Wasaaradda Qoyska oo Markii u Horaysay ka Digtay Khatarta Ka Ganacsiga Dadka -APTEN Media -

February 2, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Wasaaradda Qoyska oo Markii u Horaysay ka Digtay Khatarta Ka Ganacsiga Dadka -APTEN -

WQoyskaHargeysa (Aftahanpress)- Wasiirka Wasaarada Qoyska, Marwo Faadumo Suudi ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay xafiiskeeda magaalada Hargeysa ka digtay khatarta iyo dhibaatada waxa ay ugu yeedhay ka-ganacsiga dadka (Human Trafficing) oo ay sheegtay inay dalka ka jirto oo ay labaysay khatartii Tahriibta oo sii yaraanaysa muddooyinkii u dambeeyay.

Wasiirka Wasaarada Qoysku waxa ay faahfaahin dheer ka bixisay qaabka looga ganacsado dadka iyo sida loogu baahan yahay in looga digo, loogana wacyi-geliyo bulshada reer Somaliland inta aanu ku fidin.

“Waxa shirkan jaraa’id dulucdiisu tahay, waa arrin khatara oo bulshada Somaliland inaynu ka wacyigelino ay tahay. way inagu cusub tahay innaga, balse waa arrin cusub oo ka dhacda meelaha dagaaladu ka dhacaan, arrintaasi waa ka ganacsiga dadka, waa arrin cusub oo in xoolo uun laga ganacsado ayuun baynu maqli jirnee Waa Human Traffic.

Ka ganacsiga dadku waa arrin runtii waayadan dambe soo baxday. Beryahan dambe inaga wixii dhibka ugu wayn inaga haystay waxay ahayd tahriibta, oo lagu madhay baddana lagu daatay. Laakiin, Ka ganacsiga dadka iyo tahriibtu way kala duwan yihiin, labaduba khatarta ha wadaaagaan iyo arrimaha dhibka.” Ayay Marwo Faadumo Suudi.

Waxa kale oo ay u mahadnaqday Hay’adaha iyo Ururada ka shaqeeya sidii looga hor-tegi lahaa dhibaatada ka ganacsiga dadka. Waxaan ugu horayn u mahadnaqayaa intii gacan ka gaysatay arrinkan isaga ah Hay’adaha iyo Ururada ama sida Dawladaha sida Japan oo kale oo Hay’ada IOM gacan ku siisay inay ku dhaqaalayso, taasoo sidii Somaliland arrinkaa cusub looga hortagi lahaa ku dedaashay, dadkana laga wacyi-gelin lahaa.

Waxa jirta inay jiraan dad khibrad ku leh sida dadka lacagta looga saaro inay dadka ku yidhaahdaa shaqo fiican meel nolol fiican leh baanu idin gaynaynaa, ka dibna ay marka dambe khiyaameeyaan. Sida dumarka oo kalena ay ku khiyaameeyaan waan ku guursanaynaa ama wax baan ku baraynaa, ka dibna intay wadanka ka kaxeeyaan hadhowna qofkii uu khiyaarkii ka tagayaa oo ay ku shaqaysanayaan.

Arrintani waa mid khatara oo mudan in laga hor-tago.

Arrinkan dadku waxyar bay u haystaan, Xamar oo kale markay dagaaladu ka dhaceen waxa jirtay caruur inta la qaatay dibadaha la geeyay oo Spare Parts loo isticmaalay oo kalyaha oo kale lagala baxay, taasina ka ganacsiga dadka ayay ugu wayn tahay.”

Wasiirka Wasaarada Qoysku iyada oo ka hadlaysa qaabka ay uga hor-tegayaan wasaarada ahaan khatarta ay maanta ka dhawaajisay waxa ay tidhi; “Waa in taas laga gaashaanto oo aan ka hirgelino gobollada sida Awdal, Togdheer, Maroodijeex, Baligubadle meelaha la galo ama laga soo baxo. Waxaanu samaynay in lagu dhejo Boodhadh waawayn oo muujinaya khatartan oo ay dadku si sahlan ku fahmayaan waxa uu gudbinayo.

Labadii Bilood ee u dambeeyay wacyi-gelin baanu wadnay inay dadku aqoon u yeeshaan khatarta dhibkan, si aan looga faa’iidaysan oo ka ganacsiga dadku noqdo mid la fahmo”

Su’aal laga waydiiyay maadaama ay arrintani ku cusub tahay dhegaha bulshada Somaliland ka ganacsiga dadku bal inay faahfaahin cad ka bixiso xaqiiqda iyo jiritaanka arrintan waxaana ay tidhi; “Dhegaha dadka way ku cusub tahay, waxa looga faa’iidaysan karaa tusaale ahaan in lagu yidhaahdo qofka waanu idin dhoofinaynaa lacag badan keena, ka dibna ay soo diyaar-garoobaan, gabadha oo kale meel dhexe la geeyo, iyada oo SUuriya oo kale in dadkii markii la geeyay in hablihii looga faa’iidaysto iyada oo aqalo loo kiriyo oo arrimo kale oo aan afka ku wanaagsanayn ay halkaas ka dhacaan. Wiilasha oo kalena la yidhaahdo waxaanu idiin haynaa fiisayaal ka dibna lacagtii laga tirsado oo jeel ka dibna ay ku dambeeyaan, had iyo goorna waxay ku dhacdaa hablaha iyo wiilasha dhalinyarada ah. waxa ka mid ah in dadkaas iyaga ah lagu shaqaysto.”

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaarada Qoyska Marwo Faadumo Suudi waxay ka codsatay bahda warbaahinta inay kala shaqeeyaan wacyi-gelinta khatarta ka ganacsiga dadka si looga badbaadiyo bulshada Somaliland.

APTEN Medi

Hargeisa,  Office

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.