Mudaharaad Rabshado Watay oo Gilgilay Laascaanood iyo Xaalada oo Haatan Degan
Laascaanood (APTEN)- Mudaharaad rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Mudaharaadkan ayaa waxa uu ka dhashay ka dib markii ay saaka aroornimadii hoe ciidan nabadgelyada gobolku xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta Dugsiyada magaalada Laascaanood.
Xadhiga Macalmiintan ayaa waxa uu sababay in guud ahaanba magaaladu uu gilgilo mudahaaraad ay ciidamada kala hor yimaadeen dad ka gadoodsanaa xadhiga lagula kacay macalimiinta iyada oo dadka samaynayay muaharaadkanina sida ay APTEN Media u sheegeen dad goob joog ahaa u badnaayeen Ardayda wax ka barata Dugsiyada Laascaanood ee macalimiiintan la xidhxidhay waxbari jirtay, mudaharaadkan ayaa kala xidhay guud ahaan magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa sida ay sheegayaan wararka aanu jiidaas ka helaynaa dedaal dheer u galay sidii ay xiisada mudaharaadka u qaboojin lahaayeen, una soo af-jari lahaayeen, hase yeeshee waxa gadoodkani sii laba jibaarmay ka dib markii ciidamadu dad kale rabshadahan u xidh-xidheen.
Dadka mudahaharaadayay oo ay wajiyadooda ka muuqatay murug iyo cadho xoog leh ayaa waxay jidadka gaadiidku maro ku jareen dhagxaan waawayn, iyaga oo Taayiro gubay Quraaradana ku daadiyay Laamiga.
Maamulka gobolka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo rabshadan saaka ka dhacday magaalada Laascaanood sida ay noo sheegeen weriyeyaal madaxbanaan oo ku sugan magaalada Laascaanood oo aanu kula xidhiidhnay isgaadhsiinta Internet-ka, iyada oo maqalka telefoonku aanu jirin khadka isgaadhsiinta oo ilaa hada ka xidhan magaalada Laascaanood darteed.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in xaaladu caawa degan tahay, ciidamada ammaankuna ay hawl-galo nabadgelyada ku sugayaan ay haatan ku foogan yihiin.
Wararka ka soo kordha xiisada Laascaanood kala socda APTEN MEDIA.
Aftahanpress and EnterPrisenewspaper (APTEN)
Laascaanood



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali