‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar

February 17, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

apple-iphoneHorraantii 1990-maadkii, waxa gees-ka-gees dhul-weynaha Soomaalida iyo cidhifkan Bari ee Qaaradda Africa-ba ku baahay noocyada kala geddisan ee Is-gaadhsiinta. Ruuxba si buu uga faa’iidaystay, waxaanay kaalin muuqata oo la tilmaami karo ka qaateen hawl-fududaynta adeegyada dad-weynaha. Dhalinyarada oo casrigooda tadawurkani la kowsaday ayaa si laba-daraale ah dhegta Telefoonnada (Land-lines) u haystay, guri kastana intii hayntu ku sintay gaaggaabsigooda laga dareemay. Yuusuf wuxuu ku nool yahay mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Wuxuu baarka ka gooyay 28 sannadood, saamayn aan yaraynna aaladdani way ku yeelatay geeddi-socodka noloshiisa, waayo; waxa uu ka helay haasaawe lama-qiyaasaan ah oo uu ku illaabi jiray duruufaha shaqo-la’aaneed ee ku xeeran iyo naafanimada haleeshay (Waxa uu la’aa laxaadka labada lugood; Cuuryaan). In-kasta oo kal-soonidiisu buuxday hadana cuqdad aan yarayn ku haysay hadal-xumada in-dhow garadka ee ku aaddan iintiisa, taasina waxay geyesiisay inuu ka maago abbaaridda hablaha geyaankiisa ah oo uu ka xulan karayay dookhiisa. Muu waayin inan’ dhaqan leh oo Eebbe ku galladay garasho, sarriigasho iyo heemaalsan  oo ku raacda waayihiisa, hase-ahaatee isaga oo aan toos u waajihin ayuu Teleefoonka holladay. Hadda uma sii qorshaysna qofka uu Teleefankiisa garaacayaa ka uu yahay, taas beddelkeeda, waabuu ku nasiibiyay. Garo’oo waa dhaqammada aan wanaagsanayn ee barbar socda horu-marka Is-gaadhsiinta. Bariido san dabadeed lays toyay, lana weydii ka uu yahay iyo waxa u daran labadaba. Yuusuf, waloow uu ku mergaday tiraab-celinta sugan ee su’aalahaas, iskuna dhaafiyay kaftan iyo beer-laxawsi dhalinyaranimo cuskan, sheekadii ma joogsan. Inanta la hadlaysaa waa Aasiya oo ay isku magaalo deggan yihiin, xaafadahooduna aanay wax badanba kala durugsanayn. Barasho wacan ayaa halkii ka dhacday waxaana la guddoonsaday inaan la kala xidhiidh-furan, ase la laasimo wada-hadalka. Wixii maalintaas ka danbeeyey xidhiidku wuu sii kobcayay, baxdo kasta iyo dhacdo-deedana is-fahanka iyo kal-samaanta labada dhinac isku hayaan way isa soo taraysay. Malaa waxa ugu wacan waayo-aragnimada cuddoon ee uu nolosha ka kasbaday’e, Yuusuf kal-gacalkii kobtaas ka hana-qaaday dareenkiisa aad uma gilgilin, wuxuu se si hal-haleel ah u soo ritey gabadhii dhiggiisa ahayd, Aasiya.

Saacado badan ayaa illaa iminka ku kala maqan, xidhiidhkooduna waabuu sannad jirsaday, haddaanay bilo-ba u dheerayn. Cajab’e, illaa ammintan labada ruux ee sida cufan isku yaqaannaa, dadka iskama dhex garanayaan. Waxaan u jeedaa, kulan fool-ka-fool ahi ma dhex-marin. Aasiyi arrintaas aad bay hanaqa iyo hiyigaba ugu haysaa, mar iyo mararna Yuusuf way u soo ban-dhigtay dalabkaas, Yuusuf se, waxa uu ka taxaddarayaa in kulan ay yeeshaan bar-dhammaad u noqdo cilaaqaadkooda, Waayo; waxa uu ka cabsi qabaa in ay Aasiyi liqi kari weydo xaqiiqda mutuxan iyo kala dhantaalnaanta laxaadkiisa. Dedaallada Aasiya waxa ku mataanaysan marti-qaad gurigooda (Guriga Aasiya) ka dhaca oo ay u fidiso, maadaama ugubnimadeeda darteed aanay dhaqan ahaan isaga u iman karin. Cudur-daarro is xiga oo uu Yuusuf arrintaas ka dhiibtay, aakhirkii waxa uu u sheegay inuu Naafo yahay, sidaas oo ay tahayna aanuu u iman karin. Judhii dhawaqaasi ku dhacay Aasiya dhegaheeda, waxa si ku-soo-booddo ah u haleelay nacaybshiiyo buuxiyay kasheedii hilowgu hadheeyey, waxaanay si karoox leh ula soo booddey: “Iska dhig Teleefoonka.” Isku-dayo badan oo ku doonay inuu ku lad-qabeeyana, quus baa u raacday. Dharaaro iyo dharaaro ayuu Yuusuf oomatad quudan waayay sidii geeliisii la dhacayna uu hoganayay. Tab iyo xeelad ayuu is taawiyay, girif-girif badan dabadeedna waxa uu suurta-gashay inuu ka helo khadkii sida caadada ah uu kala hadli jiray. Isla markii uu codkeeda gartayna, wuxuu ku tuuray: “Aasiyaay walaal kaftankaygii baad run mooddey miyaa? Naa waan kugu ciyaarayay ee naafo ma ihi, waxaan se tijaabinayay garaadkaaga.” Aasiyi way soo debecdey, waxaanad mooddaa in tiiraanyadii kal-gacalku xaggeeda isugu biyo-shubatay.

Haddii uu Yuusuf hal-beegga saaray heeraabta garashada Aasiya, waxa uu go’aan ku gaadhay inuu safaaradaha ka laab-laabto. Hammiga iyo qammigaba wuu ka saaray, waxaanu u digo-rogtay baafinta cid u buuxisa kaalintii Aasiya. Alla mahaddii, wuxuu si aan riyo ahayn oo run ah u helay lammaanihii uu tebayay. Weliba lammaanayaashu isku mid maahee, waxa uu la guri galay heego-muuq-dheer aad hoobaan bislaatay mooddo oo hibo iyo ducoba loo raaciyay. Guri rays leh goortuu degay ayay Aasiyina baadi-doon dheer kadib soo dul-joogsatay. Markan ay raadinayso, waxay is leedahay waxa kaa maqan Jacayl laxaadkiisu qabyo-tiran yahay, markay se muuqiisa halacsato ayay mar labaad candhuufta dib u liqaysaa. Aynu intaas ku hakino hadimada jacalkan heehaabayay hawada sare ee dhawaqa labka iyo dheddiga isu baxay hagayeen oo aynu nidhaahno: Akhriste, miyaanay kula ahayn inaynu dhalin-yarada ku boorinno inay dib uga joogsadaan dhaqankan Nasiibka Teleefoonnada oo khaati laga taagan yahay, kaasood mooddo inuu ka bilaabmo  waxa haatan dhallintu ugu yeedho xaraabaysi.

Qalinkii: Mustafe Sh. Cumar

E-mail: ciwaankamustafa@gmail.com,

Submitted: Maxamed Saleebaan Cumar,

Hargeysa, APTEN

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

One Response to “‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar”

  1. cabdicasiis xasan Says:

    wax badan bay amba sxb igu dhacday waana rafaadka geedka rag la yiraahdaa inta badan uula kulmo.