Kulmiye Oo Garawsaday Qorshe Cusub Oo Komishanku Kaadhadh Ugu Samaynayaan Cod-bixiyayaasha Doorashada

February 27, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Keyse Xasan CigeHargeysa (APTEN) – Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa garawsaday qorshe cusub oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku doonayaan inay ku qurxiyaan Diiwaan-gelinta. Qorshahan oo Kaadhadh hor leh oo cusub loogu samaynayo muwaadiniinta, kadib marka uu Server-ku soo saaro natiijada liiska kama-dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige oo arrintan la xidhiidha, ayaa lagu sheegay in hoggaanka sare ee KULMIYE iyo Guddida Doorashadu ay ka wada hadleen halka ay marayso geeddi-socodkii Doorashada & arrimo kale.

Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;

“Waxa maalintii khamiistii ee bishu ahayd 25 February, 2010 kulan ku yeeshay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxda Xisbigu waxay ka wada hadleen halka uu marayo barnaamijka iyo hawlgalka arrimaha la xidhiidha doorashadda Madaxtooyadda. Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda u diyaar garawga doorashada guud ahaan, waxaana ay tilmaameen inay qorshaha ugu jirto in dib u eegis lagu sameeyo kaadhadhkii diwaan-gelinta ee hore loo bixiyey, iyadoo lagu talo jiro in muwaadin kasta la siiyo kaadh cusub oo hor leh oo loogu bedelayo kii uu hore u qaatay, kadib marka uu soo saaro Server-ku Liiska kamadambaysta ah, taasoo ay Guddiga Doorashooyinku ku tilmaameen in lagu xakamaynayo Dadkii ku noqnoqday diwaangelinta.

Guddiga Doorashooyinku waxaa kale oo ay u sheegeen Madaxda Xisbiga KULMIYE inay sidoo kale ula socodsiiyeen qorshahani Madaxda kale ee labada Xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa kale oo ay tilmaameen in qorshahan ku saabsan bedelka kaadhadhka diwaangelinta ay u soo bandhigi doonaan Xisbiyada Qaranka isagoo tafatiran oo faahfaahsan.

Ugu danbayntii, Madaxda Xisbiga KULMIYE waxay garawsadeen sharaxaadda ay Guddiga Doorashooyinku ka bixiyeen qorshaha ay ugu talogaleen doorashadda.”

M.S.Cumar,

APTEN, Hargeysa/Office

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.