“Telesom waa Damal hadhaweyn oo dadku hadhsado” Gaariye

February 28, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

saamiHargeysa (APTEN)- Maamulka iyo Golaha sare ee shirkadda Telesom ayaa 27th February, 2010 kulan ballaadhan la yeeshay saamilayda shirkadda (Shareholders).

Kulankaas oo ka dhacay Hotel Ambassador, ujeedadiisu waxa ay ahayd in warbixin dhamaystiran laga siiyo saamilayda xaalada ay shirkaddu ku sugan tahay, marxaladihii ay soo martay iyo guud ahaan mashaariicda kale ee ay shirkaddu ku hawlan tahay, sida ZAAD SERVICES, SALAAM FINANCIAL SERVICES, SOMGAS IYO LAAS-QORAY.

suldaanka

Suldaan Maxamed Xasan

Ugu horayn waxa munaasibadaas ka hadlay Suldaan Maxamed Hassan Ibraahim oo ku hadlayay magaca maamulka shirkadda, isaga oo u caddeeyay saamilayda, in shirkaddu tan iyo intii ay jirtay horumar weyn ka samaysay dhinacyada adeegyada, dhaqaalaha, harumarinta shaqaalaha iyo dhulka ay shirkaddu gaadhay (Coverage), hadalkaasina waxa uu aad uga farxiyay dhammaan saamilaydii kulanka ka soo qaybgashay.

Maxamed Aloore

Maxamed Aloore

Maxamed Yuusuf Axmed (Alloore) oo ka tirsan golaha sare ee shirkadda (BOD-ka) ayaa isaguna hadalka dheer ka jeediyay kullankaas, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom guulo waaweyn oo la taaban karo gaadhay wakhtigii ay jirtay.

Alloore waxa uu xusay in Telesom yeelatay baalal ama cago kale oo ay ku dhaqaaqdo, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegyada ZAAD, ILA HADAL, SOMGAS, LAASQORAY, IYO SALAAM FINANCIAL SERVICES oo hadda Maraykanka, Djibouti iyo 100 wadan oo kale ay shirkaddu ka wado.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Alloore waxa uu saamilayda ugu bushaareeyay in mashaariic kale oo hadda cilmi-baadhistooda faraha laga qaaday la soo bandhigi doono, shacabka iyo saamilayda ay ka farxin doonaan.
Maxamed Isaaq Cilmi oo ah madaxa waaxda suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha, ayaa isaguna talooyin iyo dhiirigelin siiyay saamilayda, waxaana talooyinkiisii ka mid ahaa in saamilaydu ay ilaashadaan kana warhayaan xoolahooda, wixii talo iyo tusaalooyin ahna u soo gudbiyaan maamulka shirkadda.

isaaq

 

Maxamed Isaaq, waxa kale oo uu saamilayda uga warbixiyay meelaha ay shirkaddu tabarucaadka iyo kaalmooyinka ka geysato, sida caafimaadka, warbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha (waddooyinka iyo bridge-yada).

Sidoo kale waxa uu Maxamed kulankaas kaga dhawaaqay in hadda ay shirkaddu wado barnaamijka ah in ay la wareegto gacantana ku qabato dhawr iyo soddan carruur ah oo aan hooyo iyo aabo lahayn, una badan agoomo, iyada oo ay shirkaddu kafaalo-qaadi doonto caafimaadkooga, waxbarashadooda iyo hoygooda.

madashaDhinaca kale, waxa iyaguna madasha hadalo guubaabo iyo talooyin ah ka soo jeediyay qaar ka mid ah saamilaydii kulanka ka soo qaybgashay.

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka mid ah saamilayda, ayaa ku tilmaamay Telesom, macalin, bulshada baray WAX-WADA-LAHAANSHAHA, waxaanu yidhi; “Telesom waxa ay dadka bartay in shuraako la noqon karo, waxna la wada-yeelan karo. Telesom waa damal hadhweyn oo dadku wada hadhsado.”

Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isagu ka hadlay madasha ayaa sheegay in Telesom ay noqotay meel lagaga dayan karo maamul wanaaga iyo horumarka.

Saamilaydii kale ee madasha ka hadlay waxa ka mid ahaa:
1. Siciid Yuusuf
2. C/laahi Baaruud Yuusuf
3. Maxamed Shukri
4. Cali Xaliye
5. Iyo Marwo Aamina Cismaan

Gabogabadii kulankaas waxa shahaadooyin la guddoonsiiyay qaar ka mid ah saamilayda shirkadda, shahaadooyinkaas oo ay ku mutaysteen “wada-shaqaynta, taageerada iyo talooyinka joogtada ah ee ay shirkadda la garabtaagan yihiin.”

Saamilayda shahaadooyinka la guddoonsiiyay:
1. Sh. Khaliil C/Laahi Axmed
2. Mustafe Aw Aadan Cabdalle
3. Maxamed Cismaan Garaad
4. Shukri Aadan Jaamac
5. Siciid Sh. Cumar
6. Sh. Cabdiqaadir Xaaji Jaamac
7. Cismaan Aadan Rooble
8. Foosiye C/Qaadir Xaaji Cilmi

Hargeysa
APTEN OFFICE (Aftahanpress and Enterprise Newspaper)

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.