Idaacadda BBCda oo Waraysi Xiiso Badan ka qaaday Suldaan Jaama

March 3, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

DSC_0204-1Idaacadda BBCda oo waraysi xiiso badan ka qaadday  qoraaga da’da yar ee halabuurka ah Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) oo ka tirsan bahda Wargeyska The Enterprise iyo Aftahan Press. Yoonis Cali Nuur ayaa Suldaan ka waraystay waxqabadkiisa, halabuurnimadiisa iyo weliba Wargeyska The Enterprise, oo uu hadda gacanta ku hayo, waxna ku soo qoro; Su’aashii ugu weyneydna Suldaan wuu ka aamusay inuu ka jawaabo; Maxayse ku saabsanayd? Waraysi aad u xiiso badan Halkan ka dhegeyso.

Halkan ka dhegeyso Waraysigaas
Get Adobe Flash player
Get Adobe Flash player

 Waxqabadka Suldaan oo kooban:

  • 2001. Wuxuu asaasay aftahan.com / aftahan.org– website lagu kaydiyo dhaqanka , afka  iyo suugaanta soomaalida.
  • 2002. Wuxuu tabaruc kula shaqeeyey Idaacaddii Radio Sahan oo Satelliteka ka soo geli jirtay.
  • 2003. Wuxuu ka mid noqday Ururkii Nomad ee xafladda 18 May ee Somaliland qaban jirey, tabarucna ka geystay Jaamacadda Hargeysa, Cusbitaalka Hargeysa, Cusbitaalka Burco iyo Cusbitaalka Ceerigaabo.
  • 2004. Wuxuu ka qayb muhiim ah ka qaatay faafinta wararkii ku saabsanaa Socdaalkii dheeraa ee Nabaddaynta ee Hadraawi.
  • 2004. Wuxuu ka mid ahaa halabuurro toban ahaa Hadraawi suugaantooda ka qadimay Oxford House, si toos ahna BBCda looga dhegeysanayey
  • 2004. Wuxuu wax-ka-tafatiray buugga Hal Ka Haleel ee Maxamed Baashe ka qoray abwaan Hadraawi;
  • 2004. Wuxuu qayb-libaax ka qaatay, dhisitaankii Jaamacadda Burco oo uu websitekana u sameeyey.
  • 2005. Wuxuu xubin ka noqday ururka Somaliland Society in Europe
  • 2005. Wuxuu qayb firfircoon ka qaatay Somali Week oo lagu qaban jiray Oxford House sanadihii 2005, 2006, 2007.
  • 2005. Wuxuu qoray buugga NABADSHE oo ka qoray Abwaan Yuusuf-Shaacir oo ay saaxiibbo yihiin
  • 2005. Wuxuu sameeyey Ururka Aftahan oo qabtay kulamo suugaaneedyo, doodcilmiyeedyo iyo tartan dhaqameedyo afka iyo suugaanta ku saabsan.
  • 2006. Wuxuu ka mid ahaa guddidii qaadhaan ururinta ee Biriishka Burco ee UK oo bil iyo labaatan cisho gudahood ku ururiyey $90,000 oo dollar
  • 2007. Wuxuu wax ka asaasay ururka TAF oo dhisay Cusbitaalka dhimirka ee Maandhaye oo ku kacay $75,000 dollar.
  • 2007. Wuxuu isaga iyo Dr Martin Orwin iyo Maxamed Alto wax-ka-wada qoreen Buugga Hagarlaawe oo ay ku ururiyeen Suugaantii Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.
  • 2008.Wuxuu kaloo ka qayb qaatay dhismaha iskuul Boarding ah oo ka socda degmada Qoryaale.
  • 2009. Wuxuu soo qori jirey, welina qoraa qoraal taxane ah oo la magacbaxay Xusuusqor: Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland
  • 2010. Wuxuu aftahan.com ku kordhiyey qayb warar ah, wuxuna tafatire ka yahay Wargeyska The Enterprise.
  • Wuxuu gacanta ku hayaa laba buug oo cusub – Silsiladdii Siinleyda, kan kalena yahay hees-cayaareeddii dhex martay Hurre Walanwal iyo Canbaro Nuux.

suldaan

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.