Qarax Lala Beegsaday Badhasaabka Gobolka Sool & Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay
Laascaanood (APTEN) Jan. 28, 2010 – Hal qof ayaa ku dhintay afar kale oo uu ku jiro Badhasaabkii Gobolka Sool Md. Faarax Askar-na way ku dhaawacmeen, ka dib markii barqadii maanta qarax lala beegsaday Gaadhigii Badhasaabka, mar uu ku sugnaa afaafka hore ee Gurigiisa, magaalada Laascaanood.
Qaraxan oo aan illaa hadda la aqoonsanayn cidda ka dambaysay fulintiisa, ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay Badhasaabka Gobolka Sool, iyada oo uu mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd ee Badhasaabkuna ku geeriyooday. Dhaawaca Badhasaabka ayaa hadda lagu daweynayaa Cusbitalka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Mar war-fidiyeenada APTEN isku dayeen inay xogo dheeraad ah ka helaan sifaha uu qaraxu u dhacay, ayaanay nasiib-darro u suurto-gelin, iyada oo saraakiisha ammaanka Qaranka iyo kuwa Gobolka Soolba ka warwareegeen inay wax tibaax ah ka bixiyaan. Sidoo kale maamulka iyo dhakhaatiirta Gobolka oo aannu isku daynay inaannu wax ka weydiinno xaaladda Caafimaad ee badhasaabka, ayaa iyana ka cudur-daartay, sabababo haleel-la’aaneed awgeed, waa siday hadalka u dhigeen’e. si kastaba ha ahaatee, sida aannu ka helnay ilo-wareedyo xog-ogaal ah, Badhasaabka Gobolka Sool Md. Faarax Askar, ayaa la sheegay in dhaawacu ka soo gaadhay lugaha oo ay filidhadii qaraxu ka galeen.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool si is daba-joog ah ugu soo badanaya qaraxyo googoos ah oo kii u dambeeyay uu todobaadkan ka dhacay, isla markaana ay ku dhinteen laba askari, sadex kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan Badhsaabka lala beegsaday ayaa ku soo beegmay xilli ay Magaalada Laascaanood ka socdeen hawl-gallo balaadhan oo lagu sugayo ammaanka gobolka, isla markaana ay xarunta Gobolkaas ku sugan yihiin wefdi culus oo ka socda Xukuumadda Somaliland, isuguna jira Wasiirro iyo Mudanayaal Barlamanka ka tirsan.
Ma jiro illaa imika cid maxkamad loo soo taagay qaraxii u horreeyay ee ka dhacay Laascaanood ee lagu khaarajiyay Taliyihii qeybta 12-aad ee ciidanka qaranka oo 1-dii bishii November ee la soo dhaafay ka dhacay Laascaanood, loona hayo 21 qof oo uu ku jiro sarkaalkii u sarreeyay Sirdoonka Gobolka Sool



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 5th, 2010 at 2:22 am
qaraxaa waxaa ka danbeeya daahir rayaale oo doonaya in dib loo dhigo doorashooyinka waana wax la ogaan doono