Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office
Hargeysa (APTEN)- Akhristeyaasha Shabakadda Aftahanpress iyo Wargeyska EnterpriseNewspaper (APTEN), waxaanu jecelahay in aanu halkan idiinku soo gudbino xog-waraysi la xidhiidha taariikhda iyo waayaha faneed ee hal-abuurka, jilaaga caanka ah ee reer Jabuuti Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed (Bifto) oo aanu kula kulanay magaalada Hargeysa oo waayadan dambe ku sugnaa.
Ugu horayn waa kuma Cabdiraxmaan Bifto, isaga ayaa inoo faahfaahin doona taariikh-nololeedkiisii iyo waayihii koriinkiisa inta aynaan u guda-gelin marxaladihii kala duwan ee uu soo mutay intii uu dhex-mushaaxayay masraxa fanka.
“Waxaan ku dhashay magaalada Jabuuti sanadku markuu ahaa 1972-kii, waxaan iskuulka ka galay xagaas, ka dib markaan dugsiga Sare gaadhay, fanka oo aan jeclaa ayaan ku biiray 1990-kii, fanka shaqo kama dhigano ee waa hopy-gayga, waxaan ku bilaabay koox la odhan jiray Amikaal oo xaafadaan deganaa laga sameeyay Karte Tuwaa Xaafada Saddexaad ee Jabuuti.
Fanka aniga oo wada ayaan ka soo shaqeeyay meelo kala duwan sida Idaacada oo aan joogay 7 sano, aniga oo ka ahaa Camera Man, waxaan kaloo ka shaqeeyay Saldhiga way nee Shirkada Shiidaalka TOTAL.
Waxa kale oo aan abuuray Stereo gaar ah oo lagu duubo aroosyada 1998-kii.
Waxaan ka soo qayb-galay kooxaha la kala yidhaahdo Amikaal, ajeek, Herimaad iyo Deegaan oo aan ilaa hada ka tirsanahay.
Waxaan safaro ugu baxay dibadda 1990-kii magaalada Sanca ee wadanka Yeman anaga oo halkaas ku soo dhignay barnaamijyo kala duwan. Waxa iigu xigay 1993-kii oo aanu safar-faneed ugu baxnay wadanka Cumaan.
Magaalada Tripoli ee wadanka Liibiya ayaa iyaguna xuskooda qaran noogu yeedhay 1995-kii. Wadanka Somaliland 2004-tii ayaan safar-faneed nimi kooxda deegaan annaga oo ka koobnayn 15 qof, wakhtigaas ayaana iigu horaysay Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland.
2006-dii safar-faneed ayaanu ku tagnay wadanka Imaaraadka Carabta laba jeer ayaanaan festival kaga qayb-galay DUBIA. Sanadkii 2008-dii ayaan hadana wadanka Gadar ku tagay safar-faneed.
2009-kii dhamaadayna waxaan ku tagay safaro-faneed ku tagnay wadamada Somaliland iyo Puntland, waxaana ii dheerayd Kiiniya caasimadeeda Nairobi.” Intaas ayuu ku soo af-meeray Al-fanaan Bifto xog-waranka taariikhdiisa gaarka ah.
Waxaynu si toos ah u guda-galaynaa waraysiga suugaantiisa, waxaana aan ugu horayn waydiinay maxaa kugu kelifay inaad fanka ku biirto, yaase kaa caawiyay in aad noqoto jilaa aad loo jecel yahay?
J: Waxaan jeclaan jiray fanka oo aan xiisayn jiray, meelna kama soo galo oo qoyska cidina fanka fac kuma laha, fankuna waa barasho iyo hibo, aniguna waan bartay ee maaha hibo. Laakiin jilayaasha reer jabuuti sida Gaafane Alle ha u naxariistee, Ruun oo islaantayda metesha iyaduna hibo ILaahay siiyay weeyay ee may baran iyagu fanka sidayda oo kale.
S: sidee baad ku soo shaac-baxday oo ku noqotay jilaa masraxyada fanka isku laba roga?
J: Markaan 3 riwaayadood dhigay ayay dadku aad I jeclaadeen oo ii xiiseeyeen, aniga oo aan Oday metelayn, markii dambena Oday baan metelay oo markaa Odaygii ayaa dadka aad u cajabisay, aniga oo markii horeba jeclaa sheekada odayaasha waawayn oo aad u dhegaysan jiray meelaha ay ku sheekaysanayaan, markay dumarka biixinayaan, aniga oo ka fiirsanaya sida uu ahaan jiray dhaqankii hore ee Soomaalidu.
S: Muxuu yahay Hal-ku-dhegga aad caanka ku tahay ee laguu yaqaan, maxaadse kula baxday magaca Bifto?
J: Ciyaalkaan yaraantii u sheekayn jiray filinkaan soo daawado, way igu soo buuqi jireen, hal haysna waxaa ii ahayd biif sidaan buu sameeyay… biif sidan buu sameeyay.. ka dibna Islaanbaa tidhi kii Biifle ayay la joogaane ka soo kaxeeya ciyaalka, muxuu uga sheekayaa horta ee ay ciyaalku kaga buuqaan. Hadalada aan hal hayska u leeyahay waxa weeye Alle iyo Nabi iyo Rasuul…. Iyo Nadal Fil Caalamiin.
S: Riwaayadaha aad ka qayb-gasho badankooda Oday dumarka ku qayliya ama waaniya ayaad meteshaa jilaanimadaaduna Odaynimo ayay salka ku haysaa, ma la odhan karaa markaa metelaada odayga ayay kaaga dhagtay maxaadse wax kale u meteli wayday?
J: Dadka I daawada markay ka heleen odaynimadii ayaan dhawr riwaayadood Odaygii ku celceliyay oo jilay, markii dambe waxa dhacday inaan donayn inaan wax kale matalo. Laakiin dadkii ka heli waayeen oo ay yidhaahdeen Odaygii miyuu waashay maxaa ku dhacay, sidaasaan odaynimadaydii iskaga aaminay.
S: Hadii aan kula kaftamo dhalinyaro ayaad tahay, muuqaalkaagana oday ayaa la moodaa marka kaftanada kaa soo gaadhay Odayga aad meteshay maxaa ugu yaab badan oo aad xusi kartaa?
J: Waxaan soo xusuustay Madaxweynaha Jabuuti oo aanu maalin la joognay anaga oo ah koox fanaaniin ah ayaa igu yidhi waakan Oday-dhaqameedkii. Maalintii aan odayga metelay waxyaabaha igu soo baxay ee aanan meesha soo dhiganba waxaa ka mid ah inay Qoyskaygii arrin walba oo dhacdaba aniga ii yeedhaan hadii ay noqoto gabadh soo duday oo la celinayo, Mag la ururinayo, meher, shirarka garta lagu qaado. Markaa waxaas oo dhamina waa waxyaalo wakhti u badan u baahan, markaa waxaan ku idhi odayadii markaan arrimahaas dhawr jeer galay, nimanyahoow hawshan cidii idin haysay ha idiin hayso anigu waxan kuma telo-gelinee. Anigu dee waan metelaa uunee hawshan intan le’eg ma soo dhiganee iga daaya, ka dibna waxay iigu jawaabeen, hawsha adaa u yeedhee hawshan sideeda u hay aad ugu yeedhatay wax lagaa daynayaana ma jirto, sidii baan ilaa hada ugu jiraa ilaa hada, hawsha aan fanka ka hayo ta aan reer ka hayo ayaaba ka daran. Waxaan iminka fahmay waxyaalo badan, oo odaynimada iyo Islaanimadu waa darajada Ilaahay dadka gaadhsiiyo waxyaalaha ugu dambeeya, markaa waxaan is idhi waa Karaamo Ilaahay kuu soo dedejiyee iska aamin.
S: jilaanimada yaad kaga dayataa marka la eego dadkii Soomaalida ugu caansaa ee aadka loo yaqaano?
J: waxa ka mid ah Abwaanka reer Jabuuti alle ha u naxariistee Ibraahim Gadhle, Dacar iyo Basbaas.
S: Marka laga yimaado jilaanimada aan ku caan baxday waxa nagu maqaalo ah in aad tahay Abwaan oo aad samayso sheekooyinka riwaayadaha iyo waliba midhaha heesaha bal arrintaa nooga waran?
J: Riwaayada Habaar-waalid ee caanka ku ah Haldhaa iyo Habeenkii Jabuuti oo ay Aktaro ka yihiin fanaanada Haldhaa iyo Xasan waddo aniga ayaa sameeyay sheekada riwayaadaas. Riwaayadaha Jabuuti lagu dhigo 40% aniga ayaa sameeyay.
Heesaha caan baxay ee aan sameeyay waxa ka mid ah;-
Wiglo tumatayaa
Ka waantowdayaa
Ka war keentayaa
Waa yeelkadaa
Oo uu ku luuqeeyo Fanaanka Xasan Waddo oo uu ku soo shaac-baxay iyo waliba heesta kale ee iyada aadka loo jecelyahay ee uu isla Xasan Waddo qaado waxaana la yidhaahda
Doonisteenu Deeqa
Cali Sabiix ha noqotee.
Waxa kale oo aan xusi karaa heesta la yidhaahdo
Hadaan ku jeclaan lahaa
Naftaan kuu huri lahaa.
Heestaasna waxa qaada Mustafe Aadan Abees alle ha u naxariistee.
Shirkii Carta ka dhacay ee Soomaalida lagu heshiisiinayayna waxaan ku lahaa Afar Heesood.
Markaad kala qaybsantee
Qabtu kugu dhacdee.
Iyo heesta kale oo iyaduna dib u heshiisiinta Soomaalida aan u sameeyay waxa la yidhaahdaa;
Umaddu way daalan tahay
Hees kale ayaan u sameeyay isla shirka carta, taasoo ahayd
Hadaad kala goosatiyo
Hadaad isku gaysataba
Anigu waan kuu goglee
Go’aanka adigaa iska leh.
Heestan dambe waxaan ka sameeyay waxa la fidiyay dacaayad ah jabuuti ayaa iska wadata shirka Carta, markaa waxaan lahaa annagu waan gogolnee idinkaa Soomaaliyeey go’aanka iska leh waxaad yeelaysaan hadaad heshiinaysaan iyo hadii kaleba.
S: Cabdiraxmaan waxaad nooga sheegi kartaa waxyaalihii kuugu yaabka badnaa ee noloshaada ku soo mara?
J: Maalin aanu aasnay Oday carab ah oo aanu jaar ahayn, ayuu odaygii aanu ilka ku hubsanay soo noolaaday, odaygi carabka ahaa markuu soo noolaaday oo dhaqdhaqaaqay ayaa laga soo saaray xabaashii markii la arkay inuu dhaqdhaqaaqayo, odaygii oo kafatantiisii sita ayaa gaadhigii shidhka soo fuulay, waanu kala yaacnay naxdin darteed, odaygii cidna lamuu hadal, maxaa igu dhacay ayuu yidhi, dadkii kamay fikirin in odayga kafantii cadayd laga bedelo oo dhar loo xidho, isaga oo kafantii cadayd sita ayuu baabuurkii soo fuulay shidhka, waxa uu ku soo noqday gurigii uu ka dhintay oo la ducaynaya lagaa ooyayo, gurigii naxdin kale iyo geeri labaad ayay ku noqotay. Waxaa nalagu canaantay maxaad odayga dharka uga soo bedeli waydeen ilaa hada odaygii wuu nool yahay waana baayacmushtar Jabuuti ka shaqaysta waxaana lagu xantaa naanays la yidhaahdo Xabaal-diid.
Waxa kale oo aan xusuustaa oo iigu yaab badnaa markii Soomaaliya burburku ka dhacay ee la qaxay, ayaan Addis Ababa habeen aniga oo xilli dambe Hoteel soo galay ayaa laygu yidhi wuu buuxaaye inta laguu helayo makhsinkaa ninkaas la sii gal wuxuu ahaa nin dheer, xoog wayn oo aad u madaw, makhsinka ayuu sii fadhiyay oo ku qayilayay, intaan alaabtii dhigtay ayaan aniguna iska qayilay oo iska fadhiistay, ma wada hadlayno, markay gaadhay saqdii dhexe ee aanu sii seexanaynay ayuu igu yidhi; “Kac ninyahoow su’aalo ayaan doonayaa inaan ku waydiiyee.” Wuxuu igu bilaabay “Qolomaad tahay” markaan u sheegayna, wuxuu igu yidhi “Nin aabahay dilay ayaad aad ugu egtahay, ma ninkii baad tahay” makhsinkii wuu igu yaraaday, wax jawaab ahna kama bixin, waxaan ugu jawaabay “Anigu Soomaaliyana maan aragee waxaan ahay nin reer Jabuuti ah” ninkii wuu fadhiistay, su’aal kale ayuu hadana I waydiiyay wuxu igu yidhi; “Calaamadihii uu lahaa ninkii aabahay dilay ayaad leedahay, isagii baad tahay” intaa markuu yidhi ayaan iska dhigay mid suuliga galaya, iyada oo aan nafta ka quustay oo aan idhi maantay kuugu daran tahay, xaga albaabkana uu iga xigo, ayaa waxa dhacay inuu mar qudha fadhiistay ayaan iska dhigay mid musqusha galaya aan ka baxay, aniga oo sita garan surwaal Sportis ah iyo dacas ayaan galay Net Club si aan wakhtiga ugu soo lumiyo inta waagu ka baryayo oo ninkaas na kala gurayo.
S: Cabdiraxmaan Hadii aan ku dhawaan gebo-gabada xog-waraysigeenan, bal maxaad kaga qoslin lahayd akhristeyaasha mawduucan adiga oo ka soo qaadaya in aad taagan tahay fagaarihii aad ku meteli jirtay riwaayadaha?
J: Wakhtigii Dawladii Siyaad Barre maamulkeeda dadku soo nacayay ayaa nin yidhi waxaan ku riyooday xalay aniga oo Siyaad Barre dilay, wakhtigaana waxa dhegaysanayay CID Maryacad ah, ka dibna waa la xidhay, waxaana la soo istaajiyay maxkamad. Intaa la xukumin ayaa lagu yidhi maxaad codsanaysaa waa lagu xidhayaa 15 sano, ka dibna wuxuu yidhi Anigu waan riyoodee waxba maan samayn, hadii uu Distoorka ku jiro xeerka lagu xukumo riyada dee ha laygu xukumo, waa la baadhay distoorkii waana laga waayay xeer dadka riyooda lagu xukumo, waa la sii daayay. Ka dib markay xaaladu sii xumootay ayaa la yimi makhaayadii uu shaaha ka cabayay oo waxa la waydiiyay xalayna maxaad ku riyootay, Ma seexatay baa ka horaysa buu yidhi.
S: Ugu dambayntii, adiga oo fursada waraysigan faa’iidaysanaya maxay tahay fariinta aad u gudbinayso bulshada afka Soomaaliga ku hadashay ee akhrisanaya waraysigan?
J: Insha alaah inta magacayga iyo martabadayda taqaana shacabwaynaha Soomaaliyeed meel wal oo ay joogaan waan salaamaynaa, waanu jecelahay, in badana waanu isbaranay, inta ii hadhayna in aanu is barano doono, ama aanu u tagno ama ha noo yimaadaane, waxa kale oo aan salaamaya Wargeyska Enterprise ee aan kula kulmay magaalada Hargeysa oo aan hawlo shaqo u joogo.
APTEN, Hargeisa Office



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali