Waxaanu Ka Cabanaynaa Xukuumadda Oo Beertayadii Waddo Ka Dhigatay
Xornimada dalkan iyo calankan ina dulsudhan waxaa loo soo maray marxalado aad u qalafsan , iyo halgan dheer oo naf iyo maalba loo soo huray. hadaan xuso dhacdooyinkaas mid ka mid ah , waxaan xasuustaa dharaarihii xasuuqii ugu horeeyay ka bilowday Hargeisa inksasta oo ay dhibaatadu wada taabatay ummada reer somaliland, hadana waxaan ka mid ahay kuwa ay si gaarka ah ay u raadeeysay islamarkaasna ay qalbigooda xusuusta ku reebtay. markasta oo aan maqlo iyadoo laga hadlayo xasuuqii loo geystay ummada reer somaliland hanqalka ayaan la soo kacaa waxaanay dib u xasuustaa x .
1988 30 May , dadkii ugu horeeyay ee la dilay waxaa ka mid ahaa adeerkay Xasan Carab Xaaji Muxumed iyo Xaaskiisii Marxuuma Nuura Sheekh Cali Sheekh Madar waxaana lagu dhex dilay beer aanu ku lahayn schoolka Faarax Oomar dhinaciisa bari , halkaasi oo imika ah wadada ku meel gaadhka ah ee shacab Area loo maro tan iyo markii uu biriijkii shacabku go,ay.
hadaba nin ayaa hore looga hayay ma dadka dhintay baan u ooyaa mise kuwa nool , taasoo aan uga jeedo dadkii reer somaliland ee dadkoodii hore loo xasuuqay ee qofba uu ku waayay qofkii uu dunida ugu jeclaa miyaan u ooynaa , mise agoonta ay dadkaasi ka tageen ee hantidoodii cagta la mariyay ee xaqoodii la duudsiyay ayaan u ooynaa .
Marxuun Xasan carab wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta horseed ee qarankii soomaaliya waxaana dilay taliskii dhiigyacabka ahaa taariikhdu markay ahayd 31 may 1988 isaga iyo xaaskiisaba , hadaba iyadoo maanta aanaan filayn in xaqooda la doodsiyo hambadii ka badbaaday xasuuqii dawladii hore ee soomaliya ay dadkan u gaysatay ayaad moodaa in ummada tabarta daran aan loo tudhayn oo hantidoodii ay gaarka u lahaayeen sidii la doono loogu tagri falayaa iyada oo aan lagala tashan waxna laga weydiin.
hadaba beertii agoontaa cagaf ayaa la geliyay ,ceelashiina waa la baabiiyay iyada oo aan wax nalaga weydiiyay jirin , mudo ku meel gaadh loogu ahaado dhul agooni leedahayna waa la dhaafay ,hadana biriijkii daadku qaaday wax kasoo naaso cadi lama arkee dawladu halka ay wado ka dhiganayso ayaa laga rabaa ineyl dhul dawladeed wuu buuuxaa waataa markasta ay ku tagri fashee ee iibsato dhulkii dhisnaa iyo kii banaanaa ee danta guud ahaabee.
guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay dawladu haw banayso agoontaa dhulkooda , wixii hanti ah ee ay ka baabiiysayna magdhawgeedii ha bixiso.
Maxamed Xuseen X Muxumed (Jagac)



‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali