Archive for February 18th, 2010

Xaflad Balaadhan oo Loogu Damaashaaday Degmonimada Balli Cabane oo ka tirsan Gobolka Hawd

Hargeysa (Apten)-Munaasibad ballaadhan oo loogu wan-qalayay Degmada Balli-cabbane ee gobolka Hawd oo ka mid ah Degmooyinkii uu Madaxweyne Rayaale magacaabay, ayaa shalay lagu qabtay Degmadaas.
Munaasibaddaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qayb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Salaadiin, Madax-dhaqameed kale, Aqoonyahan, Dhakhaatiir, Axsaabta Siyaasadda iyo [...]

UDUB Oo Ku Fashilantay Muujinta Shacbiyaddooda, Soo-Dhoweyn Ay Rabeen Inay Kaga Jawaabaan Tii Axmed Siilaanyo

Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa ku fashilmay isku-day uu doonayay inuu ku muujiyo cududdiisa, taas oo ay kaga jawaabayeen soo-dhaweyntii dhowaan loo sameeyay Gud. Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye. Boqollaal dad ah oo u badan, carruur aan gaadhin da’dii cod-bixinta, Oromada ka xoogsata dalka, dadka loo yaqaanno Weji-ku-macaashka oo saacado kooban la kiraystay iyo [...]

Halkee Ayay Marayaan Xubnihii Komishanka ee Gobollada ugu baxay Dhismaha Xafiisyada?

Hargeysa (APTEN)-Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee gobollada Bariga ka soo dhisayay xafiisyada degmooyinka ayaa haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
 
Xubnahan ka midka ah weftiga Komishanka ee hawlaha shaqo ku maraya gobollada Bari oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Cali Khadar Xasan waxay magaalada Ceerigaabo ku soo laabteen ka dib markii ay [...]

Bandhiga Mobaylada Tamarta Cadceeda ku Shaqaynaya (Telesom Sollar Mobiles)

Miyiyoow waa Telesom, Mobile-kaagan Cadceeda kaga Maaran Dabkii
Hargeysa (APTEN) Shirkada ugu wayn isgaadhsiinta degelka Soomaaliyeed ee Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo ay ku soo kordhisay adeegyadii ay hore bulshada ugu qaban jirtay.
Adeegan cusub ee ay shirkadu soo bandhigtay ayaa ah mid Mobaylo ku shaqaynaya Tamarta Cadceeda, kuwaasoo lagaga maarmayo in Laydh lagu [...]