Aan Hanbalyayno Golaha Guurtida

|
Meel kasta oo ay xummadda iyo xaraaradduba gaadheen, habeenkii Jimcaha hoos-u-dhaceedii ayaa bilaabmay. Ma hoos-u-dhac iyo baad tidhi oo aad aammustay. Xawliga hoos-u-dhacaasi ku socday mar ayaan ka baqay in aynu farxadda iyo reyn-reynta la suuxnaba. Ma habeenkii xalay ahaa! Waa telefishannadii oo gudbinaya odayaashii Golaha Guurtida oo meel ku wada qadaynaya. Hadda qaar baa indhaha marmaranayay oo rumaysan waayay. Maxaa intaa raacay? Waa khudbado gaaggaaban oo jilayaashii Golaha Guurtida ugu mudnaa dadka ugu bushaaraynayaan in ay isku saamaxayaan. Ma sida ay munaasabadda u doorteen? Ma sida ay u dareemeen werwerka iyo walaaca ummadda ku habsaday ee ka dhashay muranka dhexdooda ka aloosmay beryahan ugu danbeeyay! Ma sida cadowgu ugu farxay. Ma sida gacal iyo xigaalba wixii ay Somaliland lahayd uga naxeen. Alleylehe isha ayay ka rideen. Ka naxow nafta waa. Isku baxa intii murankaa u rixisaay. Haddii ay murankaa cidi ka adeegtay oo alooskiisii ka qayb-qaadatay, inkaarta shacbiga Somaliland idin ku dhacday oo Ilaahay idankii kama kacdaan oo kama soo kabataan. Xasan Ganey iyo hal-abuurka tufka leh aan u rakaabsano oo nidhaahno: Maanta dhiilladu waa doorashooyinka baaqday. Waa kuwa waqtigoodii dhow yahay ee qaabka Golaha Guurtida loo soo dooranayaa ka kow tahay. Waa ta Golayaashii Degaanka ee muddo-dhaaftay ee u baahan in dib loo muddeeyo si xeradii iyo xeyndaabkii sharciyadda loogu soo noqdo. Waa doorashada ugu muhiimsan ee shacbiga noloshiisa si toos ah u taabanaysa. Horaa loo yidhi: “Haani gun ayay ka tolantaa.” In ay ka mudnaato mooyaane kama liidato ta Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada midna. Ajendaha ku darsada oo sharciyaddeeda dhakhso ha loo maareeyo. Maanta waxa ay ahayd in aynu isu diyaarinno doorashada Golihii Degaanka ee 2aad. Meersiyo badan ayaynu toli lahayn. Gefaf badan oo aynu hore u soo gallay ayaynu sixi lahayn. Haatanna waxa aynu ku dhow nahay in aynu iskaba illowno doorashadii Golayaasha Degaanka oo doorasho-la’aantoodu wax caadiya iska noqoto. Bal ka warrama haddii ay doorashooyinkuba jidkaa wada qaadaan oo kuwii ay ahayd in la doorto oo ay xeerka dhowraanna inoo aamusaan innaguna inta guul qeyrkeen suntaday kaga gaabinno. Ha daalina…..ha dakaamina…..daalaa-dhaca iyo deel-qaafba inaga ilaasha…..dedaalkiinnii hore wax ku dara….soo jeeda oo ha seexanina….safafka murmaya ha kala suntannina…..ha la kala soconina….ha u kala soconina…idinkana yaanay idiin kala socon…yaanay idinla kala socon….xil culus baad siddaane ha seexanina….ha salcaamina….sakalaha siyaasadeed…..dabinnada saynsaaban iyo surimmada cidhiidhyoon Ilaahay sibiq idin ku dhaafi. Aan kaga baxo tuduc Timacadde lahaa oo Golaha Guurtida mid ahaantiisa ugu idhaahdo:
“Xilka weyne ku saaranood, |
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Maxamed Saleebaan,
APTEN, Hargeisa.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali