Hargeysa: Qoraaga C/raxmaan Barwaaqo Oo Soo Ban-dhigay Lafo-gur Uu Ku Sameeyay Afka Soomaaliga
Munaasibad Aad u ballaadhan oo Loo Gu Magac Daray Habeenkii Aqoonyahanka Iyo Naadiaga Akhristayaasha Hargaysa oo Uu Marti ku ahaa Qoraaga,Abwaanak,Aqoonyahanka Wayn Ee Reer Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax{Ina Guri Barwaaqo}.oo Ujeedadeeduna Ahayd Uhiilinta Afka Soomaaliga ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Lagu Qabtay Hotelka Impiriyal Ee Magaaalda Hargaysa.
Kullankan oo Kamid Ahaa Kullamada Ay Naadiga Akhristayaasha Hargaysa{Akhristayaasha Maanta Iyo Qorayaasha Barri}Ay Bishii Halmar Usoo Qaban Qaaboyaan Dadwaynaha Reer Hargaysa Ayaa xalay Waxaa uu Ahaa Mid Aan Loo Kalla Hadhin Kasooo Qayb Galkiisa.
Abaaro 7:30 Cawys Nimo Ayey Munaasibadu Bilaabantay Iyadoo Hoolkii Uu Kullanku Ka Dhacayeyna Uu L ciirciiraayo dadwayne Aad Utirro Badan oo Xiisaynaayey Mawaduucan ayaa Waxaa Lagu Bilaabay Sidii Cadada Ahaan Jirtay Aayado Quraano Kadib Waxaa Makarafoonkii Laweeragay Khaalid Jaamac Qodax Oo Xalay Ahaa Xidhiidhiyaha Barnaamijka Waxaanu ku Soo Dhaweeyey Isuduwaha Naadiga Akhristayaasha Ee Hargaysa uu U yidhaahdo Kalmadii Furitaanka Kullanka.Ugu Horayn Waxaa Uu Maxamed Uu U Mahad Naqay Qoraaga C/axmaan Guri Barwaaqo,Aqonyahanada iyo Dhamaan Martisharafta Kasoo Qayb Gashay Kullankani Sida Aad Noo Soo Ajiibteen Oo nooga Aqbasheen Martiqaadkii Aan Idiin Fidinay.Waxaa Uu Sheegay Isu Duwaha Naagia Akhristayaasha Hargaysa In aanu Caawa Waxbadan Ka Odhan Doonin Naadiga oo Kullamo badan oo kale aynu Iskugu Nimid Ama Aynu Sharaxaad kabixinay Naadiga Goortii La,Aasaasay iyo waxyaaba uu qabtaba
Waxaanu Uu Sheegay Inuu Sheegi Doono uun Kalamed Inaga Dhalinyara Aahaan Inana Khosaysa,Hadii ay Noqoto Bulshada Dhinac Kastba Haday Noqoto Waxbarasho,Siyaasad,Dhaqaale iyo Qanacsi,Diin iyo Culi Awdiin Dadkii Bulshadan Usoo Shaqaynaayey Imika Gabaabsibay Taagan Yihiin Amaba Waa Ay Talax Gageen,Inaga Ayaana Laynooga Baahanyahay Dhalinyaro Ahaan Inaynu Kaalintaas Buuxino,Qaybihiisa Kalla Duwana Aynu Kubuuxino.
Isuduwanaha Naadiga Akhristayaasha Hargaysa Maxamed Daahir Xasan Waxaa uu aad Ugu Dheeraaday In Ay Muhiim Tahay In Dhalinyaradu Masuuliyadaasi Isa Saarto Unad Diyaar Garawnaa Sidii aynu Kaalintaasi U buuxin Lahayn,Waxayna Intaba Dahlinyaradu Isku Maaweelisaa Inaan Wali Lagaadhin Xilligii Bulshada Waxlooqaban Lahaa,Waxaanu Maxamed Xusay inaynu Gaadhnay Oo Waliba Aynu Dhaafnay Wakhtigii Aynu Bulshada Wax Usoo Calin Lahayn.Kalmada Dhalinyarana Aynu Iska Dhaafno Waayo Waxaa Kalmeda Dhalinyara Dib Ayey Inoo Dhigaysaa Oo Waxaa Ay Inaga Reebaysaa Kaalintii Aynu Bulshada Kulahayn.C/raxmaan Qoraaga Caawa Halkan Aynu Martida Ugu Nahay Inuu Afsoomaaliga Inooga Sheekeeyo Muddo 30 Sanno Ah Ayuu Kujiray Soomaaliga Baadhitaankiisa,oo Waxaa Uu Bilaabay Markuu Dadeenan Ahaa Waxaana Muhiim Ah Inaynu Masuuliayad Isa Saarno Oo Aynu Hadda Bilawno.Farintaasina aynu Qaadano Sidhbana Aynu Ugu Shaqayno.
Maxamed Waxaa Uu Sheegay In Naadiga Akhristyaasha Hargaysi Uu Kamid Yahay Uun Mutada wiciin Kamid ah Uun Mutadawiinta Oo Sookordhin Uu Bulshada Kusoo Kordhinaayo Oo Kamid Ah Kuwa Aynu Immika U baahanahay Inaynu Bilawno,Akhriskaynu Kubilawnay waxaynu Ku Bilawnay In Dib Loogu Noqdo Aqoonta Oo Run Ahaantii Aynu Kaalin Kulahayn Meelo Kalle Oo Badana Waa Ay Banaantahay.
Waxaa uu Isuduwaha Naadiga Akhristayaasha Ee Hargaysa Maxamed Daahir Xasan Waxaa Uu Sheegay In Hal kudhigeena Sanadka2010ka Uu Noqdo{Inaynu Kaalin Wax Dhis AhOo Togan Ka Qaadano Dhinac Kasta Oo Cad oo La,arkaayo oo Muuqda OoAynu Iska Dayno Inaynu Dib Isku dhigno .
Waxaa Isna Halkaasi Kahadlay Qoraaga Caanka Ah Ee Reer Somaliland Xasan Cabdi Madar Oo Kamid AH Ururka QoraayaashaSomaliland,Ugu Horayn Waxaa Uu Xasan Cabdi Madar Umadnaqay Naadiga iyo Dhamaan Martisharafta kasoo qaybgashay Kullankan.Waxaanu Sheegay In Kullankan Caawa Uu Kamuuqdo Nin Soomaali ah Oo Ku Labisan Dharka Hiddaha iyoDhaqanka Ee Soomaalidu Caanku Tahay Oo Lagaran Karro Inuu Soomaali Yahay Goor Iigu Dambaysa Nin Soomaali Ah oo KuLa Bisan Dharka Hidihiisa Marka Laga Reebo Boobe Yuusuf Ducaale Oo Isaga Mararka Qaarkood Soo xidha.Waxyaalaha Layaabka Leh Ee Marka Meelahaas Dibadaha Tagno Waydiinta Ugu Badan Ee Aad Lakulmaysaa Waa Horta Waa maxay Dharkiina Inii Gaarka AHI?
Waxaanan Garan Waynaa Wax Aan Ugu Jawaabno.
Xasan Cabdi Madar Waxaa Uu Kawaramay Buuga Magac Bilaash Uma Baxo Oo Kamid Ah Buugaag Dhawra Oo Uu Qoray Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax{Ina Guri Barwaaqo}.Oo Kawaramaaya Ujeedoouinka Magacyada iyo Naanaysaha Soomaalida.Ugu Horayn Dhalinyaradu Marka Ay Guri Yeeshaan Waxaa Aay Ka Fikiraan Magacii Ay Ubixin Lahaayeen Caruurtooda,Malaha Meesha Kaliyaata Ee Somaalidu Kaii Noolyihiin Waa Halkaas.Qoraaga Xasan Cabdi Madar Waxaa Uu Ku Deeraaday Oo Uu Ka Waramay Astaamaha U Qoraaga C/raxmaan Kaga Duwan Yahay Qorayaasha Kalle Waxaanu Xusay In Buugaagta Uu Qoray Haddii Aad Akhrido Aanad KaSoo Helayn Eray Af Qalaad Ku Qoran Halka Qorayaasha Kalle Qaarkood Ay Iskudaraan Carabi,Soomaali iyo Englishi.
Waxaanu Qoraagu Xusay InCaawa Ay Jaanis Fiican Utahay Dhalinyarada Wakhti aynu Sii Dibad Yaaloowayno oo Afkeenii Sii Dabar Go,aayo.
Waxaa Kalle Oo Isna Madashaasi Oo Ahayd Mid Aan Loo kalla Hadhin Kahadlay Qoraga Wayn Cabdi Yuusuf Ducaale{Boobe},Oo Ugu Horayn Umahadnaqay Naadiga Akhristayaasha Hargaysa,waxaa Uu Boobe Kahadlay Oo Uu xusay Inuu Aad Ugu
Damaqado Marka Uu Arko Warbaahinta Dalka Qaarkood Oo Khaldaaya Soomaaligii Oo Aan Kalla Garanayn Xarafaha Kii Libin Laabmaayey iyo Kii Kale Laakinse Uun Isaga Qoraaya UunSidii Uu doono.
Waxaa Uu Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale Sheegay In Talayaabka Lehi Ay Tahay In Inaga Oo Marka Aynu Hadlayno Aan Solaaiga Inaynu Khaldayno Aan Ismoodin Laakiinse Marka Uu Qalinka Qaato Uu Sida Uu Doono Wax Iska Ga Qorayo.
Waxaa Uu Boobe Yuusuf Ducaale Sheegay In Hadii La Danayn Waayo Afsoomaaliga In Aan Inagu Na Jiridoonin.
Khaalid Jaamac Qodax Oo Xaly Ahaa Dadiyaha Barnaamijka Ayaana Isna Si Hordhac ah Uga Hadlay Taariikhda Qoraaga Waxaanu Sheegay In Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax {Ina Guri Barwaaqo}Uu Yahay Aqoonyahan Ku Takhasusay AfafkaWaxaanu C/raxmaan Luqadaha Kubartay Jaamacada Kaarlitoon Ee Kutaala Dalka Kanada,Wakhtigii Horana Waxaa Uu Wax Kusoo Bartay Wadanka Ruushka,C/raxmaan Waxaa Uu Kamid Ahaa Ardaydii Kabaxday Dugsiga Sare Ee Faarax Oomar.Markii Dambane Qurbaawi Ayuu Noqday Inbadanbuuna Sucuudiga Daganaa Waxaqabadka UuQabtay Dhamaantood Waxaa Uu Ku Qabtay Wadanka Sucuudiga..
Laakiin Waxaa Lagu Daabacay Kanada.Qoraaga C/raxmaanGuriBarwaaqo Waxaa Uu Qoray Sideed Buug Waana Soo Saaraha iyo Isuduwaha Wargays Layidhaahdo Hal_Aqoon Buugaagta Qoraagu Uu Qoray Waxaa Ay Kalla Yihiin Magac Bilaash Uma Baxo,Abwaanka Cudurada Dadka Iyo Duunyada,Hal-Aqoon Oo Ah Warsidaha Dhaqanka Iyo Suugaanta {2001 Ilaa Hadda},Hal-Bixinta Erayada Kumbuyuutarka,Mahadhooyinkii iyo Waxqabadkii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac {Gaariye},Abwaan Cusub Oo Afsoomaali Iyo Ingiriisi ya Ah.
Intaas Kadib Waxaa Makarafoonka Lawareegay Qoraagii Caawa Oo Dhan La sugaaye Waa Qoraagii Martida Looga Ahaa Inuu Sharaxo AFsoomaaliga Salaan iyo Mahadnaq Kadib Waxaa Uu Qoraagu Wax Lagu Farxo kuTilmaamay In Hargaysa Oo Waagii Hore Ahaan Jirtay Hoyga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Ay Hadda Noqotay Hoygii Aqoonta Iyo Fanka Iyo Suugaanta.
QoraaguWaxaa Uu Sheegay In Dhambaalka Caawa Uu Sidaa Uu Yahay Sidii Afkeena Loogu Hiilin Lahaa.Qoraagu Intii Aanu Ugelin Hodanimada Afkeena ,Taraarooyinka Haysta Iyo Sidii Aynu Uga Hortagayno.Waxaa Uu Qoraagu Qeexay Erayga Af Waxaanu
Ku sheegay Inuu Yahay Sida Aqoonyahanada Afafkua Tilmaamaan Af Waxaa Ay Ku Sheegaan Inuu Yahay Baaq Codeed oo Ujeedo Qeexan Leh Oo La Isku AFgarto Kana Kooban Qalabka Naqha Ee Ay Kamid Yihii{Dibgalada,Horgalada,Dhexroorada,Isrogroga Erayada Iyo Iskudubaridkooga.Waxaanu Qoraagu Sheegay In Hadii Aanu Baaqaasi Ahayn Baaq Qeexan Oo Ujeedo Tabinaaya In Aa Kaas Af Lagu Sheegi Karin.Waxaa UU qoraagu Ku Nuuxnuuxsaday In Afku Uu Dadka Uun U gaaryahay,Nimcooyinka Ilaahay Inagu Manaystay Ayuu Afku Kamid Yahay.
Qoraagu Waxaa Sidoo Kalle Waxaa Uu Ku Dheeraaday Barashada AFka,Waxaanu Tilmaamay In Aqoonyahanadu Tilmaamaan In Aan Afna Af kawanaagsanayn Afwalbana Si Isku Mida Loo Barto,Qoraa C/raxmaan Guri Barwaaqo Waxaa Uu Ka Waramay Marka Ilmaha Yari Dhasho Ee Uu 4 Bilood Jirro Waxaa Uu Ku Hadaaqaa Erayada Bababa Iyo Mamama.
Markauu Baba Yidhaahdo Hooyinkood Waxay U Haystaan Inuu Abohood kaga Hor Afbartay Todobaadkadibna waxay Tidhaahdaa Waakaa Anigana Maanta Iigu Soo darayoo Waa Uu IGa Daba Keenay,Arintu Sidaas Maaha Waa Laba Eray Ee Caruurtu Ugu Af Horbarato Waana B iyoM Dibnaahana Sameeya.
Waxaa Kalle Oo Qoraagu Kawaramay Afkeena Iyo Ilbaxnimadeena Hodanimada Kujirtya waxaanu sheegay Sida Fari Fool Madhaqdo,Hebel Waa Uu FoolXunyahay halkaasaana loogu atgaayaa Erayga.
Eray Daqamadeedadu Ama Erayada Ku Dhisan Ilbaxnimadeena, Qolo Waliba Ilbaxnimadeeda Ereyadeeda Iyadaa Leh.Ilbaxnimadaa Markaanad Adigu Yeelan Ee Qolo Kalle Kuutimaado Ama Darisnano Ilbaxnimo Kalle Oo Aynaan Lahayn Waxaa Khasb Inagu Ah Inaynu Kasoo Ergisano.
Markaa Ina Il Baxnimadeenii Miyi Ayey Talaa .Ayuu Yidhi Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax{Ina Guro Barwaaqo}.
Miyi Ilbaxnimada Taalaa Waa Ay Inagu Fillantahay Waana Ay inaga Badan Tahay Marka Loo Eego Ilbaxnimadeena.Arinkasta Oo Jirta Oo Miiga Taala Oo Ilbaxnimadeena Kusalaysan Waa Aynu Iskugu Hal Tabinkarnaa .
Waxaa Kalle Iyaguna MadaShaasi Kahadlay Abwaan yuusuf Shaacir iyo Muuse Cabdi Cilmi oo Kamid ah Masuuliyiinta Jaamacada Hargaysa Waxayna Tilmaameen In Loo baahan yahay Sidii Kor Laadi Lahaa Ee Bulshada Loo Bari Lahaa AFKEENA.
Gintii Iyo Gabo Gabadii Waxaa Qoraaga Halkaasi Lagu Waydiiyey Su,aalo Door ah Oo Uu qoraaguna Si Farshaanmo Leh Uga Jawaabay Dhamaan Su,aalihii Madasha Lgu Waydiiyey.
Kullanki Oo Ahaa Kii U horeeyey Ee Laga Ga Halo afka Soomaaliga Eray Bixintiisa ,Tabaalooyinka Haysta Iyo Waliba Sidii Looga Bixi Lahaa Waxaa Dadwanihii Kasoo Qay Galay Ay aad Ugu Heleen Sida Layaabka Leh Ee Qoraaga C/raxmaan C/laahi Faarax{Ina Guri Barwaaqo}Uu ugu heelan yahay Ilaalinta AFkeena.
Maxamed Saleebaan,
APTEN, Hargeisa.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 5th, 2010 at 3:51 am
Salaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuh.
Walaal salaantaa islaamka ka bacdi waxa aan aad kaaga codsanayaa in aad khaladaadka faraha badan ee luuqada afsoomaliga wax u dhimaya aad ka saxdo qoraalkaaga. Waxaan rajaynayaa in aad fahmaysid taladaan.
Waa mahadsantahay.
February 5th, 2010 at 5:17 pm
MARKA HORE SALAAMU CALAYKUM SXBYAAL SALAAN KADIB WAXAAN AAD UGA XUMAHAY INAYDAAN RAACIN MAGICII QORA WARBIXINTAN OO ANIGA AH OO AAD RAACISEEN MAGAC KALLE WALAALAYAAL WAXAAN IDINKU WAANINYAA QOFKA WARBIXINTA SOO DIRA RAACIYA MAGICIISA……….
February 7th, 2010 at 3:16 am
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Walaalyaal waxwalba ha is odhaninya wax ka sheega waxa fiican in waliba fieldka uu yaqaan wax sheego, Afkeenna hooyo Af wacan weeye in la cilmiyeeyo oo hore loo mariyo aad ayuu ugu baahanyahay, ninka arrinkaa ku dhaqaaqana in wixii lagu taagerri karo lagu taageero mooyee in hiif iyo hatigaad loogu daro waajibkiisa maaha.
Qoraaga caanka ah C/Raxman Barwaaqo waxa uu mutaystay HAMBALYO Waxaanu leenahay Walaal HAMBALYO. Alle Ha kugu guuleeyo.