xusuusqor – Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa qaybtii 7aad

February 8, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland

Qaybtii 7-aad.


Berde ku yaal Wadaamo-goo; ma aha kii “isha Baydhabo”

DSC_0734Anigoo badhtanka kaga jira qormooyinkii Socdaalkaygii Dheeraa ee Somaliland ayaa hawlo badani ila soo derseen, ka dibna hakad ayaan geliyey, hase yeeshee waxa si weyn ii dhiiri geliyey inaan sii wado dad weyne aad u tiro badan oo aan kula kulamay madaalloyin kala duwan iyo kuwa xitaa aannu dukaanno ka wada adeegganaynay (Shopping) kuwaas oo si xoog leh iigu dhiiri geliyey inaan qormaddii xiisaha badnayd sii wado oo dhammaystiro qoraalkaa intii aan ballan qaaday. Anigoo taa ka duulaya, waxaan mar kale jeclaystay inaan sii wado qoraalladdii,  si aan dad badan oo xagaagga u dalxiis tegi doona dalka ugu soo dhiiriyo meelaha ay dhugta u yeellan doonaan iyo meelaha ay tegi doonaan iyo inay xusuus qor ka reebaan dalxiiska dalkooda.

Maanta, waxaynu dhanka bariga uga baxaynaa magaallada Burco oo xarun ii ahayd, waxaynu raacaynaa laamiga dheer ee isku xidha Burco iyo Laascaanood. Waxaan idiin sheegayaa filashadayda tegista halkaas waayo, weligay Biriishka Qoryaale dhankaa bariga uma dhaafin. Waxaan ku socdaa Gar-adag oo shirweyna ka bilaabmayo, shirkaas oo aan kamarado iyo sameecado u sido. Waxaan wataa gaadhi Surf ah oo aan soo kiraystay, weliba anigaa gacantayda ku wata. Waxa ila socda laba nin oo aan waxba igu dhaamin tegista Gar-adag oo midna aannu si fiican u garanayn jidka loo maro, waxaan magaallada ka baxayaa goor dheer, waayo waxa werwer iga hayaa inaan ku anbado waddooyinka hallaasiga ah ee is barbaryaaca ah ee aan midina mid ku soo darmayn ee banweynaha la magac baxay “Bancadde” is gudub ordaya ee intii halkaa qabatay iiga warantay.

Halkan Guji si aad maqaalka u wada akhrisatid Xusuusqor 7

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.