Xabaal-Ammaan-ka Maxaa Ugu Wacan Soomalida (Qofku marka uu dhinto in la amaano ) by Adam X Cali

January 16, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Adamhaji

Xabaal-Ammaan-ka Maxaa Ugu Wacan Soomalida

(Qofku marka uu dhinto in la amaano )

Hordhac

“Qof fiican buu ahaa, qof laga nabad galay buu ahaa, qof aqoon leh ayuu ahaa, lagama sheekayn karo wanaagiisa.” Xabaal-ammaanayaasha

Kalmadahaa iyo kuwa kale oo la mid ah, waxa had iyo jeer laga dul yidhaahdaa marka la aasayo qof geeriyooday, qofkaasi ha ahaado qof lab ah ama dhadig ah, siyaasi, aqoon yahay, baayacmushtar, caalim diinta yaqaan, suugaan yahan, Gabayaa, ama sifooyinka kale ee qof ku yeelan karo bulshada dhexdeeda.

Arrinkaa waxa la yidhaah Xabaal-Ammaan, oo xabaasha ayaa la amaanayaa, illeen waa kan qofkii dhintay . In kasta oo ay wanagsantahay in qofku marka uu geeriyoodo la sheego wanaagiisa, Laakin ammaantan xabaasha dusheedu waa amaan ka duwan oo aan qofka lagu odhan inta uu nool yahay ama aanu maqal meel lagu hadal hayo.

Amaantaa laga dul leeyahay xabaasha qofka marka la aasayo inta uu nool yahay ma maqlaysid, iskaba daa in aad maqashid amaan uu leeyahay ee mar marka qaar waxa aad maqlaysaa oo ay dadku carabka ku hayaan meelaha qofkaasi iniinta ku leeyahay (qof aan iin lahayn ma jiro adduunyada, ILLAHAY ayuun baan iin lahayn iyo Nabiyadiisa uu soo dirtay ee uu ilaaliyay).

Waxa kale xusid mudan, in qofka la amaanayo marka uu geeriyoodo aan laga faa’iidaysan inta uu nool yahay, oo haddii cilimi uu leeyahayna aan la waydiin, haddii uu khibarad nololeed leeyahayna aan laga reebin ama laga dhaxlin inta uu noolyahay ee uu la geeriyoodo, khibradaas oo wax u tari lahayd jiilasha qofkaa ka dambeeya, haddii ay tahay khibarad siyaasadeed, mid taariikheed, mid dhaqaale, mid caafimaad, mid bulsho ama waayo aragnimada kala duwan ee qof kasban karo inta uu nool yahay.

Haddaba, su’aasha is waydiinta lehi waxa weeye, Maxaa sababa in aynu sidaa u dhaqano?, oo qofku marka uu inaga qarsoomo ee Allahiisa la kulmo aynu u amaano, inaga oo aan waxba ka faaiidaysan Karin, ileen wuu geeriyooday oo ma soo noqonayee, marka uu ina la joogana aynu u dayacnaa, ama iinta (meesha uu qofku u liito ) uu leehay aynu xooga u saarnaa oo ugu soo celcelinaa, inaga oo aan sheegayn wanaagiisa.

Sida ay ila tahay su’aashaas waxa aan kaga jawaabi doonaa qormadan soo socota, aniga talo soo jeedina raacin doona inshaa allah. Mar walba marka aan arko qof khibarad iyo aqoon (garasho leh) oo inta uu geeriyooday taariikhna aan laga reebin, lana geeriyoodo hanti qaali ah oo dadkuna u aayi lahaayeen, isagana dhaxal uu ka tagay u noqon lahayd, waan murugoodaa, waxaana maskaxdayda ku soo dhacda sida uu qofkaas noloshiisii iyo waayo aragnimadiisii u dayacantay. Waana arrinka igu kalifay in aan maqaalkan curiyo.

Waa Maxay Sababtu?

Sababta arrinkaa keenta, sida ay ila tahay waxa weeye, mid ka imanaysa laba dhinac;

  • Midi waa mid ku xidhan hab-dhaqanka bulshadeena
  • Ta labaadna waxa weeye mid ku xidhan qofka geeriyooday laftiisa

HABDHAQANKA BULSHADEENA

Bulshadeenu waxa ay leedahay caado aan wanaagsanayn oo ah in qofku inta uu nool yahay aan la qiimayn oo aan loo arag waayo aragnimadiisu mid faa’iido u ah inta kale bulshada waxna ku soo kordhinaysa. Sidaa awgeed dadkooda kala duwan ee leh waayo aragnimada kala duwan ma qiimeeyaan inta badan, marka aan arinkan sheegayo maaha dadka oo dhan, waxa aan ka hadlayaa sida ay bulsahadu u badan tahay .

Qofku inta uu nool yahay cid u tagaysa ma jirto oo wax waydiinaysa, ama u aragta waayo aragnimadiisa mid faa’iido leh, maalinta uu geeriyoodo ayaa la tabaa . Tusaale yar ayaan kusiinayaa, wuu yaryahay qof inta uu labadiisa waalid la fadhiisto waraysta oo waydiiya waayo aragnimadooda ama waayaha nololeed ee ay soo mareen, sida kolba loo dhinac maraayo ayay geeriyoodaan labada waalid.

Arinka labaad waxa weeye, dadkeenu wanaaga qofka waxa ay ka jecelyihiin in had iyo jeer la sheego iinta ( meesha uu qofku u liito) uu leeyahay qofku. Sidaa awgeed, dadku had iyo jeer waxa ay ku mashquulaan in ay dabagalaan qofka ceebtiisa, oo ay isku mashquuliyaan. Taasina waxa ay ilawsiisaa in la ogaado qofku wixii uu ku fiicanyahay ama waayo aragnimo nololeed ee uu leeyahay, si looga faa’iidaysto.

Arinka saddexaad waxa weeye, dadkeenu waxa ay leeyihiin caado ah in qofka marna la wada jeclaado oo la amaano, marna la wada naco oo la caayo. La isuma dheelitiro qofka wanaagiisa iyo xumihiisa, ee marba dhicay ayaynu ka qaadanaa qofka noloshiisa. Xikmad Carbeed ayaa tidhaah -ma xasuusto qofkii yidhi- “qofna ha wada jeclaan, waa intaa oo uu bari noqdo cadawgaaga, qofna ha wada nicin waa in taa oo uu bari noqdo qof aad jeceshahay.” Sidaa awgeed, in badan waxa aad arkaysaa, qof caayay qof kale oo aan waxba u reebayn, hadana bari la socda qofkii uu caayay oo amaanaya ammaan aan xad lahayn.

Arrinkaa kolba dhinac loo boodayaa waxa uu dadka ilawsiinayaa in ay gartaan qofka qiimihiisa, ileen waa kaa qiimihii ka lumay, taasina waxa ay keenaysaa in aan laga faa’iidaysan inta uu noolyahay waayo aragnimadiisa.

Waxa kale oo jirta qofku haddii uu soo bandhigo waayo aragnimadiisa ama uu ka sheekeeyo guulihiis iyo guuldarooyinkiisa waa lala yaabayaa oo waa la quudhsadaa, taasina waxa ay dadka ku abuurtaa kalsooni daro wayn, oo cidina kuma dhiirato inta uu masraxa yimaado in uu ka sheekeeyo waayo aragnimadiisa nololeed.

Arinka labaad oo ah mid la xidhiidha qofka geeriyooday

Arrinka labaad waxa weeye mid la xidhiidha doorka uu ka qaatay intii uu noolaa qofkan geeriyooday ee la amaanayo xabaashiisa intii uu geeriyooday kadib.

Su’aashu waxa weeye sidee ayuu uga qayb qaadatay? Sidan soo socota ayay door uga qaateen in noloshuudu dayacant, dadkuna ay xabaashooda amaanaan;

  • Marka hore dhaqan uma lihin in uu qof qoro waayo aragnimadiisa nololeed -sida ay dunida kale samayso- in yar ayuunbaa wax qorta inaga, laakiin dadka badankoodu wax ma qoraan. Taasi waxa ay door muhiim ah ka ciyaarta in qofka noloshiisii iyo waayo aragnimadiisii dayacanto, qofka ugu fiican ee wax reebi kara ama noloshiisa wax ka qori karaana waa qofka laf ahaantiisa.
  • Waxa jira sababo kale oo lagayaabo in ay ka qaybqaataan in aanu qofku waxba aanu qorin ama duubin (video or caste ), sababahaa waxa ka mid:

ü        Waxa lagayaaba in aanu qofkaasi fursad ba u helin intii uu noolaa in inta uu fadhiisto uu wax qoro ama wax duubo toona. Sida uu ugu jiro mashquul ayaa laga yaabaa in uu ka baxo adduunyada oo gooriyoodo.

ü        Waxa kale oo laga yabaa in ay maskaxdiisa ku soo dhacdo in uu wax qoro ama duubo, laakin uu is yidhaah maxaad ka qori ama ka duubi maadigaa waxbaba haya, oo noloshiisa quudhsado.

ü        Marmarka qaar, waxaaba jirta in qofku cabsado oo uu yidhaa ‘waa lagula yaabi haddii aad hahadasho, yaan lagula yaabin ee iska aamusnaw’. Tusaale ahaan, haddii uu arko qof arinkaa ka hadlaaya ama waayo aragnimadiisa ha ahaato ama arrin kale ha ahaatee, waxa uu odhanayaa waar muu iska aamusnaado, aamuska ayaa loo qaatay. Taasi waxa ay ku tusaysaa in dad badan oo wax kordhin lahaa ay cabsadaan, xataa marmar ka qaar waxa ay ka cabsadaan in uu qofku yidhaah, arinkaa waan khaldamay sababo jira awgeed.

ü        Arinka kale ee jiraa waxa weeye- wuu yar yahay cid ku dhaqanta- in qofku is yidhaa la dhimo khibradaada, adigaba laguuma faa’iidayn ee adiguna waxba ha u sheegin dadka, oo ay ka tahay xaasidnimo. Arrinkani wuu yar yahay, laakiin wuu dhacaa, oo waxa aad arkaysaa , isaga oo qofku leh waar aniguba waan soo jabay ee idinkuna jaba oo badda gala.

Sababaha xaga sare ku xusan oo dhami waxa ay door ka ciyaareen in qofka marka uu geeriyoodo la waayo oo aanay waxba ka hadhin, waayo-aragnimadiisii iyo noloshiisii oo dhami dayacanto.

Talo iyo Gunaanad

Waxa aan kusoo gunaanadayaa, qormadan- oo u baahnayd mid intan ka dheer, laakiin haddii la sii dheereeyo aan laga go’yoonayn- talo iyo gunaanad;

Talo

  • Waxa aan kula talinayaa Jiilasha nool in ay dhug u lahaadaan waayo aragnimada dadka waawayn iyo jiilasha sii socda oo ay kala hadhaan waayo aragnimadooda iyo taariikhada ay leeyihiin, qofku meesha uu doono nolasha ha kaga jiro, noloshiisa ha sameeyo khaladaad ama ha ku yaraadeen khaladaadku, waayo, qof aan khaldaminin ma jiro. Mar walbana maskaxda ha ku hayaan in haddii aan qofkaa laga reebin taariikhadaa iyo khibaradaa uu leeyahay in hanti qaali ah lala aasaayo (duugayo) oo ina anfici lahayd inta aynu noolnahay, waayo nolosha adduunyadu waa khibrad la isu dhiidhiibo sida qoriga dabka la isugu dhiidhiibo, oo jiilba jiil u dhiibo.

Haddii aynaan sidaa yeelin waxa inagu dhacaysa in aynu ku soo celcelino khaladaadkii ay Jiilashii hore sameeyeen, sida maanta ina haysata, illeen wax qoran oo meel la dhigay ma jiraane.

  • Dadka waayeelka ah , lehna waayo aragnimada nololeed -uma jeedo dad gaar ah, qof waliba wuu leeyahay oo cimrina wuu noolaa, khibaradna waa leeyahay dhinacay doontaba ha ahaato, kol uu inooga sheekeeyo oo qoro maalmihii nolashiisa- waxa aan kula talinayaa in ay waayo aragnimadooda reebaan, iyagana waxa ay u noqonaysaa dhaxal (legacy) lagu xasuusto ifka iyo aakhiroba, dadka dambena way anfacaysaa oo waxbay u taraysaa inta ay nool yihiin.

Gebo gebo

Waxa aan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, qof waliba qof uu yaqaan ha waraysto, kol ay labadiisa waalid tahayna, haddii ay nool yihiin, dabadeedna waayo aragnimadooda iyo taariikhdooda halla wadaago dadka inta kale. sidaas ayaynu ku dhisi karnaa bulsho wax qorta oo wax isu tabisa, jiilba jiilka ka horeeya wax uga tago, haddii kale waxa inagu dhici in kolba Eber aynu ka soo bilawno nolosha, sida maanta ina haysata.

Allah waxa uu ugu tala galay in aynu dhulka camirno, habka aynu ku camiraynaa waxa weeye inaga oo waayo aragnimadeena kala dhaxalna oo isu gudbina.

Haddaba, waxa inala gudboon in wax laga reebo jiilasha sii socda, haddii ay iyagu wax reebi karaana ay reebaan. Waayo, waxa ii muuqata duruuf adag, taas oo ah taariikho iyo hanti qaali ah oo aynu maalin walba duugno inaga oo aan waxba kala hadhin.

Waxa aan ku soo xidhayaa qoraalkayga tixdan gabayga ah oo uu tiriayay Abwaanka Yuusuf Shaacir, waxaanay ka tirsantahay maansadiisa Dhedo:

-         Dadku dheegga qoladiyo

-         Intay dhaadanaayaan

-         Dheeraadka hadalkiyo dhiidhiida shubayaan

-         Dhaleecayntu mudan tahay

-         Dhambaalkoodu faan yahay

-         Dhumucdiyo rasaastiyo

-         Dhimashadu u fudud dahay

-         In la dhacarto mooyee

-         Miyey dhaashan karayaan

-         Miyey dheemman jiiftiyo

-         Dhirta wada macduunka ah

-         Dheefteeda cunayaan

-         Dhar wanaagsan leeyiin

Wasalamu calaykum

Adam Xaaji Cali Axmed

Waa sharci Yaqaan iyo Bare-sare (lecturer)

Ka tirsan Jaamacada Hargaysa

Imikana Kooras wax barasho ujooga

University for Peace

(www.upeace.org)

San Jose, Costa Rica

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.