Archive for March, 2010

Qarni Dumay by Mubaarik Qoorubaxay

Waa gabay kooban oo ka hadlaya qaybo ka mid ah waayihii iyo dhacdooyinkii qarnigii aynu ka soo gudubnay waxaa tiriyey Mubaarak Mohamed Nur “qoorubaxay” gabaygan oo ah kii uu ka tiriyey arooskii abwaanka weyn ee caanka ah ee Maxamed ibraahin warsame hadraawi 21.06.2000
Gabayga oo cod ah halkan ka dhegayso
wuxuu ku bilaabay:-
Aduunyadan sidii loo gogliyo gedahan ay [...]

Xubnaha Komishanka ee Heer gobol/Degmo oo Maanta La Dhaariyay

APTEN Hargeisa – 71 Xubnood oo ka kooban Komishanka Doorashooyinka heer Gobol iyo mid degmo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay waajibaadkooda shaqo, sidoo kalena waxa loo furay tababar la xidhiidha hawlaha Doorashooyinka iyo qaabka ay u shaqayn doonaan.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay dhaarinta xubnahan ayaa waxa ka soo qayb-galay Todobada Xubnood ee Komishanka [...]

BUUG CUSUB: HOGGAAMINTA WANAAGSAN

BUUG CUSUB: HOGGAAMINTA WANAAGSAN
Qoraha Buugan: Cabdi Shire Warsame
“Hoggaamintu waxay muhiim u tahay nolosha iyo horumarka aadamiga, habsami u adeegsigeeduna wuxuu suurtogeliyaa in la gaaro halka la higsanayo. Haddii aan hoggaamin jirin laguma guuleysan karo gaaritaanka halka maanka lagu hayo”. Waxaa maadadan saldhig u ah “Hoggaamiyaha” oo ah kan wax saameeya wuxuu jeexaa jidka la qaadayo’.
Bulshadu [...]

Wefti u Hogaaminayo Gudoomiyaha UCID oo Galabta Gaadhay Ceel-Afwayn

Ceel-afwayn (APTEN)- wefti ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaadhay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.
Weftigan oo maanta ka ambo-baxay magaalada Burco iyaga oo u sii jeeda magaalada Ceerigaabo ee [...]

Laba Ruux oo ku dhintay Dagaal Aano Qabiil Gobolka Sanaag iyo baaxada khasaaraha

Sarmaanyo (APTEN)- Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen weeraro isdaba socday oo la xidhiidha aano qabiil oo shalay iyo xalay ka dhacay deegaanka Sarmaanyo oo ka tirsan gobolka Sanaag, oo 15 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Xuddun ee gobolka Sanaag.
 
Sida ay APTEN MEDIA u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka shaqaaqadu [...]

Todoba Nin oo Budhcadbadeed Lagu Sheegay oo la horkeenay Maxkamada Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (APTEN)- 7 nin oo lagu tilmaamay inay budhcad badeed yihiin ayaa maanta la hor-keenay maxkamada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, ka dib markii uu Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushku maalintii shalay ku wareejiyay 7 nin ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.
Waxaana la sheegay in 7 nin oo 16 maalmood ka hor markabkaasi [...]

Dufcadii U Horaysay oo Ka Qalin-jebisay Jaamacada Burco

Burco (APTEN)-Xaflad si heer sari ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galleen masuuliyiin badan oo ka kala socotay axsaabta qaranka,mudanayaal ka tirsan baarlamanka somaliland oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Goloha Wakiilada Somaliland c/raxmaan Maxamed C/laahi{cirro},Gudoomiyayaasha jaamacadaha , Camuud, Hargaysa, Golis NUGAAL iyo waliba marti sharaf kaLe oo ay ka mid ahaayeen salaadiinta, [...]

Muj. Maxamed Kaahin Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Marka Doorashadu Soo Dhowaato Ay Ku Mashquusho Dhagax-Dhig & Mashaariic Ma-dhalays Ah

“Waa La Ogyahay Tobanka Jeer Ee Uu Rayaale Dhagax Dhigay Dakada, Warshada Sibidhka Oo Ummaduna Ku Turunturooto, Burco Lacagtii Dawladii Siyaad Barre Ee Dhacday 91-Kii Ayey Iska Qaadataa, Ceerigaabana Waxa Ka Socota Lacagta4-Ka &A5-Ka Lagu Soo Daabaco Puntland ”
Afhayeenka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin
Hargeysa, March, 11, 2010 (Haatuf) – Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin [...]

Laascaanood: Koox Suxufiyiin ah oo Xabsiga Loo Taxaabay

Laascaanood: Koox Suxufiyiin ah oo Xabsiga Loo Taxaabay
Laascaanood (Apten)- Maamulka Gobolka Sool ayaa maanta xabsiga dhigay Koox Suxufiyiin ah oo hawlo shaqadooda la xidhiidha safar rabay inay ugu tagaan tuulada Buullo-wadal oo shir uga socdo qaar ka mid ah Garaadada iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool.
Kooxda kooxdan suxufiyiinta ah ee xabsiga loo taxaabay ayaa ciidanku Boolisku gacanta [...]

Madaxweyne Shariif: Safaaraddii Soomaaliya ee UK waannu furaynaa + SAWIRRO

Madaxweynaha dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan balaadhan oo uu la yeeshay Jaalliyadda Soomaaliya ee UK, waxa uu ka sheegay inuu dib u furayo safaaraddii Soomaliya ee dalka Ingiriiska. Qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu halkaa ka jeediyey Halkan ka Dhegeyso:

swfobject.registerObject(”ssg_gplayer_object-0″, “9.0.0″, “http://www.aftahan.com/wp-content/plugins/ssg-wordpress-google-audio-player/swfobject/expressInstall.swf”);

Qudbaddii Madaxweyne Sheikh Shariif [...]