Somaliland ma-leedahay goob-joogayaal waaya-aragnimo u leh burburkii soomaaliya?
Inka badan 20 sano ayey koofurta Soomaaliya ku jirtaa dagaalo iyo burbur naafeeyey gabi ahaanba adeegyadii bulshada, dagaaladaas oo u hor-seeday Soomaaliya magic-xumo ugu baahday caalamka. Waxaana lagu tilmaamaa Cadaabtii ifka marka la eego waxa ka dhacaya Soomaaliya.
Dagaaladu waxay ka dhigeen koonfurta Soomaaliya meel go’doon ka ah dunidda inteeda kale, xaalada bini’aadam-nimo ayaa ah mid aad u liidata kelmada qudha ee loo adeegsado ayaa noqotay way u dhamaatay Soomaaliya!!!
Hadaba Soomaaliya 20 sano ka hor side bay ahayd?
Waxa ay ahayd dal ka mid ah dawladaha ay dunidu ku xisaabtanto ee maqaam iyo sharafta ku leh Goleyaasha ay ku bahoobeen wadamada caalamku, waxa ay lahayd quwad ciidan oo aad u dhisan, isla markaana lagu tilmaami karayey quwadaha milatari ee ugu waawayn Afrika.Waxay sidoo kale ka dhisnayd dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada aasaasiga ah.
Dadka Soomaalida ah ayaa iyaguna ahaa kuwo ku jiray nolol deganaansho iyo nidaam leh, balse aanay filayn in ay dhamaan doonto.
Si kastaba ha ahaatee waxaa aakhirkii la soo gaadhay xiligii dirqi ku talaabsiga Soomaaliya oo ahayd markii dawladii u adeegsatay shacbigeedii cududii Milatari iyo xoogii ciidan ee ay cashuurta ugu bixinayeen in lagu difaaco.
Soomaaliya waxaa lagu fasiraa in ay ahayd wakhtigaas sida guri isaga oo jirid geed ku jirto la bilaabay dhismihiisa ka dibna si qurux badan loo dhisay oo la dhamays tiray, geedkiina uu halkii ka sii wado kobicii iyo koritaankii lagu yiqiin geed aan xididada loo siibin.
Waxaa qof waliba garanayaa oo sida dharaarta u cad in gurigaasi dumayo maalin
uun marka geedkii ka soo dhex mudho.
Soomaaliyana waxa ay ku duntay sidaas:
Ka dib markii geedkii Soomaaliya uu noqday mid ka baaxad weyn dalka geedkaasi ayey ku tilmaaman dadka aragtida fog in uu yahay (Maamul xumo iyo Qabyaalad) dadkuna ay u yaqaanaan kaligii taliye.
Hadaba Somaliland ma u muuqataa mid ka faa’idaysatay waayo-aragnimada laga dhaxlay burburka Soomaaliya? mise ka waantowday dariiqa Soomaaliya ay martay ee loo tirinayo?
Sidoo kale waxa la is waydiinayaa Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo dadkii goob jooga u ahaa burburkii Soomaaliya ee reer Somaliland ma ku hageen khibradaasi dadkooda?
markase la eego marxaladan Somaliland ku jirto ee walaac galisay bulshada reer Somaliland ma u muuqataa in ay cagta saartay dhabadii ay Soomaaliya ku burburtay?
Dadka reer Soomaaliya ma ku dhiiri-geliyeen walalahooda Somaliland in ay ka fejignaadaan waxa ku dhacay iyaga?
Dhamaan jawaabaha su’alahaasi waa qaar u furan qof kasta oo akhrista qormadan gaar ahaan dadka ay sida gaar ka ah u taabanayso ee ka dhex muuqda qoraalka.
Wariye muna casayr jaamac
Hargaysa/ Somaliland



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali
February 7th, 2010 at 11:44 pm
Walaal Muna sida ay somaalidu ku maahmaahdo nin weyni siduu wax u ogyahay uma wada sheego. waxaan uga jeedaa Somaaliland Dadkii lahaa dusha ayey ka eeganayaan umana oggola wax deelqaafah, Haddaba walaal ammase Adeer hadalka hannaga wada keenineh, waxa Somaaliland ka socda waanu ognahay, Haddaba adeer Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukada.Somaalilandna inay sida Soomaliya noqoto ma dhacayso haddi eebe yidhaa. Qudh iyo Kooxi toona waxba ka ridi karaan Somaaliland.
Waa Guul
February 15th, 2010 at 7:17 am
maxay somali is raacdaa ama kala hartaa kuwi nidaamka yar lahaa oo nabda yar hestey ayaaba Dab iyo BAnsiin isku ah oo aa isku meel iskugu imaan in aan islaayan mahan aniga waxan amin sanahay xalka somalia in u kujro s/land and p/land lakin laba dooda aaba is arki karin lakin tan ilaah wa meel ilaah mar waa noo furi al baabka xornimada raaxada tan ilaah waa ku raja dher nahay tan bini adin lakin mashegi karo
Sender:F.a.mohammed
February 15th, 2010 at 9:21 am
ugu horayn salaan dhamaan akhris tayaasha qormadani khusayso
salaan gaara muna aad baan ku salamay walal
hadaan usoo noqdo su aalaha faraha badan ee xig madu ku dheehan tahay ee ay muni dhex dhigtay umada danay naysa somalialnd runtii waa su aalo mac quul ah ina baahan jawaab tooda
hadaan soo koobona waa su aalo jawaab toodu isugu biyo swhubanayso hal jawaab ah
hadaan soo koobo runtii waxaan odhan lahaaba jawaabtaa ka timi saaxiibkay samaale ayaan ku hakiyay jawaab taydii waayo
nin weyni waa kii hadalka guud mara sidaa samaleba sheegay
hadaan inyaroo faha faahin ah ku daro ninkii somaliland lexe jeclo ka hayso waa og yahay manta halkay somaliland marayso
su aasha muni ina soo weydiisayna waxay ku ururaysaa .
mayee waaya aragnimadaa lagama faa iidaysan oo somaliland waxay kusocotaa halka somaliya taagan tahay maanta ilaah haynaga hayee
waloow ay jiraan dad badan oo somalilander ah oo arintaa fiiro gaar ah u leh hadana maanta waxaa dalka qasaya rag laysla wada garanayo oo dano gaara wata
markaa hadaan arinta alaga feejignaan meel dheer baa laga doonayaa
waana su aalo mudan in lays weydiiyo runtii
wabilaahi toowfiiq
February 18th, 2010 at 10:38 pm
Waxaan su aal ka dhigayaa Somaliland ma caawin kartaa Somalia?
waxaan filayaa in jawaabteedu badan karto, bal aan soo koobo.
Muna waxay ka hadashay in Magac xumo ay u soo jiiday K.S. dadka somaaliyeed
dadka Somaliyeed ama ha joogo DJ,PL,SL,K5.NFD intuba waxay huwan yihiin soomali. waxaan leeyahay SL waxay wali haysaa isku xidhka somalia waa dadkii ugu hoeeyay ee keena somalia waa dad ay ku weenatahy Soomaalidu
fursadaas ay lumiyeen walina ay qabtaan midida dabkeeda oo ah Dawladnimo
Soomaliyeed wali waad haysaan fursadee fadlan la idin kama xigo Soomali
waxaad tihiin halyey gii Somaliyeed ee qabta dadkan waaln ee joog K.S.
wabilaahi tawfiiq
February 25th, 2010 at 5:10 am
Salaan ka dib..siddda qormadu sheegtay somaliland waxay ku tagan tahay dhabaddii 1980yaddii ay maraysay somalia.MUSUQMASUQU WUXU MARAYA HEERKII.WAXANA U DALIIL AH BEELAHA SOMALILAND QARBA WAXAY DAWLADDA KA HAYAAN ILAA 10 XIL HALKA QARNA ANAY KA HAYNIN WAX XIL AH. ANIGU MA OOGGI MUSUQ KA WAYN TAAS