Xisbiga Kulmiye oo Dhoola-tus Balaadhan ku Soo Dhaweeyaha Gudoomiye Siilaanyo Oo Somaliland ku Soo Guryo=noqday

January 31, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

kulmiye01 Hargeysa (APTEN)- Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa maanta isu soo bax balaadhan oo dhoola-tus ah ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal uu  ku tagay wadanka Maraykanka.

Jidadka magaalada Hargeysa ayaa saaka lagu waabariistay iyadoo ay buux-dhaafiyeen taageerayaasha xisbigaasi Kulmiye, iyada oo ubaxa ugu muuqa dheer ee maanta hadheeyay magaalada Hargeysa-na uu ahaa calanka xisbiga Kulmiye ee ka kooban midabada Akhtarka iyo Huruuda.

 

Waxaanay mowjado dad ah oo ka kooban qaybaha bulshadu kala duwan qulqulayeen laga bilaabo xarunta xisbiga ee xaafada Shacabka ilaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqatay dhoola-tus xisbigaasi kaga jawaabayay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumada oo sheegay in Gudoomiyaha Kulmiye aanu soo geli Karin wadanka ilaa uu cafis waydiisto xukuumada maadaama uu muujiyay bay yidhaahdeen inuu aaminsan yahay mabda’a federaalka.

Soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa saaka ka soo qayb-galay Masuuliyiinta Xisbigaasi, madax ka tirsan isbedel-doonka xisbiga UDUB, madaxda UCID iyo xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Siilaanyo uga waramay safarkiisa warbaahinta markii uu soo gaadhay xarunta xisbiga.

Soo dhawaynta Gudoomiyaha Kulmiye ayaa sababtay in xukuumadu xidho jidka hor mara Madaxtooyada, iyada oo lagu jaray gaadiidka waawayn Booliska iyo ciidamada Booliska. Iyada oo markii ay taageerayaasha Kulmiye soo gaadheen jidka Madaxtooyada ayaa waxay si aan dhibi ku jirin u waydaarteen jidadka dhinacyada ka mara Madaxtooyada, iyada oo ay ciidamada Booliska iyo taageerayaasha Kulmiye-na isku gacan-haadinayeen oo ay hab nabadgelyo ah u wa tateen hawlahooda.

Guud ahaanba isu soo baxan lagu soo dhawaynayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa ku dhamaadan jawi nabdoon.

 “Waxaan dalka ka maqnaa muddo bil ah oo aan ku maqnaa dalka Maraykanka, waxaan sii maray iyagana Itoobiya, meelahaas aan sii marayay oo dhan. Waxaan u maqnaa dalka Somaliland, waxaan ku maqnaa inaan bulshadaa la kulmo, ilaa dawlada Maraykanka la kulmo, dawlada Itoobiya iyo cido bada oo kale oo aanu soo aragnay intii aanu joognay dalka Itoobiya, gobolo badan taagay, dad badan soo arkay, dad badan baa ila shaqaynayay oo reer Somaliland ah iyo xisbiga Kulmiye gaar ahaan, goob walbana dad aad iyo aad ayuu noo soo dhaweeyay.

Dawlada Maraykanka Hay’adaheeda iyo Baarlamaankeedu aad bay noo soo dhaweeyeen, qadiyada Somaliland ayaanu fahamsiinaynay in aanu ku guulaysanay ayaanu u aragnaa.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiye Axmed-Siilaanyo.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ay suxufiyiintii ka socday Hay’adaha Warbaahinta Somaliland halkaasi su’aalo la xidhiidha safarkiisa ku waydiiyeen, isaga oo si taxadar leh uga jawaabay, qaar ka mid ah su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay Gudoomiyaha Kulmiye-na waxay u dhaceen sidan; -

S: Gudoomiye waxa jirta in intii aad safarka ugu maqnayd Maraykanka uu Wasiir xukuumada ka tirsani kugu eedeeyay iyo Madaxweynuhuba inaad aaminsan tahay Federaal oo ay tahay in aad cafis waydiisato xukuumada sideed u aragtaa?

J: Waan maqlayay, wax Alla waxaan qiimo siinayo arrintaasina ma jirto, dalka reer Somaliland waxaan gudo iyo waxaan galaba way ogyihiin.waxaan u soo maray waa la ogyahay, Madaxweynaan u taaganahay, waan u soo halgamay, doorashaan u soo galay, maanta Somaliland kuwa ugu horeeya ee u halgama ayaan noqonayaa.

S: Dawlada Maraykanka Maxaad ka wada hadasheen?

J: waxaanu ka wada hadalay arrimo fara badan oo la xidhiidha horumarka Somaliland, ictiraaf-raadinteeda, dimuqraadiyadeeda iyo mucaawinadeeda ayaanu ka wada hadalay, guulo badana waanu ka gaadhnay.

S: Donald Payne waad kulanteen, doorashooyinkii baaqday maxaad iska tidhaahdeen eedeedase iyagu dawlad Maraykan ahaan yay u tirinayaan?

J: Horta eedayn laga hadli maayo, ma jecli inaan iminka eedayn cidna dusha ka saaro, taasi wax inaga inoo gooniya weeye. Laakiin mid baan kuu sheegayaa Dawlada Maraykanku aad iyo aad ayay u danaynaysaa Somaliland iyo dimuqraadiyadeeda iyo in aanay doorashadu dib u dhicin.

S: Marka la eego dhoola-tuskiinan ma laga yaabaa inuu sababo in marka ay xukuumadu aragto awoodiina inay dib u rido doorashada?

J: Dawlada waxaynu uga baranay waad ogtihiin, sidii dalka heshiiskeenu ahaa haday ka baxayaan iyagay jirtaa, waynu sugaynaa hay’ada doorashada qarankana kalsooni badan baan ku qabnaa. Way isku dayaysaa inay sidii awalba dhaqanka u ahayd wax kasta oo waxyeelaynaya inay qabsoonto doorashadu.

S: Xoghaya Arrimaha Dibada Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay

J: Maraykanku waa dawlad wayn oo wax badan inala qaban karta oo ina tari karta. Xataa Puntland oo kale waxay ku leedahay dad u shaqeeya, waa talaabo ay dawladeenu ka gaabisay in xidhiidh xoogan la samayso dawlada Maraykanka.

Waan joogaa wax igu dhacay ma jirto, wadankaygii baan joogaa, ciidaydii baan joogaa, taageeraa lay muujiyay oo waad aragtaa taas wakhti badan ku lumin maayo.

C/qani X. Baynax

Aftahan Press & Enterprise Newspaper (APTEN)

Hargeisa, Office

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.