Xil. NacNac Oo Telefoon Kula Xidhiidhay Budhcad-Badeedda Soomaalida & Lammaanaha Ay Af-Duubeenba “Waxa Uu Waanwaan Ka Galay Qaddiyaddan”

March 4, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Xil.Nacnac

Hargeysa (APTEN) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Xaaladda lammaanaha Ingiriiska ah ee Mudada dheer Budhcad badeeda u afduuban, Isaga oo sheegay inay Budhcad badeedaasi ay la soo xidhiidheen kana codsaday inay iska sii daayaan lamaanahaa Da’da ah ee Goblanka ah ee Lixdan jirka ah ee aan wax lacag ah haysan intaanay ku dhiman Inay faraha ka qaadan, waxaanu Bulshada Somaliland iyo Somalidaba ugu baaqay inay u gurmadaan lamaanahaas la haysto, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay sidan:-
“Xaalada lamaanahaasi meel adag ayey maraysaa markii aan baaqa Bixiyey laba cisho dabadeed ayey Muqdisho igala soo hadaleen niman, waxaanay I waydiyeen in aan ahay xildhibankii baaqa jeediyey waxaan ku idhi Haa waxanay yidhadeen waxa kula soo hadli doona budhcadbadeedii
Kadibna way ila soo hadleen qoladii budhcad-badeed meesha ay igala soo hadleena waxaan u malaynayaa in ay ahayd Xarardhere ama gobolada dhexe ee dalkaas aynu jarka nahay ee Somaliya.
Nimankii waanu wada hadalnay waxaan ku idhi walaalayaal iska sii daaya dadkan masaakinta ah ee Goblanka ah, aan waxba haysan ee Lixdan jirka ah ee Buka waxba ka helimaysaane iska sii daaya.
Markaa waxay yidhaahdeen anaga budhcadbadeed ayaa lana yidhahdaa dadkan waanu arkaynaa laakiin waxaanu doonaynaa wixii naga galay in nala siiyo.
Markaa nimankii aad aynu u wadahalnay waxaanan ku idhi bal Itusa in ay noolyihiin iyo in kale markaa islaantii ayey ila hadalsiiyeen, markiiba islaantii waxay igu biloowday maxaa ninkeygii la iigu geyn wayeey?
Waxanay igu tidhi adigu maxaad aXil.Nacnachayd waxana ku idhi waxan ahay Xildhiban Somalilander ah nimankan ku haystan Waa dad aanu Jaar nahay dad magac wadaaga aynu nahay lakiin laba Dawladood aaynu kal nahay in anuu ku barino in nimankani ku si daayaan ayaanu doonaynaa, markaa waxay tidhi sideeyntu hay joogte ninkaygii ha lay geeyo. Markaa nimankii way ila soo hadleen labacisho dabdeed waxayna igu yidhahadeen waanu isku gaynay ee nala soo hadla hadan waxay yidhahdeen waanu kale kaxayn markii ay waayeen waxay doonayeen marka imka lamaanhii ingiriiska aha way kala maqanyihiin
Markaa waxaan ka codsanayaa shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo insaaniyad garanaysa in loo gurmado lamaanaha Ingiriiska ah ee ay dhibaatadu haysato, waayo Dadka Somaaliduba waxay ku nool yihiin wadanka Ingiriiska oo la siiyaa waxbarasho, Caafimaad, Shaqo iyo Nolol si fiicana waa loo soo dhaweeyay, markaa caalamku wuu inagu eegayaa ficilkaa xun ee ay samaynayaan, budhcad badeedaa aan garanaynin bini’aadanimada iyo noloshu waxay tahay” ayuu yidhi Xildhibaan Ahmed Maxamed Diriye(Nacnac).

M.S.Cumar,
APTEN, Hargeysa/Office.

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.