Saddex Askari ayaa ku dhintay Qarax miino ka dhacay magaalada laascaanood Kuwo Kalena waxaa Soo Gaadhay dhaawac.
Saddex Askari ayaa ku dhintay Qarax miino ka dhacay magaalada laascaanood Kuwo Kalena waxaa Soo Gaadhay dhaawac.
Hargeysa (AftahanPress)- Qarax Miino oo ka dhacay shalay Saldhig ku yaala magaalada Laascaanood ayey ku naf-waayeen 3 Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, halka Laba kale oo ka tirsan ciidankaasina uu soo gaadhay dhaawac, kuwaasi oo lagu dawaynayo dhaawacooda cusbitaalka magaalada burco, qaraxan ayaa dhacay ka dib markii Miino lagu amray -in ay soo qaadaan askartu ay kula qaraxday gudaha saldhiga.
Falkan qaraxa miinada ee ay ku naf-waayeen 3 Askari ayaa waxa uu ku soo beegmay maalmo yar uun ka dib markii Sarkaal ka tirsan hogaanka ciidanka Booliska magaalada Laascaanood uu ku dhawaaqay inay jiraan falal qorshaysan oo lala maagan yahay in lagu khaarijiyo saraakiil ka tirsan ciidanka oo uu ku jiro, isla-markaana waxa uu ku eedeeyay falkaasi inuu ugu horeeyo dadka maleegaya Taliyaha Qaybta Booliska ee magaalada Laascaanood Mr. Gooni oo ah Sarkaalka amray in Askarta qaraxan ku nafwaayay iyo kuwa waxyeeladu ka soo gaadhay ay soo qaadaan miinada ku qaraxday ee galaafatay nafahooda.
Qaraxa miinadan ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu hagayay Rimuutka (Remote) gacanta, marka loo eego qaabka uu qaraxu u dhacay.Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka qaraxyada ee ku soo noqnoqnaya deegaanka magaalada Laascaanood ayaa dadweynaha Somaliland guud ahaantood ay ka muujyeen walaac xoog leh, iyada oo horena loogu dilay isla magaalada laascaanood taliyayaal ka tirsan cidamada milatariga iyo kuwa booliskaba, xukuumada Somaliland ayaan dhinaceeda ilaa hada qaadin talaabo cad oo ay kaga hortagayso dhacdooyinkaasi, iyadoo aanay jirn cid ay fal-dambiyeedyadaasi sharciga u horkeentay.
Muna casayr jaamac
(AftahanPress)
Hargaysa office



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali