Burco: Sarkaalkii Saadka ee Ciidanka Qaranka Oo Si Weyn Loo Aasay & Darawalka Xog. Guud Ee UDUB Oo U Xidhan Dilkiisa – Xukuumadda Oo Aan Aaska Taliyaha Ka Soo Xaadirin & Tuhunnada Ka Dhashay
Burco (APTEN) – Alla haw naxariistee, Mujaahid Mataan oo ay maalintii shalay xabadi kaga qaraxday darawalka xoghayaha guud xisbiga UDUB mudane Jaamac Yaasiin Faaax ayaa maanta si weyn loogu aasay magaalada Burco. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay dilkan kadhacay Caynaba, xukuumaduna wax war ah kama soo saarin dilka mujaahidka. Waxaase wararku sheegayaan inay xabbadu ka qaraxday darawalka oo dabadeedna ay si kama ah madaxa kaga dhacday mujaahid Mataan Mahdi ilaahay naxariistii janno haka waraabiye eh.
Bishii Novembar ee sanadkii hore ayaa qarax miino ah lagu diley taliyihii qaybta 12aad Cismaan Yuusuf Nuur, dilkaas oo markii danbe baadhitaankiisu soo galay isla ciidanka CID-da ee Somaliland illaa hadana aan meel loo saarin.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta oo Axadda magaaladda Burco ee xarunta Togdheer ka aloosmay buuq ku saabsan in lafahmo waxa keenay dilkan wakhtigan xaadirka ah oo uu Mujaahidku gudanaayey xilkii loo igmaday ee difaaca qaranka. Taas oo markii danbe si deggen looga arrinsaday lana gartay in arrinka cagta loo dhigo oo marka hore la ogaado sida wax udheceen.
Waxaa galabta lagu aasay Mujaahid Mattaan Mahdi Beeli-Eeday Magaaladda Burco.
Illahay janaddii ha ka waraabiyo Mujaahid Mattaan dhammaan umaddii uu usoo halgamay, ehelo iyo asxaaba samir iyo iimaan haka siiyo.
Sifihii Uu U Dhintay:
Abbaaro 11:00-kii subaxnimo ee shalay Axaddii ayaa Sarkaal sare Marxuum Mataan Mahdi Beeli-eeday uu ka anbabaxay magaalada burco isagoo ay weheliyaan laba nin oo midkood katirsanyahay ciidanka qaranka una jihaysteen dhankaa iyo magaalada Caynaba.
Mujahid Marxuum Mataan Mahdi waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii sare ee Ciidamadii waxii la’isku odhan jiray Somaliya, marki danbana wxuuu ka mid noqday Saraakiishii SNM, isaga oo noqday hogaamiyaha Ciidanka Sideedaad ee Jiidda Madiina.
Marxuum Mataan Mahdi ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakishaa saadka ee ciidanka qaranka Somaliland. Socdaalkan ayaa wuxuu ka danbeeyey markii mid kamida labada nin oo Mataan ay qaraabo ahaayeen kana tirsan ciidanku uu ka codsaday inuu u raaco magaalada caynabo si uu ugala hawlgalo siidaynta mid kamida maxaabiis doraad laga soo qabqabtay Laascaanood oo hada ku xidhan saldhiga Caynaba.
Markay gaadheen magaalada Caynaba ayaa waxaa Mataan Mahdi iyo labadii nin ee lasocday ay tageen saldhiga magaalada Caynaba , goor 2:00 duhurnimo ah ayaa Mataan oo taagan saldhiga waxay xabadi ka haleeshay madaxa, xabaddan ayaa waxaa laga soo riday meel u jirta qiyaastii ilaa 120 mitir taasi oo keentay inuu inyar kadib uu nafbaxo marxuum Mataan Mahdi Beeli-eeday. Ciidanka ammaanka ayaa isweer ka qabtay goobtii xabaddu ka soo dhacday, waxaanay sheegeen in xabbadaasi ka fakatay Darawalka Xoghaya Xisbiga UDUB gaadhiga u wada oo wakhtigaasi ku sugnaa magalada Caynaba. Mar Darawalka wax arrinkan laga weydiiyay; wuxuu darawalku sheegay inay xabadu ka qaraxday baastoolad uu sitay, balse aanu kas u ridin xabbada.
Sifihii Aaska:
Marxuumka ayaa xalay lagu Aasay Magaalada Burco isagoo lagu daray xabaalihii hore loogu aasay taliyihii qaybta 12 aad ee ciidanka qaranka Somaliland ee qaraxa lagu khaarajiyey mudane Cismaan Yuusuf Nuur.
Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad utiro badan iyadoo magaalada Burco xalay waddooyinka qaar ay xidhmeen tiro badnida baabuurta aaska ka qayb galay oo si aan hore loo arag loogu galbiyey xabaalaha Koonfurta ee magaalada Burco.
Masuuliyiinta dawladda ayaan lagu arag aaska marka laga reebo Mayor kuxigeenka degmada Burco oo isku degaan ka soowada jeedaan marxuumka dhintay. Waxaa isna ka soo qayb galay aaska, Taliyaha ciidanka asluubta Mudane Jamac Dheeg.
Xaaladda Darawalka:
Darawalkii xoghayaha ayaa waxaa loo taxaabay jeelka ilaa iyo imikana waxaa socota baadhis ku saabsan dhacdadaasi Marxuum Mataan Mahdi. Waxa sidoo kale jira warar is khilaafsan oo marba marka ka danbaysa arrintan ka soo baxaya, waxase aynu sugnaa waa warbixinta ay soo saraan ciidanka CID ee Gacanta ku haya baadhista falkan naxdinta leh.



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 14th, 2010 at 6:02 am
Allah yarxuma raxmiin marxuumka eheladisina samir iyo imaan allah ha ka siiyo.
Qaraxa xabadau ka qaraxdey draeewalka xoghaya guud ee udub waa in aan marnaba loo arag si kale mar hadii ay arrintu accidental ahayd.
waynu eegi doona investigation waxax ka soo baxa