Somaliland: Nuxurka Kulan Dhex-maray Madaxweyne Rayaale iyo Wefti Ka Socda Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya
Somaliland: Nuxurka Kulan Dhex-maray Madaxweyne Rayaale iyo Wefti Ka Socda Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya
Hargeysa (Aftahan Press)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kulan qaabilaad ah kula yeeshay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa wefti ka socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay wadanka Itoobiya.
Weftigan oo uu hogaaminayay Safiirka ku xigeenka Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya Mr. John Marshal oo fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa, waxaana ay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay xog-ogaal u noqoshada xaalada nabadgelyada wadanka iyo daba-galka halka ay marayso hawsha Serverka kala shaandhaynaya diiwaan-gelintii ka dhacday Somaliland, kaasoo ay ku xidhan tahay xilliga qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland loo astaynayo.
Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax oo ka tirsan Hawl-wadeenada noogu sugan Somaliland ayaa noo soo tebiyay warsaxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasoo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, isla-markaana waxa uu warsaxaafadeedkani ka hadlayaan ujeedada weftigan u socday iyo wixii uu daaraa kulankii ay maanta la yeesheen Madaxweyne Rayaale.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan;- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu saaka Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti ka socda Safaaradda Dawlada Britten ay ku leedahay Dalka Ethopia. Waftigaas oo booqasho gaaban ku yimi Somaliland waxa hogaaminayay Safiir ku Xigeenka Safaarada Britten ee Dalka Ethopia Mr. John Marshal.
Waftigaasi oo ujeeddada socdaalkoodu u ahaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in ay u kuur-galaan Marxaladaha Siyaasada iyo aminga Somaliland, gaar ahaan halka ilaahada ay Marayso u diyaar garawga Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh.
Madaxweynaha oo hadal kooban Waftigaasi u jeediyay waxa uu Carabaabay in Somaliland Marwalba intii tamarteeda ah ay si taxadir leh u ilaashanayso nabadeeda iyo Xasiloonideeda iyadoo aynu ka war qabno amaan-darida iyo khataraha Mandaqada Geeska ka taagan.
Madaxweynuhu isagoo arintaas sii faah-faahinaaya waxa uu yidhi (Waxaan Codsanaynaa in Wadamada Caalamku oo Britten ka mid tahay in ay naga caawiyaan sidii marwalba aan u sugi lahayn Arimaha nabadgelyada iyo amnigaSomaliland ay ku Caano maashay)
Waxa kale oo Madaxweynuhu soo qaaday in wax allaale wixii khilaaf Siyaasi ah ay Somaliland dhexdeeda ku dhamaysandoonto sidii looga bartay, iyadoo Komishanka Cusub ee Doorashooyinkana Madaxweynuhu ku hanbalyeeyey sida fiican ee hawshoodu u wadaan iyadoo Xukumadiisuna ay marwalba diyaar u tahay in ay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah marka Komishanka Doorashooyinku wakhtigeeda Cayimaan.
Mr. John Marshal Safiir ku Xigeenka Britten ee Dalka Ethiopia oo isagu goob joog ka ahaa Heshiisyadii Lixda qodob ka koobnaa ee Axsaabta Qaranku kala Sexeexdeen, waxa uu ku Amaanay Madaxweyne Rayaale iyo Xukumadiisaba sida marwalba ay uga go’antahay in Doorashooyin Xor oo Xalaal ah ay Dalka ka qabsoomaan isla markaana sida ay had iyo jeer u ilaashanayso nabad gelyada iyo Xasiloonida dalkeeda ka jitra, taasoo uu gaadhsiin doono Madaxda Xukumada Britten.
Waftigaasi Safaaradda Britten waxa kale oo ka mid ahaa Mr. Matt Woods oo isaguna ah Madaxda sare ee Safaarada Britten ee Dalka Ethiopia .
Waftigu intii ay joogeen Somaliland waxa kulamo kala duwan ay la yeesheen Wasiirro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada Wasiirka Dib u Dajinta iyo Wasiirudawlaha Arrimaha Gudaha.
Waxa kale oo waftigu kulama iyana la yeesheey Komishanka Doorashooyinka iyo qaarka mid ah Axsaabta Qaranka”.
Maaha markii u horaysay ee waftigani booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa, hase yeeshee tiroba laba jeer ayay booqashadan mid nooceeda oo kale ah ku yimaadeen dalka, tan iyo markii la so oaf-jaray khilaafkii siyaasiga ahaa ee ka cokanaa wadanka, kaasoo ka dhashay dib-u-dhaca dhawr jeer ku yimi doorashada Madaxtooyada oo aanay ilaa hada cadayn wahktiga rasmiga ah ee ay qabsoomayso.
Dawlada Ingiriisku waxa ay ka mid tahay Wadamada Somaliland ka taageera dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka, iyada oo qayb lixaad leh ka qaadatay doorashooyinkii kala dambeeyay ee Somailland ka qabsoomay sida Doorashadii Golaha Deegaanka, Doorashadii Golaha Wakiillada, Doorashadii Madaxtooyadii, Diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee muranku ka dhashay qaabkii loo galay, ilaa hadana maaraynteeda lagu hawlan yahay, waxaana lagu wadaa inay ilaa hada daba ka riixayso xukuumada London sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xora oo xalaal ah, maadaama Dawlada Ingiriisku ay tahay xukuumadii xornimada siisay ee hore u gumaysan jirtay Somaliland.
Cabdiqani Xuseen Baynax
Weriyaha Aftahan Press
Hargeysa Office
Email: baynax@gmail.com



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali