Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Waxaanu dhammaan ku wergelinaynaa macaamiisha iyo akhristayaasha shabakadda Golisnews in shabakadda ay ku socoto dibu habayntii balaadhnayd ee aan hore idiinku ballan qaadnay, waxaa hadda gacanta ku haya Engineero aanu u shaqaalaysiinay inay gebi ahaanba dhismahii shabakadda Golisnews isbedel weyn oo baaxadleh ku sameeyaan, waxaanu akhristayaasha qiimaha badanleh u ballan qaadayna labada todobaad ee soo socda 1. Inuu hawada soo geli doono Server Cusub oo shabakadda Golisnews leedahay oo ku qallabaysan idaacad, iyadoo qaybtii qoraalka oo aanu gebi ahaanba dibu habayn balaadhan ku samaynayna ay si casri ah usoo geli doonto idinkoo la dhici doona qaabka cusub ee dhismaha shabakadda loo farsameeyey. 2. Waxaanu kordhin doona baaxadda xawliga Serverka “bandwidth traffic” annagoo laba jeer kor u qaadi doona serverka Golisnews intii baaxadiisu hore u ahaan jirtay taasina ay akhristayaal idiin sahli doonto inaad si fudud aad usoo geli kartaan shabakadda. 3. Waxaa Golisnews sidoo kale ka hawl geli doona 20-neeyo weriyayaal caan ah oo si tallan taali ah uga soo warami doona dhammaanba gobolada Somaliland, dalalka geeska afrika sida xarunta midawga afrika ee Addis Ababa, Jamhuuriyadda Jibouti, Kenya iyo dalka Soomaaliya, waxaanu sidoo kale xafiisyo ka furanay oo haddaba si toos ah u hawl galla weriyayaasha shabakaddu ay ku leedahay Washington Dc, Paris France, Norway Oslo, Amesterdam Netherlands iyo gebi ahaanba magaalooyinka England iyadoo maamulka guud ee shabakadda Golisnews ay xaruntiisu noqon doonta magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. 4. Weriyayaashu waxay warka ku soo tabin doona qaab maqal iyo qoraal ah, iyadoo mustaqbalka dhawna aanu gacanta ku hayno Server kale oo aanu ku xidhayno kani Golisnews oo isaguna si gaar ah u qaadi doona telefishan habeen kasta hawada soo geli doona haddii alla idmo oo aanu idiin soo tabin doono wararkii iyo barnaamijyadii ugu xiisaha badana. 5. Waxaanu soo wadna Wergeys caalami ah oo si toos ah uga soo wada bixi doona magaalooyinka Hargeysa iyo London oo mataano noqon doona oo noqon doona Golis Magazine oo isaguna lagu qori doono arrimaha siyaasadda, dhaqanka, bulshada, ganacsiga, dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo dhammaanba qaybaha kale. Marlabaad waxaanu ka raali gelinayna dhammaan akhristayaasha Golisnews inay naga raali ahaadaan qadarka ay Golisnews hawada ka maqantahay iyadoo saacaddani aynu joogno ay dibu habayn balaadhan ay ku socoto isla markaana Serverkii hore ee Golisnews aanu ka guurayno isla markaana mid cusub hawada aanu soo gelin doono haddii alla idmo
Maamulka Golisnews
London
info@golisnews



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali