Hargeysa: Madal Loogu Baroor-diiqayay Abwaan Timacadde & Xiisaha Tiraabta Hal-doorkii Ku Kulmay “Af Macaan, Gacan Macaan baa Dhaantee, Wax Ha Nala Taro” Maryan C/laahi Suldaan Timacadde “Haddaannu Talada Dalka Ku Guulaysanno…” Axmed Siilaanyo
Hargeysa (APTEN) – Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Abwaankii Waynaa Alle ha unaxariistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada hargeisa,
Munaasabadaas oo ay soo qabanqaabisay Shabakadda Wararka ee Timacadde News Network (TNN) ayaa waxaa ka soo Qayb galay, Seddexda Xisbi Qaran,Wasiirro, Abwaanno,Qorayaal, Aqoonyahanno, Salaadiin, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.
Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo uu si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde. Boobe waxaa uu Sheegay in C/laahi Suldaan sannadkii 1973-kii ku geeriyooday magaalada Kala-baydh oo dhinaca galbeed ka xigtay Magaalada Gabiley. “Waxaan xasuustaa C/laahi Suldaan wuxuu yaallay wakhtigaas tuulada Galoolley. Xaaskiisa Ardo Qalinle Alle ha u naxariistee ayaa noo timi dhawr iyo toban cisho ka hor, markaasay tidhi: ‘odaygii xaalkiisu wuu xun yahay.’” “C/laahi Suldaan kansar baa kaga dhacay cunaha oo Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale, isaga oo hadalkiisa sii wata.
Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde iyo Suugaantiisa waxaanu Halkaasi ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi Suldaan Timacadde uu tiriyo.
Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee Timacade News Network (TNN) oo Madashaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee Timacadde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay ka warantay heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo Xustay in Dhawaan dib u habayn lagu sameeyay oo Loogu Magacdaray Abwaanka Wayn ee C/laahi Suldaan Timacadde.
Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay Noqon doonin markii ugu horaysay ee shabakadu Qabato Xuska Abwaan C/laahi Suldaan balse ay joogtayn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta Somalida.
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay , waxaa uu ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida.
Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “ Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta Idfaal Lagu Yahay.,Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa Abwaan Timacadde,Walaa Siyaasibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn,Walaa Sheekhbaana Heshiis Lagu Ahayn.,Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ayuu yidhi Axmed Aw geedi
Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)- waxaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal abuurku leeyahay.
“Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaladan oo kale marka laga hadlayo Qofkii dhintay la xusayo, qofna qoysbaa xusa, Ninna Qaranbaa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)
Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna Hadal kooban Munaasibaasi ka jeedisay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan waxay ka hadashay Taariikh nololeedkii aabeheed intii ay ka soo gaadhay iyada oo Boobe yuusuf ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo ururinta Taariikhda aabeheed.
Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in Looga Baahanyahay Dadka qiimaha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo Bulshada Reer somaliland oo uu ka mid ahaa Abeheed in Dadkii uu ka tagay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof ay ka joogaan tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo qaadatay Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu ushaqaalaysiiso.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb qaatay halgankii Dalka kaalin muhim ahna uu kaga jiray.
Guddoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo inta Qiimaha leh ee ka baxday ay Ubadkooda wax uqaban doonaan hadii ay ku guulaystaan Doorashada soo socota oo ay hooska ka xariiqi doonaan. Isaga oo arrintaas ka hadlayana, Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi: ““Haddii aannu talada dalka ku guulaysanno, waxaannu ballan-qaadaynaa inaannu dadkii dalka u soo halgamay ubadkooda wax u qaban doonno, C/laahi Suldaanna kuwaas ayuu ka mid yahay kuwa ugu mudan.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha Xisbiga Aaden Maxamed Mire (Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Fil Fil, waxaanay ka warameen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga oo sheegay in uu ahaa Haylyay Somaliyeed oo qiimo Ummada Qiimo wayn ku dhex lahaa. Waxa ay xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo wax loo qabto.
Gebagebadii munaasibadda, Shabakadda TNN waxay madasha Shahaadooyin ku guddoonsiisay dadkii ugu wax qabadka badnaa Sannadkii ina dhaafay ee 2009, kuwaasi oo isku jiray Abwaanno, Salaadiin, Qorayaal, Ururo Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo muhiim ah.
Maxamed Saleebaan Cumar,
APTEN, Hargeisa.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 21st, 2010 at 9:46 am
wll mcn horta marka hore wan ini salamay salan ka ka dib waxan u mahad naqya shaqalaha ka hawlgala wabsitka .aftahan.com wll maxan ina raba inad iso ban dhigtaan tarikhdi abwaan c/laahi suldaan timacade