Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali

January 3, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Affartankii sano ee ugu dambeeyey, waxay jaamacaddu waxay si gaar ah u kaydin jirtay cajaladaha ay ku duuban yihiin dhamaan noocyada kale duwan ee suugaanta Soomaaliyeed. Marka laga reebo maktabadda Congress-ka Maraykanka, oo haysa kaydka dunida ugu weyn ee buugaagta laga qoray Soomaaliya, Jaamacadda Indiana ayaa noqonaysa maktabadda labaad ee ugu weyn ee kaydisa culuumta Soomaaliyeed.

Halkan ka dhegeyso: warbixinta Cabdirahman Aynte

Americana_31Aug07
Get Adobe Flash player

Tusaale ahaan, haddii aad u baahato inaad dhagaysato gabayo la duubay ku dhawaad boqol sano ka hor, maktabadda kaliya ee aad ka hali karto waxay ku taallaa jaamacadda Indiana.

Prof. John Johnson, oo macallin ka ah jaamacadda Indiana ayaa ah qofka sida gaarka ah isugu xil saaray howshan. Waxaan laba toddobaad ka hor kula kulmay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaas oo uu ka socday shirka daraasaadka culuumta Soomaaliyeed.

“Waxaan uruuriyey buugaagtii laga dhigi jiray iskuullada Soomaaliya xilligii Max’ed Siyad Barre. Maaddooyinka aan hayno waxay isugu jiraan xisaab, Juquraafi, Physics, taariikh, arrimaha diinta, suugaan iyo kuwa kale,” ayuu yiri Johnson.

Prof. Johnson dhowr goor ayuu Soomaaliya tagay ka hor intaanuu burburka dhicin. Isagoo doonaya inuu culuumta Soomaaliyeed wax badan ka barto ayuu u xereysan jiray Prof. Guush Anjayefski, oo af-Soomaaliga ka dhigi jira jaamacadda London.

Wuxuu kaloo Prof. Johnson wakhti badan galiyey matxafkii iyo maktabaddii qaranka Soomaaliyeed ka hor intii aysan dagaallada sokeeye ku burburin. Wuxuu ii sheegay in Wasaaraddii Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladdii Siyad Barre, ay u soo diri jireen buugaagta iyo cajaladaha cusub ee hadba ku soo kordha kaydkooda.

Muxuu Johnson u xiiseeyey suugaanta Soomaalida?

Waxaase la is weydiin karaa sababta ay Prof. Johson iyo jaamacaddiisuba u go’aansadeen inay kaydiyaan culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa kan isagoo su’aashaas ka jawabaya:

“Sanadkii 1978 markii la aasaasay ururka Caalamiga ah ee Daraasaaska Culuumta Soomaaliyeed ayuu agaasimaha ururkaas, Xuseen Tanzaaniya, ii magacaabay xoghayaha cilmi-baarista iyo kaydinta. Markaas ayay iila muuqatay in sida ugu habboon ee aan culuumta Soomaaliyeed ku kaydin karo ay tahay inaan ku uruuriyo jaamacadda aan ka shaqeeyo.”

Dagaalladii sokeeye kadib, Prof. Johnson wuxuu ii sheegay inuu isku taxallujiyey bal inuu meel ku soo ogaado buugaagtii iyo cajaladihii faraha badnaa ee oolli jiray maktabaddii qaranka. Marka laga reebo xoogaa buugaag ah oo soo gaaray Maktabadda Congress-ka Mareykanka, Prof. Johnson wuxuu ii sheegay inaanan meelna lagu sheegin intii badnayd buugaagtaas.

Inkastoo uusan af-Soomaaligiisu wanaagsanayn, haddana Prof. Johson wuxuu ii sheegay inuu qaxwo ku iibsan karo, hoteelna ku kiraysan karo, haddii uu u baahdo.

Soomaalida iyo suugaanta

Ha yeeshee waxaan weydiiyey sababta uu u xiiseeyo culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuuna ku jawaabay:

“Marka hore, haddii Soomaalida laga qaado gabayga, waa ay wada dhimanayaan. Ma noolaan karaan. Gabaygu waa hannaanka kaliya ee ugu muhiimsan ee ay Soomaalidu isku gaarsiiyeen dareenkooda hoose. Ha ahaato dhanka falsafadda, dhanka arrimaha diinta ama dhanka siyaasadda iyo wada xaajoodka tooska ah ee shakhsiyaadka ama beelaha dhexmara, gabaygu udub dhexaad ayuu u yahay af-Soomaaliga. Haddii uu madaxweynaha Maraykanka qof Soomaaliya ahaan lahaa, xogyahihiisa warfaafintu gabayaa ayuu noqon lahaan! Farriimaha ugu muhiimsan waxay Soomaalidu isugu gudbiyaan noocyada kala duwan ee suugaanta, sida gabayga, geeraarka, heellada ama jiiftada.”

Prof. Johnson wuxuu ii sheegay inuu jeclaan lahaa in Soomaalida qurabaha, gaar ahaan kuwa waqooyiga America ee danaynaya culuumta Soomaaliyeed, ineey soo booqdaan maktabadda jaamacadda Indiana, si buu yiri looga faa’iideysto kaydkan uu hayo.

Dhowrkii sanadood ee ugu dambeyey, waxay jaamacadda Indiana kharash badan ku bixisay sidii kaydka culuumta Soomaaliyeed loogu xarayn lahaa bartooda Internetka, si markaas qofkii daneynaya cilmigaas uu isagoo jooga dunida cirifkeeda kale uga faa’iideysto.

Barta Jaamacadda Indiana

Kaydka suugaanta iyo culuumta Soomaaliyeed ee Jaamacadda Indiana waxaad ka akhrisan kartaa barta eey sida gaarka ah jaamacaddu ugu sameysay oo ah:

http://www.indiana.edu/~libsalc/african/Digital_Somali_Library/home.html

Source: VOA Somali

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.