Ma Anigaa Saan-Caddaale Ah, Mise Waa Layla Qabaa! “Xusuusta Nus-Qarnigii Daadduunka Iyo Daranyada Qaxoontinimada.” Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar. E-mail: halabuur@hotmail.com

February 3, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar.

E-mail: halabuur@hotmail.com

 

naylWaa ku-sinnaan 1964-kii iyo ammin uu socdo dagaalkii u dhaxeeyey dawladihii Soomaalida iyo Xabashida. Saansaan colaadeed oo cufan ayaa ka aloosan dhammaan jiidaha dirirtu ka oogan tahay. War san iyo weedh saallooniba way ku deysay. Kaaga daran’e, dhiilloda iyo qaylo-dhaanta ayaa kob kasta oo nafley ka dhowdahayba sheekadeedu taallaa. Deegaannada keynta ah iyo bananka ciirsi-waagu ka jiro, sanqadhaha dabayshu keenayso ee dhirta iyo oohinta fiinta ayaa dareen mudan. Eebada iyo warmahuba way afaysan yihiin, qoryaha darandoorriga u dhacaana waa kuwo yeedhaya. Waqtigu waa habeen, gudcur magan-gooye ahina wuu jiraa. Gudgude ayaa hooraya. Dhibco waaweynaa! Waaba mahiigaan. Il-bidhiqsiyo gudahood ayuu dhul iyo dhadhaab-ba biyo dhigay. Daadka ayaa meel kastaba mulaclaynaya. Waa gegi cidla’ ah oon dad iyo duunyoba lagu ogayn. Gariirka onkodka ayaa xusuus gaar ah lahaa. Hillaaca oo indho-daraandar dihanayay ayaa isaguna gocashadiisa lahaa. Xaaladdaas oo taagan ayuu dagaalkuna barbar socday. Deyaanka iyo sanqadhaha hubabka darandoorriga u dhacaya ayaa dhegaha ku goosanayay.

Jinow waa hooyo ka soo baro-kacday hagardaamooyinkii uu dagaalku ku hayay deegaannada agagaarka Wajaale oo ay hore ugu xasilnayd, haatanna badhtamaha u taagan humaagyadaas aynu kor ku xusnay. Waa xaamilo sidkeedii dhadhaw yahay. Naxdinta iyo anfariirka riddada hubabka lidka ku ah nolosha aadamaha iyo cabsida jawiga argaggaxa leh ee goobaraha iyo geriyaatka xilli mugdoon gudguduhu ku asqeeyay, ayaa sababay inay fool-qaaddo, ilmahay siddayna ka hor dhasho sidkii u go’naa. Hadda garo’ oo waaba toddoba-ku-dhalow. Dar-xumo iyo daranyo daba-dheeratay ka-dib, Jinow iyo inankeedii oo ay ugu wan-qashay Aadan way ka hayaantay foromihii ay ku sugnayd. Taagga, waxay ku tashanaysaa inay u baqoosho madal iyo malko ka shiddo iyo sharaarad yar tan sida bagagidii indhuhu ka naxayaan, iyada iyo cunuggeeduna ka heli karaan nolol meeqaam dhaanta ta ay hadda gundhada u fadhiyaan. Socdaal dheer oo waayihiisa iyo duruufihiisuba ku mataanaysan yihiin ayay run ahaan digo-rogashadaasi u hor-seedday. Daalaa-dhac daba-dheeraaday haddii ay mutaysteen, waxay daadduunkii sifo qaxoontinimo ku tageen magaalada Diridhabe. Muddo iyo muddooyin ayay halkaas ku negaayeen, Jinowna ay juhdi iyo jihaad ugu jirtay tabcashada iyo taransashada nolol-maalmeedka iyada iyo ma-yeedhaha ay tafta ku haysato. Runtii inkasta oo noloshaasi ahayd mid ay kaga reysay tii qallafsanayd ee raadka ma-hadhaha noqday ku reebay xiskeeda iyo xusuusteedaba, hadana rafaad iyo kuma yarayn. Aadan wuu koray, muruq ahaan iyo maskax ahaanna wuu kobcay. Weli ma qaan-gaadhin, laakiin wuu ka adag yahay adeegyada fud-fudud ee guriga iyo goobta ay hooyadii xoogsashada u tagtaba. Jinow, marka doc taban laga halacsado, waxaabay dareemaysaa neecaw qabow oo hanka iyo hiyigaba u qoysay; waa daalacashada natiijada safarkii kacaa-kufka lahaa iyo dardhadii ay dugsanaysay dharaarihii madoobaa. Ged-geddoonka midabbada maalmaha iyo saacadaha adduunku waa iska dabiici. Haddii waqti wanaagsan oo niyadda iyo naftaba u roon aad dhex muquuranaysay, waa iska caado dunida loo og yahay, in rogaalkeedu curan karo/curto. Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle) oo ka mid ahaa foolaadka hal-abuurka iyo hiboolayda Soomaalida ee casrigii tagay ayaa laga hayaa:

“Adigoo daar adag dhistaybaa,

Ilaahani kaa dunshaa!

Danayso adoo lahaa,

Marbaad dacar qooshataayood,

Dhunkaal ku durduurataa.

Waqtigu ways daba socdaa,

Adigoo degganaa abaar,

Marbuu dirir ku da’aayoo,

Daruuruhu ku curtaanood,

Xareed ku dabbaalataa!”

Haddii ay Jinow ku reemaysay reynreyn iyo ka soo reyn, may noqon, kumanay waarin xaaladdii ay ku noolayd. Taariikhdu way isa soo celisaa (History repeats it self). 1977-kii ayaa mar kale dirir hubaysayn oo quwad xooggani dhex martay maamulladii Soomaaliya iyo Itoobiya. Diridhabe waagaas waxay ahayd hormoodka jiidaha dagaalku saamaynta tooska ah ku lahaa. Maatadii iyo danyartii moogganayd asbaabaha iyo danaha laysku hayo ayaa mar labaad lagu kellifay inay daadduumaan, dhaxantana dugsadaan. Milicda ayaa mar kale la hadhsaday, mugdigana waa la ifsaday. Silic, saxariir, saran-seer, soommal-haad iyo surbacaad ayaa loo digo-rogtay. Saxal guuray ayaa soo rogaal-celiyay, saymo colaadeed iyo saawe-saawana waa la waajahay. Waqtigii ayaa mar kale sababay in la sinbiriirixdo, sallaankii la hayayna si sahlan looga dhaco. Qaraxa baaruudda, qaaca madaafiicda iyo qiiqa hubabka bur-burka hor-seeda ayaa qariyay guud ahaan atomsfeerkii ku gedmanaa jiidahaas dirirtu ka ibo-furatay. Xasilloonidii iyo deggenaanshihii ayaa la waayay, guud ahaan nolosha aadamaha ku dhaqan aagaggaasina waxay noqotay mid minjaheedii madax noqdaan (Up side down). Sabo iyo baro nolol dhaanta tan ay hadda ku sugan yihiin ayay dantu sababtay in  mar labaad Jinow iyo intii duruuf-wadaagta la ahaydba ka fekeraan. Jinow waxa iyada tan u dheer;  in hayaankani aanuu ahayn mid madiyaysan, uu se yahay mid lammaan oo ku labaysan kii ay Wajaale kaga timid. Nolosha fitraddii u dhaxaysay labadaas taariikhood oo ahayd mid aad u qallafsan iyo musiibadan furdaaminta-la’ ee iyana xadhkaha goosatay ayay Jinow, qaddarka Alle ka sokow, u arkaysay ayaan-xumo iyo nasiib-darro xadkeedii dhaaftay oo ku habsatay. Jinow, hadda sii-joog uma yaallo, waxayna door-bidaysa inay nafteeda iyo ta cunuggeedaba samata-bixiso. Qorshe sugan oo uga yaalla barta masiirkeedu yahay ma jiro, waxayse u badan tahay inay kob saalloon ay u jarmaaddo.

Wax ay arrin iyo aragti rog-rogtaba, aakhirkii waxay casiimad ku qaadatay inay Hargeysa aaddo. Maalmo iyo habeenno door ah oo ay ku qaadatay jidkii qarfada iyo qaxarka kulansaday, daalaa-dhac iyo daranyo badanna ay sii mudatay, waxay gaadhay rugtii iyo raaskii ay raagsanaysay gaadhiddeeda, safarkeedana soo dhaweysanaysay; Hargeysa. Xigto, xigaal iyo xididba halkaas way u sii joogeen, xeer iyo xaagaan wixii Soomaalida martida uga yaallayna waa la mariyay. Waa sooryo inta ugu badan malahuna aanuu ka fogaani karin. Degsiimo dhacda xarriiq iyo lool Istaraataji ah ayaa loo ebyay. Taakulo iyo taageero sokeeye wixii la tahli karayay ayaa loo taray. Hiil iyo hoo-ba waa loogu yaboohay. Garab iyo gaashaan feer-taagan ayaa la tusiyay. Hiyigii gabalkiisu dhacay ayaa loo nooleeyay. Tabantaabo iyo tabaabusheba waa laysugu daray. Cagaha ayaa loo subkay, waxaana layska kaashaday sidii looga tiri lahaa raadka doogtii (hayaankii) damqashada badnayd ee haleeshay. Xaglo fidsan ayaa xoolo keenee, Jinow waxay mar kale u ban-baxday xoogsi iyo kasbasho. Maadaama ay saygeedii ku kala baadeen qardoofooyinkii qaxoontinimada, 15 sanno-na meel uu ku danbeeyay la sheegi waayay, si ay u suurto-gashayba waxay ballaysintay jacayl cusub oo ugub ah. Xiggii  ay u tagi jirtay tabcashada ayay isku baranayaan nin da’-dhexaad ah, (Jinow waa Garoob, ninkuna waxa uu soo furay gabadh hore, sidaas darteed labadooduba waxay haystaan waayo-aragnimo ku filan) waxayna isla meel dhigayaan inay nolol aayatiin iyo raandhiis baaqi yeesha ay unkaan. Guri ayay wada yagleelayaan, waxayna isku af-garanayaan si lama-maleeyaan ah. Jinow halkaasay xaas ku tahay, xannaanada ubadkeeda iyo u-xoogsigoodana ugu jilan tahay. Sidaas oo ay tahay, hadana hillimadii dhaadheeraa ee ay cagta saartay dharaarihii ay ka ordaysay xabbadda iyo rasaasta, ayaa ku reebay jug-maskaxeed (Trauma).

Wax waqtigu is guraba, sannaddani waa 1988-kii, bishuna waa May. Xoogaggii ciidamadii xaq-u-dirirka ahaa ee S.N.M ayaa daba-yaaqadii bishaas go’aan xaraj ahaa oo geesinnimo ugu soo galaya gudaha waddanka. Magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Cadaadley ayay bar-tilmaameedka 1-aad (1st strategy) ka dhiganayaan. 31-kii bishaas ayay Hargaysa ka hillaacayaan, dagaal lagu hoobtayna ku hor-tagayaan ciidamadii Gaaska 26-aad ee Taliskii dhiigya-cabka ahaa ee MSBarre. Burbur kabashadiisu qaadatay rubuc-qarni ayaa habeenkaas iyo habeennadii xigay dhacaya. Maati iyo biri-ma-geydo badan ayaa dhegta dhiigga loo darayaa. Sanqadhaha dabaysha iyo fiinta ayaa laga didayaa. Soodhka ayaa dalandalaya. Meydka ayaa duurka iyo derimahaba ka fara badanaya. Hangashta iyo dhaba-jebinta ayaa jabaysa oo liicaysa. Xaqa ayaa liibaanaya, baaddilkana waa la loodinayaa. Dallacaadda iyo shaashka darajada ayaa hal mar noqonaya kuwo laga naxo. Saadaashii iyo kuhaankii hibadu dalaysay ee Abwaan M.I.W. (Hadraawi), maansadiisii Daallaley ayaa docda sammada laga ajiibayaa, muuqaalladii sannad-jirsaday ee ku ragcanaana si toos ah loo arkayaa:

“Dacfalaanka mahaddiyo,

Dar-darsiga barwaaqada,

Iyo doosha subagga leh,

Haddaan lays-su dacarayn,

Haddaan deebta gumucdiyo,

Lagu guban dabkaan shido,

Inta daran, intaw daran,

Haddaan duulal lagu falin,

Alleylehe docdaydii,

Ha goblamo dadweynuhu!”

Danyartii iyo badiba bulshadii caadiga ahayd ayaa daadduun la kowsanaya. Jinow waaba jabkeeda. Oo ma qax uunbay ku jiraysaa? Oo ma u qul-qul uunbaa? Goormay heerka negaanshaha gaadhasysaa? Iyada lafteeda, weydiimahaas ayaa hor imanaya. Mararka qaar ayaabay ku tashanaysaa, illeen silic uun kuu ahaani mayso, naftuna laba-jeer ma baxdee, doorkan ha u dhaqaaqin! Haye. Bal adba ka warran akhriste. Wax ay iyadu ku fekertaba, aakhirka Jinow way qaxaysaa, waxaanay u kicitimaysaa xeryihii qaxoontiga ee Dul-cad. Haatan ninkeedii oo isna dirqi kaga badbaaday xasuuqyadii ay geysanayeen ciidamada Faqashtu ayaa la socda. Laakiin nasiib-darro, waxba kama qaban karo mushkiladda oogan. Isagaaba tiisii la il-daran. Carruur ay dharaarihii Hargaysa dhashay oo marka laga reebo Aadan saddex ah ayaa iyana ku mataanaysan. Maalmo iyo maalmo qadhaadh ayay hadana Jinow gudo-galaysaa. Badanaa ayaamuhu, misna kala duduwanaa! Kacaa-kuf iyo kadeed ayay hadana kaalmaheedii nololeed ku saddexaysanaysaa. Marar bay asqoobaysaa oo dadkii ay bidhaansanaysay ay kala lumayaan. Cir iyo dhul muuqaal aan ahayn ayay waayaysaa. Ninkeeda laftiisa ayay isa-seegayaan oo laba hillin oo kala qallooca ay ku kala hagaagayaan. Cabsi iyo baqaba wuu ku curanayaa. Bahalaha dugaag ee goobahaas ku uumman ayaana ta ugu weyn keenaysa. Aakhirka, Jinow waxay gaadhaysaa xeradii qaxoontiga ee Dul-cad, halkaasaanay ka bilaabaysaa la-qabsiga nolosha qamandiga ku qotonta. Makaankaas ayay degaysaa, iyada oo niyadda ay u hayso nolosha ifkuba iska yar tahay. Kolal bay denbaabaysaa oo ay nafteeda ku canaanaysaa qaddarrada aan nafleba baajin karin. Kolal kale ayaabay markaas ka sii daraysaa oo ay ku hammiyaysaa in nolosheedaba geeridu dhaanto. Haddii door-nololeed oo deeddan iyo daadduun dhaama la waayay, Jinow waxay talo ku soo gebo-gabaynaysaa, nafteeda iyo nafihii daymada naxariista leh ay ka arkaysayna ku war-gelinaysaa inay u baahan tahay ka digo-rogashada nolosha Qaaradda Afrika iyo tan Geeskaba. Ka dar oo dibi dhal. Hadda xilliga uu hammigaas quwooni ku dhalanayo, cirka ayaabay far iyo suul iskaga haysaa! Dhaxal awoowyaasheed u tabceen oo u yaalla iyo hanti sifo kale ku soo gashay midna meelna kuma oga. Cidi uma maqna, ceelna uma qodna, qalinka iyo risiqa Raxmaankuna waa halkiisa. Laakiin iyadu waxay go’aankaas ku dhaqaaqaysaa tiiyoo talo-saaratay Ilaahay, calool-adayg hufanna la timid.

Sug-sugiba mayso wax kale’e waxay rumaynaysaa riyadaas hammiga uun ku kooban. Iyada oo carruurteediina ku lammaan yihiin, ase aan saygeedii wehelin ayay amba-baxayaan. Saad iyo sahay midna faraha uguma jiraan, waxsay ku niyad-san tahay inay Alle taladeeda u dhiibtay. Socdaal waayihiisu qallafsan yahay, umal-taah, urugo iyo uur-ku-taallana ku labaysan tahay ayay hollanaysaa. Si la dayeba waxay food-saaraysaa marxalad aad u daran. Gaadiidka dad-weynaha ayay qaarkood is odhanaysaa raac, markaasaa isaguna (gaadiidku) jabayaa oo fadhiisanayaa. Roob la mataanaysan kii helay dharaarihii ay daadduunka Wajaale ku jirtay ayaa ku guud furaya. Shuban-biyood daba-dillaac ah ayaa carruurteeda qaarkood haleelaya, markaasay ammuuruhu isku cayd iyo beyd go’ayaan. Maalmo badan oo mugdi gaashaysan ah ayay jidka sii haynaysaa. Qarfo dheer kadib, waxay galaysaa magaaladii uu socodkeedu ku sinnaa. Waa Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Haa. Miyaad yara asqowdeen. Ha yaabina, hana iga hadhina. Jabba wuu danbeeyaa. Oo waa maxay Dimuqraaddigani? Miyaanuu ahayn kii Af-weyne ee gabbalkiisu dhacay. Oo dee innagu waqtigaynu hadal haynaa waa goorma? Waa 1990-kii. Hadda ayay malaa wax kala cad yihiin. Haddii ay Jinow ku degtay mid ka mid ah xaafadihii dadka sokeeyaheeda ahi degganaayeen, waxay waajahday xaalad kale. Meeshu waa magaalo, waliba waa caasimad oo sida loola qabsadaa ma sakhirna. Reer bay martiday, kashana waxay ka ogsoon tahay inaanay martidu waqti badan lahayn, ayse ku qurux badan tahay in ay xilli kooban joogto, haddii kale karaahiyo imanayso. Taasi waa mid. Inta kale ee ku xeeran ee duruuf-uun ku abtirsata ayaa ka daran. Wax yar haddii ay joogto, galangal aan yaraynna ay ka samaysay ula-jeeddadii hayaankeedu ahaa (Arrintii dhoofka iyo hir-gelinteedii) ayaa dagaal lagu-hoobte ahi ka holcayaa caasimaddii Soomaaliya. Waa dagaalkii dalka lagaga saaray Keli-taliye Maxamed Siyaad Barre. Saamayn xooggan iyo raad mucjiso ah ayuu dagaalkaasi ku reebay xasuusteeda. Haddana waa u Qax iyo Qaxoontinimo. Aadan waa nin weyn hadda, waxaanuu jiraa 30-gu’ in ku dhow. Waa gaashaan-qaad, waa se gaashaan-qaad ku gaashaan-qaaday; saranseer, saxariir, deeddan iyo daadduun. Haye. Jinow waaba u yaabkeeda. Illeen iyada oo qax-ka-carar ah ayay magaaladan timid’e, tiinna ma Qax bay uga tagtay. Allaahu mustacaan. Xaggay haddaba qabataa. Meel kastaa way olalaysaa, digo-rogasho iyo u jeedsi sabo roonina ma suurta geli karo. Waa geddii uu Hadraawi ku lahaa jiiftadiisii Gol-janno:

“Halkan gaban yar baa yaal,

Halkan gaari baa wadhan,

Halkan geesi baa quban,

Dhankan culimo gaariyo,

Gadhcas iyo wadaaddiyo,

Golfof iyo raq baa quban,

Waxa geeddi lagu yahay,

Godadkiyo xabaalaha,

Dhulka hoose loo guur!”

Meydka ayaa meel la dayoba wadhan. Wayska xaal adduun. Xilligan waxay Jinow u qaxaysaa mid ka mid ah xeryaha Qaxoontiga ee dalka Kenya. Halkaasay in muddo ah ku sugnaanaysaa, Allaheedana ku sugaysaa. Badhtamihii 1990-nnadii ayay hadana mar kale ku soo noqonaysaa Muqdisho. Mar labaad ayay ka baro-kacaysaa. Waxay u jeedsanaysaa dhanka xeryihii Qaxoontiga ee Keenyaatiga. Haddana hoos-jooggiisii ayay taag iyo tamar-ba u waayaysaa, bohol-yaw, dal-tabyo iyo hilow baaxad lihina wuu ku dhalanayaa. Xamar ayay haddana u soo guuraysaa, halkaas oo dagaalkii cufnaa ee dhex maray xoogagga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo ciidamada Xabashida, 2007-dii ay kaga quusanayso, dib-u-eeggeedana ku daynayso. Ta yaabka badan lihi waxa weeye, isla sannadkaas waxay u baqoolayaan magaalada Addis-ababa, si ay u soo xereeyaan waraaqo ay dhoof eheliyaddoodu u soo qal-qaalisay ugu tagaan. Safaaraddii ayaa u aqoonsan waayaysaba Qaxoonti. Hadda Jinow nus-qarni bay Qaxoonti ahayd, Aadan-na jiraalkiiba nolol aan qax iyo qaxoonti ahayn indhaha ma saarin. Yaab.

Dhammaad.

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.