“Waxaan Kulmiye leeyahay, Dulqaadkii Wuu Naga Dhammaaday, Mana Dhacayso In Siilaanyo Hargeysa Tamashleeyo…” Muj. Cali-Guray, Af-hayeenka UDUB.

March 10, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Hargeysa (APTEN) Afhayeenka Xisbiga UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag uga hadlay weji-gabaxa madaxda Xukuumadda & Xisbiga UDUB ka qabsata fagaarayaasha laysugu yimaaddo. Cali-Guray oo daba socday orta iyo foodhida madaxda UDUB iyo gaar ahaan Xog-haye Jaamac Yaasiin ay kala kulmaan goobaha iyo xafladaha layskugu yimaaddo, si gaar ahna u daba-socday weji-gabixii Xoghayahooda ka qabsatay madashii furitaanka Shirkadda SOMTEL, waxa uu baaq hanjabaad ah u diray Guud ahaan Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Cali Guray waxa uu tilmaamay in aanay dhici doonin in guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu tamashle ku dhex maro magaalada Hargeysa, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB-na uu meel ka waayo. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay Xoghayahii hore ee Maaliyada Xisbiga UCID, Keyse Cali Geeddi oo ka dhacday Huteel Crown ee magaalada Hargeysa.
Afhayeenka oo halkaa ka soo jeediyay hadallo isugu jiray digniin iyo soo dhaweyn ayaa yidhi “Berigii dhaweyd ee uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye dalka dib ugu soo laabanayay waxa aad ka war haysaan in dacaayado raqiis ah lagu faafiyay warbaahinta isla markaana la lahaa dalka ka ma soo geli karo, laakiin waxa aad taa bedelkeeda aad arkeyseen sidii quruxda badnayd ee loo soo dhaweeyay iyo sida aanu xisbiga UDUB marnaba wax carqalad ah la damacsanayn. Anagu waxa aanu mar walba ilaalinaa xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada, waxaana wanaagsan in uu istixraamku uu inoo noqdo mid inoo caado ah, laakiin waxa ixtiraamka la yidhaahdaa waxa uu u baahan yahay laba dhinac.
Af-hayeenka oo taas barbardhigayay Safarkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, waxa uu yidhi: “Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ayaa waxa uu soo maray gobolada bari, Caynabo ayuu soo maray, Burco ayuu barigeeda iyo galbeedkeedaba soo maray, Hargeysa marka uu marayo waxa aanu ognahay in shan jidgooyo loo dhigay, cidda dhigtay iyo kuwa istaagay intaba waanu garanaynaa. 20-kii February munaasibad lagu xusayay maalintii dhagax tuurka ayaa laga isugu yimid fagaaraha beerta xoriyadda, munaasibadaa dad badan oo soo halgamay ayaa ka hadlay, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB markii uu hadalka bilaabay ayaa ciyaal la soo abaabulay oo basas lagu keenay, oo aanu garanayno hebel iyo hebelka iyo heblaayada soo abaabushay, kuwaas oo lagu yidhi marka uu cod-baahiyaha qabsado qayliya. Waxa la yidhi meyd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa hada la sii sido, maalin dhaweyd waxa la igu yidhi aniga la igama casuumin, xafladdii ay qabsanaysay shirkadda Somtel, Axmed siilaanyo ayaa ka hadlay, hebel baa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB marka ay marayso ayaa lagu qayliyay oo awal caruurbay ahayd raggii waaweynaa ayaa xataa qaylada markan ku jiray.” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.
Mujaahid Cali Guray waxa uu tilmaamay in ay xisbigooda UDUB ka dhamaatay dul qaadkii, isla markaana waxa u digniin tii ugu cuslayd u diray dhamaanba masuuliyiinta xisbiga KULMIYE. “Waxa aan maanta kulmiye u sheegi lahaa, way dhamaatay, dul qaadkii wuu naga soo dhamaaday, uma dul qaadanayno in maalin kasta inta ay dad soo abaabulaan aanu anagu ixtiraamno iyaguna ay xoghayaha guud ku qayliyaan, mana dhacayso in uu axmed siilaanyona Hargeysa tamashleeyo, xoghayaha guud ee udubna uu geed uu istaago hargeysa ka waayo. Waxa aanu leenahay waanu kari karaynay anagu in aanu maalintii uu siilaanyo imanayay in aanu ciyaalka iyo dumarka soo abaabulno oo aanu ku qaylino.”

Ugu danbayntiina waxa uu si gaar ah xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID “Waxa aan xisbiga si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaa Keyse cali geedi, waxaanan leeyahay keysoow haddii ay xafiisyada mucaaradka shaqo badan, wada tashi badan iyo hawlo ka socdeen halkana aad ka filayso in ay sidaas ka sii saxmad badnaato, lagama yaabo ee waa meel degan” ayaa Muj. Cali Guray hadalkiisa ku soo af-meeray.

Maxamed S Cumar,
APTEN Office, Hargeysa.
Muj. Cali-Gurey

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.