Ethiopia Oo Kenya Kala Wareegtay Horyaalka Dhaqaalaha Ee Bariga Afrika.

February 7, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

newsAddis Ababa, 06-Feb-2010 – Dalka Ethiopia ayaa markii ugu horaysay kala wareegay horyaalka dhaqaalaha ee bariga Africa dalka Kenya, kadib markii Ethiopia ay noqotay dalka ugu dhaqaalaha badan dalalka Bariga Afrika. Kenya ayaa muddo dheer ahayd wadanka ugu taajirsan Bariga Afrika, taas ayaa hadda meesha ka badaxday, kadib markii dhawaan la soo bandhigay natiijada qiimaynta dhaqaalaha ee dalalka Bariga Afrika ee sanadkii tagay.

 

Ciidanka Sir-doonka Maraykanka ee CIA oo sanad kasta soo bandhiga xogaha muhiimka ah ee dal kastaa, sida dhaqaalaha iyo nabadgelyada ayaa aas-aaska lagu cabiro dhaqaalaha dalka (GDP) ay leedahay Itoobiya ee sanadkii tagay ku qiyaasay $33.9 Billion, halka ka Kenya ay ku qiyaaseen $30.2 Billion.

 

Itoobiya ayaa lagu tirayaa dalalka uu dhaqaalahooda sida xowliga ah u koraayo, iyadoo wargeysa dhaqaalaha caalamka ka hadla ee The Economist uu dhawaan saadaaliyey in ay Itoobiya noqon doonto dalka ugu dhaqaale kobaca wacan ee sanadkan 2010. Wargeysan ayaa dhanka kale, dowladda Itoobiya ku dhaliilay in kobaca dhaqaalaha ee dalkeeda ay ka macaashaan dad koobani oo aanay Muwaadiniinta Itoobiya u wada sinayn.

 

Dalka Itoobiya ayaa shacabkiisu ku jiraan kuwa ugu faqiirsan aduunka, waxaana magaalooyinka waaweyn laga dareemayaa faraqa weyn ee u dhaxeeya tijaarta lacagta leh iyo Saboolka.

 

Meles Zenawi oo reer galbeedku ku tilmaamo iminka in uu yahay nin la Jaanqaaday siyaasadda qarniga 21-aad ayaa tan iyo markii uu xukunka Itoobiya qori caaradii kula wareegay ayuu dhaqaalaha Itoobiya sameeyey isbedel-weyn, iyadoo uu shan jibaarmay kobaciisu. Itoobiya ayaa hadda ku jirta sagaalka dal ee ugu taajirsan qaaradda Afrika. Jabouti iyo Somaliland ayaa iyana la sheegay in fursada dhaqaale ugu jirto kor u kaca dhaqaalaha Ethiopia. Dekeda Berbera ayaa qayb libaax ka qaadan doonta dhoofinta khayraadka Ethiopia iyo Soo-dajinta Alaabooyinka u soo degaaya, waa haddii Siyaasyad iyo nabadgalyada Somaliland si wacan Dhidibada loogu aaso ayuu yidhi khabiir ka faaloonaayey Siyaasada dhaqaalaha Bariga iyo Geeska Africa.

 

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. soldhuub@hotmail.com

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.