Gudoomiyaha Kulmiye oo Si Faahfaahsan Uga Waramay Socdaalkiisii Maraykanka Dhambaal Hambalyo Ahna u diray Ciidanka Qaranka Somaliland

- Gudoomiyaha Kulmiye oo la Hadlaya Qaybaha Bulshada Somaliland
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu munaasibadaas ku soo bandhigay arrimo ku saabsan socdaal uu dhowaan ku tagay dalalka Maraykanka iyo Itoobiya.kaasi oo dalka ka abuuray xiisad siyaasadeed oo xoog leh isla markaana ay ku kala qaybsameen wasiirada xukuumadu aragtida socdaalkaasi Munaasibadda uu khudbadda xog-warranka ah ka jeediyey Axmed-Siilaanyo ayey ka soo qayb galeen madaxda axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee dalku, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii asxaabta ee ka soo qay galay madax ka socotay xisbiga UCID, garabka isbeddel-doonka iyo urur-siyaasadeedka UDHIS.

- Masuuliyiinta Xisbiga UCID ka socday
Xisbiga ucid waxa matelayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), afhayeen ka UCID Xassan Xuseen Codyare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga ucid, wasiiro hore uga tirsanaa xukuumada Madaxweyne Rayaale oo ay ka mid ahaayeen 1.Wasiirkii caafimaadka Cabdilaahi Darawal), Wasiirkii Arimaha Gudaha (Ismaaciil yare) wasiirkii reer miyiga (Fu’aad Aadan Cadde), kuwaasi oo hada ku kala jira garabka is badal doonka UDUB iyo Xisbiga Kulmiye.

- Masuuliyad ka socotay Machadka Maraykanka ee IRI

- Haweenkii ka soo qayb-galay munaasibada

- Gudoomiyaha Saxaafada Somaliland ee Solja Mustafe Shiine Axmed Siilaanyo iyo Wariye Muna Casayr

- Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye

Dadka kale ee kulankan ka soo qayb-galay marka laga yimaado Siyaasiyiinta Axsaabta ayaa waxay isugu jireen, Xildhibaanno ka tirsan labada gole Baarlaman [Guurtida iyo Wakiillada], aqoonyahanno, Hal-abuurro caan ka ah Somaliland, madax-dhaqameedyo, Haween iyo Dhallinyaro.
Ugu horreyn Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa ku bilaabay mahadnaq ballaadhan oo uu u jeediyey dadkii faraha badnaa ee ka qaybgalay kulankaasi iyo weliba shacabka reer Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo kuwa Maraykanka ee labadii jeerba sida weyn u soo dhaweeyey. G
uddoomiye Siilaanyo oo si faahfaahsan uga waramayey wixii uga soo qabsoomay safarkiisa, ayaa hadalkiisa oo qodobaysan waxa uu ku bilaabay sedan: “Intii aannu dalkaas [Maraykanka] ku wareegaynay safarkayaga ujeedadiisa u weyni maxay ahayd? Runtii waxaannu is leenahay waxa ugu weyn ee aannu maanta qabanay ee aannu ku soo guulaysanay waxa ka mid ah iyadoo aannu dalka Maraykanka ka helnay dad na dhegaysta, waayo waa dal aynu dano badan ka leenahay, ugana baahaynahay inuu wax badan inala qabto dhinac kasta oo ay tahay oo ay ina dhegaystaan, qadiyadeenana laga dhaadhicino oo si ballaadhan oo firfircoon loo gaadhsiiyo.
Waxaanu is leenahay dadkaas idin dhegaystay cid kasta ha ahaadaane haddii ay dawladda, dadweynaha iyo haddii ay hay’adaha kale duwan tahayba waxaad ka dhaadhiceen qadiyadda Somaliland iyo inay tahay qaran madaxbannaan oo ka madaxbannaan Soomaaliya inay tahay, waa qodobka ugu wayn ee aannu gaadhsiinay dawladda Maraykanka, dadweynaheeda iyo hay’adaha u taliya.
Ta labaad, waxaabaha aannu kala hadlanay waxa ka mid ah mucaawanooyinka Soomaaliya la siinayo oo aanan cidii wax u taraysa marnaba uga ba’ayn, laakiin mucaawanooyinka Somaliland la siinayaa inay ka duwanaadaan oo ay gooni ka ahaadaan kuwa Soomaaliya la siinayo oo loo arko waddan gooni ah oo cagihiisa ku taagan oo u baahan in si toos ah wax loola qabto, haddii ay tahay geedi-socodka dimuqraadiyadda, mucaawanooyinka bani’aadanimo, nabadgelyada iyo dhinac kasta oo ay tahayba in wax la qabsigayagu uu noqdo mid toos ah oo gooni u jira.”
Qodobka saddexaad ee aannu aadka ugala hadalnay dawladda Maraykanka waxa uu ahaa in somaliland loo furo hay’adaha dunida sida UN-ka (Qaramada Midoobay) ama hay’adaha kale ee dunida inay uga qaybgasho sida Falastiin oo kale in Somaliland loo oggolaado oo ay qadiyaddooda iyo danahoodaba hordhigi karaan.
Qodobka afraad ee aannu kala hadalnay wuxuu ahaa oo aannu aad ugu dheeraanay dimuqraadiyadda ka hanoqaaday Somalland oo u bahaan taageero iyo kobcin.
Dimuqraadiyad la’aantu waa waxyaabaha dalalka burburiya, haddii aynu doonayno in dalkeenu xasiloonidiisa iyo deganaanshihiisa haysto, waxa lagama maarmaan ah inuu mabadaa’da dimuraadiyadda ee uu ku dhaqmo inay asaas u ahaato oo ay noqoto waxaan marqudha laga baydhin, waxaannu ka dalbanay in taas gacan nalaga siiyo oo doorashooyinkeena soo socda nalaga caawiyo, haddii dhinaca dhaqaalaha tahay iyo haddii ka qaybgalkeeda noqotaba.
Arrinta kale ee aannu ka wadahadalnay waxa weeye nabadgelyada mandaqada ama gobolka aynu ku noolnahay, waayo waa mid ina wada taabanaysa waxa Xamar iyo Puntland ka dhacayaa iyo waxa mandaqada ka dhacaya oo dhami saamayn toos ah ayey inagu leeyihiin, waynu ognahay inta jeer ee la isku keen dayey, wixii argagixisadu inoo gaysatay, waynu ognahay budhcad badeedu dhibaatada ay leedahay. In aynu wax la qabsi la yeelano dunida iyaduna waxyaabaha aannu aad iyo aad uga hadlaynay ayey ka mid ahayd ee aannu ku dheeraanay.
Haddaba, qodobadaas markii aannu soo hadalqaadnay waxyaabihii nalaga ballanqaaday, waxa ka mid ahaa in taageero dawladda Maraykanka iyo hay’adaheeda kala duwani inaga siiyaan xagga hurmarinta Somaliland sida in si laxaad leh la inooga caawiyo doorashooyinka, in xagga tacliinta, gaar ahaan dhinaca deeqaha waxbarasho in wax la inalaga qabto.
Waxyaabahaas hay’adihii aannu la kulanay oo dhami way naga ballaqaadeen inay dib u eegaan oo ay gacan wayn inaga siiyaan.” Guddoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay in madaxdii kala duwanaa ee ay kala kulmeen dawladda Maraykanka iyo hay’adaheeda kala duwani ay ahaayeen dad muhiim ah oo ay wax ka go’i karaan, isla markaana ay aaminsan yihiin inay aqoon badan ka siiyeen Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kulamo iyo shirar uu la yeeshay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay inay kala hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay inay ka qaybqaataan dib-u-dhiska dalka iyo ololaha loogu jiro qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey dadkii ka qaybqaatay socdaalkiisii dalka Maraykanka oo uu ku tilmaamay dad firfircoon, kuwaas oo uu sheegay inay aad u badnaayeen oo aanu tiring karayn, balse uu ka xusay Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE iyo weliba wakiilka xisbiga ee Waqooyiga America Mr. Xuseen ducaale.
Mar Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlayey sida uu u arko eedamo dhawaan xukuumaddu ugu jeedisay inuu madaxda Maraykanka ee uu la kulmay kala hadlay qorshe iyagu hore ugu diideen oo la xidhiidha midnimada Soomaaliweyn, waxa uu dhaleecayntaas ku tilmaamay rafashadii ugu dambaysay ee maamulka Rayaale dalka ku sagootiyo. “Hadalada qaar ka soo yeedhayey maamulka waxba halkan kaga dheeraanmaayo, waynu ognahay oo maamulka maantu waa maamul tab caan ah oo umadda Somaliland, dunida iyo isagaba ay u muuqato in waqtiga u hadhay uu mid kooban yahay, markaa kolay daalaadhacooda iyo dambaabidhadooda ka soo yeedhaya waxba ku tiigaalimayno. Geedigu wuu inoo soconayaa, hawsheena, qaranimadeena iyo doorashadeenuba way inoo soconayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Geesta kale, Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu dhambaal Hambalyo ah u diray Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo u dabaal-dagaya Sanad-guuradooda 16-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay.
Aftahan Press & The Enterprise Newspaper (APTEN)
Hargeisa, Office



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali