Somaliland – Ciidanka Qaranka oo 16 jirsadey – Muna Casayr – APTEN Media
Hargeysa (AftahanPress)- Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta u dabaal-degay Sanadguuradii 16-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaanu waydiinay waxa ay munaasibadooda dabaal-degga maanta ay kaga duwan tahay kuwii sanadihii hore, waxaana uu ku jawaabay; “Munaasibadani waa sannad-guuradii 16-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Qaranka Somaliland, waxay kaga duwan tahay munaasibadihii hore – waxa jira saraakiil badan oo tababar soo dhamaystay ayaa noo soo baxay, xagga xuduudaha waanu ku ruqaansannay, Tikniko badani way noo soo korodhay, ciidamada tayadooduna kor bay u kacday. Shalay oo u dambaysay Tuka Raq baanu joognay oo 30 KM u jirta Garoowe. Ciidanka Qarankana waan ku kalsoonahay inay xuduudaha qaranka iyo ammaankaba sugi karaan”
Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu ka jawaabay su’aal kale oo aanu ka waydiinay dalalka ay Somaliland dhinaca hubka kala xidhiidho maadaama uu sheegay inay Tikniko badani u soo korodhay waxaana uu yidhi; “Hubka cuna-qabatayn baa saaran, wixii aannu meelahaas ka helo uun baanu helaa, si aanu wax u helaba waanu helaa, laakiinse dawlado wax na siiyaa ma jiraan.”
Waxa kale oo aanu taliyaha waydiinay ilaa hadda waxa sharciga loo horkeeni la’yahay ciddii ka dambaysey dilkii taliyaha ciidanka Qaranka ee qaybta 12-aad ee aagga bari oo lagu khaarajiyay dabayaaqadii sanadkii tegay badhtamaha magaalada Laascaanood, waxaana uu ku jawaabay; “Arrintaa waxa u xidhan 14 qof oo gudidii loo saaray kiisas ku soo oogayaan, wixii lagu helana waa lagu qaadi, kuwii lagu waayana waa la sii dayn.”
Qaraxyada isdaba jooga ah ee ku soo noqnoqonaya magaalada Laascaanood ayaanu taliyaha waydiinay ogaalkiisa cida uu isleeyahay way ka dambeeyaan. “Dadka Laascaanood waa dad wanaagsan. Laakiin, waxa jira dad fidma-walayaal ah, Xamar ayay qaraxyadu ahaayeen, Puntland bay soo gaadheen, iminka Laascaanood bay marayaan. Qaraxyadu waa kuwa ka dhaca Adduunka, Bakistaan, Afganistaan, Yaman, Itoobiya waakuwii dhawr jeer ka dhacay. Fidmawalayaasha magaca diinta ku adeegsanayaa ee tuugta ah, meel kasta way joogaan. Waxaan ku leeyahay tuug kula joogaa tab ma wayaa, waana lagu daba jiraa, kolayba tuug haduu baxsado goor la qabtaba waa la qaban, raadad badanina way jiraan.”
Ugu dambayntii, Taliyaha Ciidanka Qaranka waxa uu aad u ammaanay waajibaadka shaqo ee bulshada u hayaan ciidanka uu hogaanka u hayaa, waxaana uu bulshada u soo jeediyay in lagu ixtiraamo, lana barbar-istaago.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ciidanka Qaranka.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha XIsbiga Kulmiye ayaa isaga oo maanta Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa khudbad uu kaga hadlayay safarkiisii wadanka Maraykanka ugu jeediyay Boqolaal qof ugu hambaleyeeyay ciidanka Qaranka ee maanta Qaan-gaadhay iyaga oo 16 jirsaday.
Muna Casayr
Aftahan Press and The Enterprise Newspaper (APTEN)
Hargeysa Office



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 3rd, 2010 at 7:14 am
Waxaan aad ula yaabay, dadka ammase ummadda reer somaliland iyo indheergaradka reer somaaliland ee arkaya ammase maqlaya madaxweyne, Taliyaha Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Sirdoonka oo beel ka soo wada jeeda, waxaan odhan karaa taa meel lagaga ciyaara aduunka majirto, waa meel la afduubayn iga dhe.
Haddaba af aynu ku hadalnaa inooma yaalee googaraddii Scotachka innoo soo tola.