Hargeysa oo Kor u Kac ku yimi Sixirka Sonkorta iyo Qaxwaha oo Qiimihiisu Cirka isku Shareeray
Hargeysa (APTEN)- Magaalada Hargeysa waa caasimada Somaliland’e, waxa mudooyinkii u dambeeyay laga dareemayay kor-u-kac ku yimi maciishada, gaar ahaan waxa la tebiyay qiimaha Sonkorta oo aad u kacay, iyada oo ay sababtu tahay goobaha laga cabo Shaaha (Makhaayadaha) oo laba jibaaray qiimihii Koobka Shaaha la siin jiray oo hore u ahaa 500 Shilinka Somaliland ah ayaa mar keliya ku booday oo laga war-helay iyada oo lagu iibinayo 1000 Shilinka Somaliland ah.
Sidoo kale Gadbada Sonkorta ah oo qiimaheedii hore ahaa 40 Dollar-ka Maraykanka ah ayaa mar keliya laga war-helay inay noqotay 55 Dollar-ka Maraykanka ah.
“Qiimaha Sonkorta ee kor u kacay waxa sabab u ah bakhaaradii waawaynaa ee aanu Istoodhadooda ka soo iibsan jirnay ayaa faaruq ah oo aanay sonkor badaniba oolin, sidaa daraadeed mar keliya ayay nagu kadiyeen oo qiimahan noogu sheegeen inay sonkortu marayso, anagana dadkii baa na inkaaraya oo moodaya in aanu ku qaaliyaynay waana suuqa ee maaha annaga qiimahan kor u kacay.” Sidaa waxa APTEN Media u sheegay nin magaciisa ku soo koobay Jaamac Axmed oo faras magaalaha Hargeysa ku haystay dukaan camiran, kaasoo iibiya alaabooyinka kala duwan ee ay xaafaduhu ka adeegtay.
Goobaha dukaanada oo keliya lagama dareemayo kor-u-kaca ku yimi sixirka Sonkorta, waxa kale oo aad looga cabanayaa makhaayadaha shaaaha laga cabo. “Sonkortii baa nagu qaaliyawday, shaahu 500 Boqol maaha, ee waa 1000 Shilin.” Sidaa waxa ku tiraabay nin makhaayad ku haysta magaalada Hargeysa, kaasoo ku war-gelinayay wiil dhalinyaro ah oo shaah ka cabayay in aanu ugu soo hagaagin qiimihii hore loo siin jiray koobka shaaha ee uu kor uga kacay sixirkiisii hore.
Kor u kacan ku yimi sixirka shaaha iyo sonkorta ayaa waxa laga soo sheegayaa sidoo kale magaalooyinka waawayn ee Somaliland, wallow magaalada Burco ay ka duwan tahay oo dhawaan shirkada AAA ay keentay Sonkor aad u badan oo buux-dhaafisay suuqyada iyo baakhaarada waawayn ee magaaladaas. Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno maamulka shirkadaas si aanu wax uga waydiino sababta ay ugu koobeen magaalada Burco oo uu ganacsiga shirkadaasi ka aasaasmay keenista Sonkortan iyada oo cabasho sonkor-yaraan ahi ay ka jirto magaalooyinka kale ee Somaliland noomay suurto-gelin.
Geesta kale, qiimaha sixirka jaadka ayaa isna cirka isku shareeray maalmihii u dambeeyay, iyada oo taasina ay sababtay inay gebi ahaanba isticmaalka balwadaas joojiyaan dad aad u tiro badani.
Sixir-bararka jaadka oo halkii u saraysay abid gaadhay wakhtigan ayaa Somaliland dad badani aad uga soo dhaweeyeen, iyaga oo ku tilmaamay inay tani tahay talaabadii looga faa’iidaysan lahaa inay lagu yareeyo isticmaalka balwadan khatarta ah ee ragaadisay horumarka wadanka.
Kiilo-ga jaadka ah waxa uu qiimihiisii hore ahaa 100 kun oo shilinka Somaliland ah, halka uu iminka ka noqday 140 kun oo Shilinka Somaliland ah.
Akhristeyaal, APTEN Media hadii aanu nahay waxaanu isku hawli doonaa in aanu si joogta ah idiinla soo socodsiino isbedelka nololeed ee wadanka Somaliland gudihiisa hadii ay noqon lahayd, dhinacyada nolosha, horumarka iyo waayaha kale ee deegaaneedba.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 14th, 2010 at 1:21 am
I am sorry no comment at all.