Maayarka Ceerigaabo oo xadhiga ka jaray Xarun cusub oo Shirkadda SOM GAS ka Hirgelisay Ceerigaabo

February 7, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Ceerigaabo (APTEN) – somgasWaxaa manta magaalada ceerigaabo ka dhacday xaflad weyn oo xadhiga lagaga jarayey shirkada gaasta la shito ee som gass oo xarun cusub ka furatay magaalada ceerigaabo ee goboka sanaag

 Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxay ka dhacday  ka dhacday hoolka shirarka ee mahuraan waxaana ka soo qayb galay maamulka degmada salaadiin boqoro iyo dadweyne kale oo isugu jirey rag haween iyo dhalinyaro 

Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha shirkada somgass ee gobolka sanaag cabdulaahi axmed daamur waxana uu ka sheekeeyey habka uu u soo gaadhsiiyey shirkadan sanaag iyo ujeedada loo keenay waxana uu tilmaamay in loo baahan yahay In la badabaadiyo deegaanka waxana uu sheegay ina tani tahay horuumar usoo hoyatey gobolka sanaag waxwena ka tari doonta deegaanka iyo baahiyaha  bulshadu u qabtey adeegan oo kale iyadoo hore dadku ugu dirsanjirey wadamo kale in taanay shirkadani soo gaadhin Somaliland waxana uu ugu baaqay dadweynaha reer sanaag inay inay isticmaalaan isla markaana waxa uu usoo jeediyey ka qayb galayaashii inay dadweynaha gaadhsiiyaan hawsha shirkadan  waxaana halkaas lagu soo bandhigay sida loo isticmaalo shoolada iyadoo la adeegsanayo adeega shirkada som gass

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay isuduwaha wasaarada horumarinta miyiga iyo deegaanka ee gobolka sanaag xuseen cismaan {xuseen talaahi}waxana uu sheegay in loo baahan yahay in cidkastiba ka qayb qaadato sidii looga hotegilahaa xasuuqa deegaanka hawshaasna ay ka qayb qaadatay wasaaraduwaxana uu ugu baaqay  waayeelka iyo dadweynahau in ay dadkooda ka celiyaan isla markaana ka wacyi geliyaan  xasuuqa ay ku hayaan deegaankooda

 

Waxaa kale oo xafladaa ka hadlay boqorka da’da yar eeboqor  maxamed nuux laangadhe waxana uu sheegay in loo baahan yahay in la soo dhoweeyeyo cid kasta oo horuumar wada waxana uu sheegay in ay dhowaan  arimo nabad gelyo u tageen meelo kamida bariga gobolka halkaasna ay ku soo arkeen dhul la xaalufiyey waxana uu sheegay in dad dhowaan dhulkaas ka qaxay abaar darted ay soo noqdeen kadib markii ay meel la dego waayeen sabta oo ah dhirta oo laga dhameeyey inta badan dhulka  waxana uu sheegay in uu balanqaadkiisii hore intaan boqornimada loo dooran ay ka mid ahayd in uu wax ka qabto deegaanka waxana uu sheegay in uu meelo badan wax la taaban karo ka qabtay

 Waxaa kale oo xafladaas hadal ka soo jeediyey suldaan ibraahim cige ismaaciil oo sheegay in hargeysa si maad looga istimaalo shirkadan .loona baahan yahay in dadweynuhu isticmaalaan si loo yareeyo dhuxusham la istimaalayo  waxana uu intaa raaciyey in ay tani tahay faaiido  xaga nadaafada guryaha iyo faaiido kale oo ah xaga deegaanka ah

 Waxaa kale oo xafladaa ka hadlay caaqil maxamed khayr o sheegay in haatan ay dadkii xoolaha lahaa iyo kuwii kaleba loona baahan yahya sidii looga hortegi lahaa

 Ugu danbayntiina wxaa xafladaa soo gebe gebeeyey maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil xaajinuur waxana uu sheegay in ay shirkadaas som gass ay soo dhoweynayaan islamarkaasna ka codsanayaan in ay qiimaha ka dhigaan qiime macquula  si bulshadu u awoodo inay gataan

Waxana uu ugu danbayn xadhiga ka jaray xafiiska cusub ee shirkada som gass

 

Siciid axmed tamreyse

Sanaag74@hotmail.com

Ceerigaabo

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.