Archive for February 3rd, 2010

Gudoomiyaha Kulmiye oo Si Faahfaahsan Uga Waramay Socdaalkiisii Maraykanka Dhambaal Hambalyo Ahna u diray Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa (APTEN)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Ahna Murashaxa Jagada Madaxweynaha ugu tartamaya xisbigaas, Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dad gaadhaya 600 oo qof Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa khudbad xog-waran ah ugu faahfaahiyay Socdaalkii uu ku tagay wadanka Maraykanka iyo waxyaalaha uu kala kulmay.

Gudoomiyaha Kulmiye oo la Hadlaya Qaybaha Bulshada Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed [...]

Ma Anigaa Saan-Caddaale Ah, Mise Waa Layla Qabaa! “Xusuusta Nus-Qarnigii Daadduunka Iyo Daranyada Qaxoontinimada.” Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar. E-mail: halabuur@hotmail.com

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar.
E-mail: halabuur@hotmail.com
 
Waa ku-sinnaan 1964-kii iyo ammin uu socdo dagaalkii u dhaxeeyey dawladihii Soomaalida iyo Xabashida. Saansaan colaadeed oo cufan ayaa ka aloosan dhammaan jiidaha dirirtu ka oogan tahay. War san iyo weedh saallooniba way ku deysay. Kaaga daran’e, dhiilloda iyo qaylo-dhaanta ayaa kob kasta oo nafley ka dhowdahayba sheekadeedu taallaa. Deegaannada keynta [...]

Awaal-tiris Maanso Cusub oo Hadraawi Tiriyey

Hargeisa (APTEN) – Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an [...]

Agabare: Maanso Wacyiga La Xidhiidha – Abwaan Ahmed Aw Geeddi (Dheeraad)

Agabare, waa mid ka mid ah maansooyinka Abwaan, Axmed Aw Geeddi (Dheeraad), waxaanay ka mid tahay saddex Maanso oo hal-abuurrada: Hadraawi, Axmed Aw Geeddi iyo Xasan Ganey ku soo ban-dhigeen Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, 29/01/2010. Inkasta oo Maansadan Agabare ay soo baxday wakhti hore, waxa bandhiggeedu ammin tan daarran yahay; iyada oo wacyiga [...]