Siilaanyo Oo Sheegay In Af-Duubka Lammaanaha Ingiriiska Ahi Magac-Xumo Ku Yahay Ummadaha Geeska Afrika
Hargeysa (APTEN) – Guddoomiyaha Xibiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lammaame Ingiriis ah oo in muddo ah af-duub loogu haysto Koonfurta Soomaaliya. Guddoomiyuhu oo shalay u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, wuxuu baaq u diray af-duubayaasha, waxaana u muujiyay sida uu shakhsi ahaan, xisbi ahaan iyo shacbi ahaanba uga xun yihiin. Axmed Siilaanyo waxa uu haysashada lammaanahan ku tilmaamay magac-xumo iyo taariikh-xumo dul taalla guud ahaan Mandaqadda Geeska Afrika. “Baaq ayaan u dirayaa, waxaa weeye haddii aad in uun bani-aadaminimo ku abtirsataan, waa in aad dadkaa iska sii daysaan.” Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Guddoomiyuhu waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee La-haystaasha da’da ah ee reer Ingiriis. Isaga oo arrintaas ka hadlayana, waxa uu raaciyay: “Dadkaa masaakiinta ah ee da’da ah ee wax alla wax ay galabsadeen aanay jirin, mandaqadda aynu ku nool nahay inteenna kale iyo kuwa haysta-ba, waxaa inaga soo gaadhayaa waa ceeb, waa taariikh-xumo iyo magac-xumo aan waligeed hadhayn. Markaa waxaanu codsi u jeedinaynaa dadkaa haysta lamaanaha ee masaakiinta ah ee aanay jirin wax ay galabsadeen, ha iska sii daayaan inta aanay farahooda wax ku noqon, iyaga oo nabad-qaba, damacaa iyo hungurigaasi waa kii Ilaahay inaga xaaraantimeeyey. Markaa waxaanu ugu baaqaynaa hadii aanu reer Somaliland nahay in la iska sii daayo.” Ayuu Guddoomiye Siilaanyo hadalkiisa ku soo gunaanaday.
M.S.Cumar,
APTEN, Hargeysa/Office.




‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali