Archive for February, 2010

“Telesom waa Damal hadhaweyn oo dadku hadhsado” Gaariye

Hargeysa (APTEN)- Maamulka iyo Golaha sare ee shirkadda Telesom ayaa 27th February, 2010 kulan ballaadhan la yeeshay saamilayda shirkadda (Shareholders).
Kulankaas oo ka dhacay Hotel Ambassador, ujeedadiisu waxa ay ahayd in warbixin dhamaystiran laga siiyo saamilayda xaalada ay shirkaddu ku sugan tahay, marxaladihii ay soo martay iyo guud ahaan mashaariicda kale ee ay shirkaddu ku hawlan [...]

Kulmiye Oo Garawsaday Qorshe Cusub Oo Komishanku Kaadhadh Ugu Samaynayaan Cod-bixiyayaasha Doorashada

Hargeysa (APTEN) – Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa garawsaday qorshe cusub oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku doonayaan inay ku qurxiyaan Diiwaan-gelinta. Qorshahan oo Kaadhadh hor leh oo cusub loogu samaynayo muwaadiniinta, kadib marka uu Server-ku soo saaro natiijada liiska kama-dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige oo arrintan la [...]

Qudbaddii Xoghaya Arrimaha Dibedda Ingiriiska David Miliband by APTEN Media

Halkan ka daawo qudbadii Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska oo la hadlaya soomaalida degen bariga London. Waa qaybtii dambe ee hadalka isagoo dhan baanu soo wadnaa la socosho wanaagsan

Soomaalida UK degan oo Ururs-siyaasadeed dalkan ka diiwaangashan kaga dhowaaqay London by APTEN

Kulan si quxu badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Bariga Magaalada London, kaas oo lagaga dhowaaqay urur-siyaasadeed la magac baxay Saaxiibbada Soomaalida ee Ururka Shaqaalaha (Somali Friends of Labour Party)  kaas oo u xaglin doona, lana shaqayn doona Ururka Shaqalaaha ee talada dalkan gacanta ku haya.
Waxaana ka soo qayb galay kulankaas, madax aad u [...]

Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Gabbaday Ka-Qayb-Galka Shir Lagu Lafo-Gurayay Xeerka Miisaaniyadda

Hargeysa (APTEN) – Shir lagu falanqaynayo dhaqan-gelinta Xeerka Miisaaniyadda Qaranka Jsl ayaa maanta ka furmay Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Shirkan oo uu furay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo socon doona muddo saddex cisho ah waxa soo qaban qaabiyay Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada. Shirkan oo aanuu ka soo xaadirin [...]

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee wadanka Biritan, David Miliband oo salaadii Jimce kala qayb galay Soomaalida Bariga London masjidka Al-huda, halkaan oo Somalilandna ku soo hadal qaaday;

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee wadanka Biritan, David Miliband oo salaadii Jimce kala qayb galay Soomaalida Bariga London masjidka Al-huda, halkaan oo Somalilandna ku soo hadal qaaday;

David Miliband, Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Biritan, ayaa salaadii Jimce ku sugna masjidka Soomaalida ee Al-Huda Mosque oo ku yaalla bariga magaalada London, halkaas oo uu ku dhegeysanayey qudbaddii [...]

Odayaasha Ciise Oo Isku Khilaafay Goobta Lagu Caleemo-Saarayo Ugaaska Cusub

Diridhaba (APTEN) – Odayada Dhaqanka & Xeer-beegtida beelaha Ciise ee ku dhaqan Itoobiya ayaa maanta shaaca ka qaaday aragtidooda ku aaddan in Ugaaska Ciise in lagu caleemo saaro waddanka Somaliland. Madax-dhaqameedyada beelaha Ciise ee Gobolka Shinniile oo indhoweydba dawladda Jabuuti kala hadlayay waxa ay ugu yeedheen – xaalad ka dhex ooganta beelaha ood-wadaagta ah ee [...]

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Cidda Sugaysa Amniga Madasha Saylac Ee Caleemo-Saarka Ugaaska Beesha Ciise

Hargeysa (APTEN) – Taliyaha Ciidamada Badda ee Gobollada Galbeedka Somaliland Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa ka hadlay war ku saabsan Ciidan ka socda Dalka Jabuuti oo la sheegay in uu la wareegay Magaalada Saylac oo berri la filayo inay ka dhacdo Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciise-ha. Taliye-ha oo tix-raacayay warar sheegayay in  Ciidamo ka socda Jabuuti ay [...]

Dawladda Soomaaliya Oo Talooyin Diir-Nax Leh U Soo Jeedisay Somaliland, Doorashadana Ku Dhiirri-Gelisay

Muqdisho (APTEN) – Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga ee Dawladda Shariif ee Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde), ayaa Dawladda iyo Shacabka Somaliand uga digay khataraha weerarro kaga yimaadda Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-Cadde) oo hore uga mid ahaa masuuliyiintii Maxkamadihii Islaamiga ahaa, isla markaana ku biiray Dawladda Shariifka ee Soomaaliya, ayaa mar [...]

Madaxweyne Rayaale Oo Weji-gabax Kaga Jawaabay Ergeynta Qaar Ka Mid Mudanta Wasiirradiisa

Hargeysa (APTEN) – Madaxweynaha Somaliland iyo koox Wasiirro ah, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.
Inkastoo aanu jirin wax war ah oo rasmi ahaan kulankaas ka soo baxay, haddana ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulankaasi ka dhacay xarunta Madaxtooyada, lagaga wadahadlay xadhiga ganacsade mashruuc boqollaal kun oo doolar [...]