.
Waxa jira arrimo is barkaday oo la odhan karo waxa ay gundhig u yihiin dhibaatada aynu kor ku soo sheeganay. Waxa aynu xusi karnaa dhawr qodob oo sabab u noqon kara xummaanta iyo guul-darrada inaga haysata dhallaanka.
- xidhiidh la’aanta waalidka dhexdiisa. Taas waxaan uga jeednaa sida cadaadu tahay waxaa dhacda in uu yaraado xidhiidhka iyo kalgacal ka hoose ee qoyska, marka laga baxo bilaha arooska ama uu yimaado ubad. Ma dhacdo in labada waalid ka wada sheekaystaan xidhiidhkooda lammaane ahaan, iyaga oo ku hafta dhibaatooyinka qoyskooda. Waalidku isma tixgeliyaan wakhtina ma siiyaan gorfaynta dareenkooda, iyo kan ubadkooda.
- xidhiidh la’aanta waalidka iyo ubadka dhexdiisa. Waalidku uma ogolaado ilmaha in ay ka qayb qaataan dhismaha reerkooda, mana tixgeliyaan dareenkooda. Waxa dhacda in ilmaha canaan iyo maagis lagu af-waajiyo, halkii la dhegaysan lahaa dhug na loo yeelan lahaa dareenkooda iyo hirarka maskaxdooda ku jira. Taasi waxa ay dhaxalsiisa ilmaha inuu qarsado dhamaan waxyaabaha uu doonayo khalad iyo sax kii uu doono ha noqdee; taasna waxa uu fulin doonaa amminta uu awood u helo.
- geediga faraha badan. Somalida waxa lagu tilmaama reer guuraa. Taasi waxa ay saamyn xun ku yeelatay qoyska Somaliyeed ee qurbaha u soo hayaamay. Ma soo koobi karno dhibaatada ay leedahay in qoysku ka guuro waddan isaga oo u guuraya waddan kale, waxa aan iyana ka dhib yarayn magaalooyinka iyo dugsiyada loo kala bedelo qoyska iyo dhallaanka . Geedigu waxa uu ubadku kala kulmaa dhibaato xaga la qabsiga deegaanka ah, iyda oo ay ku adkaato inay si fudu isu fahmaan deegaan kooda cusub. Waxa uu abuura dhibaato xaga maskaxda iyo aqoonta ah. Saaxiibada xun-xun way ka soo dhawayn badan yihiin kuwa wanaagsan, waa ay ka gacan furan yihiin kuwa dhaqanka suubban, maxaa yeelay, waxa ay neceb yihiin dadka ayaatiinkoodu ifayo kuna baraagugsan noloshooda. Waxa ay neceb yihiin in asaaggood loogu faano. Ogow waxa ay ku dadaalayaan in filkood lamid noqdo, oo ay sahaydaan badhaadhahooda. Maskaxda ku hay in ubadku yihiin xaashi cad oo u baahan in wax lagu qoro. Ogow in uu halis ugu jiro inay si deg-deg ah u qaabilayaan xumo talis iyo qas-wadayaal lumin doona. Marka ilmuhu dego deegaan cusub waxa uu si fudud ugu xidhmi doonaa dad aan qaneecaad badan lahayn, oo ku hanuunin doona jidka hoogga iyo jabka. Ka digtoonow geediga inta aad awooddo.
- aqoon la’aanta waalidka qoyska somaaliyeed. way inoo fududahay aniga iyo adiga in aan ilmaheenna ku canaanno in ay wax bartaan si ay u anfacaan ayaatiinkooda danbe. Laakiin ma laga yaabaa inaan ku gefsanahay arrinkaas? Waa wax suura gal ah. Bal aan isla barano xidhiidhka iyo faraqa u dhexeeya waalidka aqoonta leh ubadkooda iyo waalidka aan aqoonta lahayn ubadkooda. Hadii aad u fiirsato ilmaha waxa uu waayo aragnimo iyo kudayasho u ah waalidkii inta uu ka yar yahay 15 sano. Hadii uu ilmuhu arko oo uu garaadsado waalid ahaan innaga oo aqoon leh ama ugu yaraan baranaya, kuna dadaalayaa ayaatinkooda iyo dhismaha aqoontooda, waxa huban inuu isna ku dayan doono si uu kuu soo gadho heerkaaga ama uu u dhaafo. Waxa hubaal ah in aad si fudud u ogaan kartin heerka aqoontood iyo waxa ay caawimo u baahan yihiin. Waxa hubaal ah in ay waliba aqbalaan in ay bartaan kuna dadaalaan talooyinka xaga aqoonta, iyaga oo tix gelinaya waayo aragnimadaad. Waxa hubaal ah in hadii aan doonayno in uu ilmaheennu wax inaga dhegaysto waa in aan aqoon ahaan ka sarrayno ilmaheenna. Waana dabeecad aadmuhu laylyay ama tijaabiyay.
Bal aan u fiirsanno aqoon yarida waalidka iyo hallawga ilmaha waxa ka dhexeeya. Waxa ay ilmuhu ogaadeen in aanay jirin wax la taaban karo o ay kaga daydaan waalidka, maxaa yeelay waxa ay garaadsadeen labadoodii waalid oo fadhiy aftoollin iyo firko. Waxa ay u qaateen in ay nolosha ayaatiinkeeda danbe sidaa tahay, oo ay u noolaan karayaan sida waalidkood u nool yahay. Hadii aan sidaa nahay maxaan ugu khasbaynaa aniga iyo adigu in ay ubadkeenu inaga wacnaadaan? Waxaa hubaal in aynaan garan Karin casharrada ay dugsiyada ku soo qaataan. Iska daa inaynu ka caawinno. Waxaa hubaal ah in ay inagu marin-habaabinayaan in ay ka shaqaynayaan layliyada dugsiga looga sugayo, marka ay ku sheekaysanayaan qolalka shabakadaha (internet ka sida MSN, FACEBOOK, TWITTER, MYSPACE) iyo ciyaaraha kaambiyuutar ka. Waa ayaan keenna inaan kala garan Kari weyno layliga dugsiga iyo maaweelooyinka lumiyay kumanaan caruur ah. Waxaa hubaal ah in ay u baxaan suuqyada iyo goobaha madadaalada iyo saneemooyinka iyaga oo inoo sheegaya in ay saaxiibadood ama kaydka buugta (library) ka raadsanayaan caawimo. Waa run in aan jecellahay in aan fasaxno mar hadii aynu kaalinteennii gabnay oo aynaan garan Karin in ay layli iyo shaqo guri leeyihiin. Waxaa hubaal ah in aanay ina tix gelin doonin maalinta aynu ka jirrino (sugno) ilmeheenna in ay inooga afqabtaan (turjumaan) dugsiga ay dhigtaan ama dhakhtarka. Ma jeclaan doonaan inaan ka soo doono dugsiga iyo in ay ina racaan iyaga oo ku faraxsan.
- dhiirigelin la’aanta ilmaha dookhiisa. Waan jecellahay in ilmeheenu noqdo dhakhtar, kal-kaaliye ama farsamayaqaan diyaaradaha sameeya (Engineer). Laakiin Malaga yaabaa in aanu isgu rabin? Waxaa dhacda in aynaan tix gelin ilmaha xulashadiisa, kuna khasabno aqoon aanu jeclayn inuu barto. Arrintaasi waxa ay niyad jab ku tahay ilmaha iyo doonistiisa. Ma diidani in ilmuhu noqdo waxa aynu la doonaynayno, hasa yeeshee aniga iyo adigu ma nahay kuwo ubadka doonistooda bedeli kara innaga oo aan qab jebin oo aan dhaawicin fikradooda.
- maamul xumada dhaqaalaha qoyska iyo fara madhnaanta ubadka. In kasta oo bulshada somaaliyeed ku jirto caymiska isku dul noolaanshaha oo ay taasi sal-dhig utahay nolosheenna, waxaa hubaal ah in uu jiro maamul xumo weyn oo xaga dhaqaalaha ah, taas oo saamayn weyn ku yeelata ilmaha. Ma haboonaan lahayd in aan ilamaheena siinno sitimaankii ( usbuuc) hal shilin si uu ugu isticmaalo wax aynaan garan Karin inuu u baahan yahay ama uu ka maagayo in uu ina weydiisto. Ma laga yaabaa in ay arrinkaas dhisi karto kalsooni iyo xidhiidh fiican? Waxaa hubaal ah in ilmuhu gaadho da’ uu u baahan yahay fara-laab yar oo adduun ah. Hadii aan garan weyno, ogow waxa uu raadsan doonaa meel uu ka helo dhaqaale madax bannaan. Ha canaan hadii uu gado daroogo si uu u helo lacag.
Ma soo koobi karno arrimaha gun-dhigga u ah hallawga iyo habawga ubadkeenna qurbaha joogta. Hase yeeshee waxa aan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga. Dhawr su’aalood oo aan jawaab loohayn.
Maxaan ubadkeenaa uga sugaynaa in ay innaga wanaagsanaadaan ayaatiinkooda danbe, mar hadii aan dooranay sida aynu u noollahay ee aynu ugu fekeri weynay in aan marka hore innagu gaadhno yoolka aan la higsanayno noloshooda?
Maxaa aynu ubadkeena uga sugaynaa in ay inoo sheegaan fekerkooda,mawjadaha badweynta iyo hirarka ka guuxaya maankooda sax iyo khalad, mar hadii aynaan inagu la wadaagin talada reerka iyo arrimaha qoyska si ay u dareemaan in la tix gelinayo rayigooda? Mala tashanaa ubadkeenna si daacad ah?
Hadii aynu ku raaxaysanayno aqoon la’aan nolol fiican maxaa aynu ubadka ugu dhaafi weynay sideenna oo kale?
Hadii aanad adigu jeclayn in aad sodonka quraanka korka ka qabto ama aad noqoto dhakhtarka ilkaha ka shaqeeya maxaad ugu khasbaysaa iyaga wax aanad adba diyaar u ahayn inaad noqoto?
Hadii aan qaadanyno shilinka dhulka yaalla, ama aynaan uga tegayn meherad aan wax ka iibsannay oo aynu lacagta jecellahay maxaan u ogaan weynay in qof kastaa sidaa jecel yahay, ubadkeenuna ku jiro kuwaas jecel. Mise waa in ay so xoogsadaan?
Ayaatiinka ubadku waxa uu ku xidhan yahay in aan ula dhaqano sidii dad masuul ah una tix gelino ra’yigooda iyo talooyinkooda. waa in aan ka shaqayno horumarka nolosheenna oo aan garawsanno gabood falkeenna iyo gefafkeenna aan kula kacno ubadka.
Wad mahadsan tihiin
AHMED NUR AHMED
UK



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali