Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali

January 5, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

qeybdiidWasiirka macdanta ee dawladda federalka Soomaaliya Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa ku sugan magaalada Galkacyo waxana socdaalkiisa lagu sheegay inuu doonayo inuu ka qaybgalo xallinta khilaafaadkii dhowaan ka dhacay magaalada Galkacyo iyo colaadihii dhexmaray dad ka soo jeeda labada qaybood ee ay ka kooban tahay magaalada Galkacyo.

Cabdi qaybdiid waxaa socdaalkiisa ku weheliya Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda koofurta Galkacyo oo ka soo raacay magaalada Muqdisho.

Cabdi qaybdiid wuxuu kulamo la qaatay madaxda iyo waxgaradka ka soo jeeda koofurta Galkacyo waxana la ii sheegay in kulamadaas ay la xiriiraan sidii loo soo afjari lahaa murankii dhowaan ka dhacay Galkacyo ee dhaliyay dagaallo ay dad badani ku dhinteen.

Tan iyo markii ay billowday qalalaasihii dhowaan ka dhacay magaalada Galkacyo Cabdi Qaybdiid wuxuu ahaa masuuliyiintii kaalinta xoogga leh kaga jiray sidii loo dejin lahaa colaadaha toddobaadkii la soo dhaafay ka qaraxay magaalada Galkacyo, waxana jiray xiriirro badan oo u dhexeeyay madaxda sare ee Puntland iyo Cabdi qaybdiid.

Socdaalka Cabdi qaybdiid wuxuu ku soo beegmay iyadoo masuuliyiinta iyo qaybaha bulshada ee magaalada Galkacyo ay ku guulaysteen xabbadjoojin iyo heshiis ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa colaadaha soo noqnoqday ee halkaas ka dhacay muddooyinkan dambe.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in tirakoob lagu sameeyo dhismayaasha ku yaalla dhulka u dhexeeya labada qaybood ee magaalada halkaas oo ahayd halka mar walba ay colaaddu ka taagan tahay, markaas ka dibna dhinacii ay lahaanshaha guryuhu u bataan uu la wareego maamulka iyo cashuur ka qaadista.

Waxaa kaloo heshiiskaasi dhigayay in maamulka la wareega gacan ku haynta dhulkaas uu isagu masuul ka noqon doono nabadgelyada iyo xasilloonida goobtaas oo aan lagu farageli karin wixii dhibaato ah ee ka dhacana isaga wax la waydiinayo.

Heshiiskaas weli lama fulin, mana jirto wax tallaabbo ah oo weli loo qaaday sidii loo dhaqan gelin lahaa, laakiin dhinaca masuuliyiinta Puntland waxay sheegayaan inay weli taagan yihiin oo ay sugayaan sidii loo fulin lahaa heshiiskaas la wada gaaray.

Imaatinka Cabdi qaybdiid iyo madaxda kale ee la socota ayaa loo arkaa inay muhiim u tahay isu soo dhowaanshaha dadka ku dhaqan labada qaybood ee magaalada Galkacyo, waxadse moodaa inay taasi u baahan tahay in la siiyo waqti ku filan marka arrinta laga eego sida ay xaaladdu tahay.

Guud ahaan magaalada Galkacyo intii ka dambaysay dagaalkii dhowaan halkaas ka dhacay iyo heshiiskii ka dambeeyay ma jirin colaad muuqata oo magaalada ka jirta, waxaa dib loo furay dhamaan goobihii ganacsi oo ku yiillay dhulkii uu muranku ka dhashay waxana hadda jooga dadkii horay ugu shaqaysan jiray.

Dad badan oo maalmihii dagaalku dhacay ka qaxay magaalada ayaa guryahdoodii dib ugu laabtay ka dib markii ay degtay xiisadu.

Si kastaba ha noqotee waxaa raja wanaagsan laga muujinayaa in la soo afjaro colaadihii halkaas ka dhacay iyo khilaafka ka taagan gacan ku haynta goobaha lagu muransan yahay.

source: BBC Somali

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.