Hogaan cusub oo Maanta loo Doortay jaaliyada gobolka Zürich ee Dalka

March 1, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

SAWIRADA JAALIYADAMaalinta shalay oo ay taariikhdu ahayd  28/02/2010 waxaa  gobolka Zurich ee wadanka switzerland ka dhacay  dooraasho ay ka soo qayb galeen bulshada soomaaliyeed ee ku nool  gobolka Zurich  ka dib  Markii ay dhamaatay mudadii ay xilka hayeen gudigii jaaliyada  gobolka zurich Gudoomiye  Dr Cabdulaahi yuusuf Cawir iyo Gudoomiye Ku xigeenkiisaa mudane Bashiir Cabdiqaadir Bootaan iyo todoba xubnood oo kale  mudadaas oo ay ka soo wareegtay mudo gaadhaysaa laba sanadood iyada oo gudigan hore la doortay taariikhdu markay ahayd  24/02/2008 ayaa waxaa maanta loo doortay hogaan cusub oo bedela kuwii hore .
 
 SAWIRKA GUDOOMIYE QALIMOOW
Iyadana oo bulshada  meeshaas ku dhaqan si xoriyad iyo cadaaladi ku jirto ay codkooda u dhiibteen  oo aan wax xamaasad iyo xumaana ka dhicin si hufan ooh agar la,aana loo doortay gudoomiyaha cusub ee jaaliyada gobolka zurich ee Switzerland mudane
C/laahi max,ud  Qalimoow inuu ahaado gudoomiyaha jaaliyada gobolka zurich mudada labada  sano ee fooda inagu soo haysa.
 
Waxaa isla goobtaas ka dhacday maanta xil wareejin ay xilka ku wareejiyeen gudigii hore
Gudoomiye  Dr Cabdulaahi yuusuf Cawir iyo Gudoomiye Ku xigeenkiisaa mudane Bashiir
Cabdiqaadir Bootaan . waxaa si sharafi ku jirto  ay u soo bandhigeen waxqabadkoodii hawleed  iyaga oo ugu hanbalyeeyay gudiga cusub xilka ay ku wareejiyeen kuna dhiiri geliyay inay halkaas ka sii ambaqaadaan.
 
 
Gudiga cusub  intaan la dooraan  waxaa doorashada gudoomiyaha isu soo taageen sadex musharax oo kala ah
 C/laahi Qalimoow
 Axmed dicisoow
iyo Mudane dhaga caleen
 
ayaa waxaa cod aqlabiyad ah oo fara badan  ku guuleeystay gudoomiyaha jaaliyada gobolka zurich ee wadanka switzerland Mudane C/laahi Qalimoow
 
waxaa ka soo qayb galay doorashadan iyo xilwareejintan  qaybaha bulshada gobolka sida aqoonyahanka  odayaasha  ardayda dhalinyarada iyo haweenka ku dhaqan gobolka
waxaana si wanaagsan oo dhamaan bulshadu ku wada qanceen u dhacday doorashada sanadkan waxaanan  la filayaa labada sano ee inagu soo aadan inay  gudigani xilka hayaan iyada oo Dhamaan xubnaha kale  ee jaaliyada iyo faracyada kale ee adeega bulshada ku loo doortay intii  isu soo sharxday si Aqlabiyad leh iyaga oo kala ahaa sidan :-
 
  1-c/laahi max,ud  Qalimoow (gudoomiye
  2-  ibraahin cali (guoomiye ku xigeen)
  3-musdafa cumar caseeyr (Xoghayn)
  4-axmed saalim (maaliyada )
  5-sciido dhaqane (Arimaha Haweenka)
  6-xaawo nuur muudeey (Arimaha waxbarasada)
  7-axmed cali xasan (sportiga )
 
Waxaanay ku dhamaatay xafladan  dooraashada iyo xilwareejinta ah si hanaan sami iyo habsami  ah   waxaana u rajaynaynaa  guul iyo badhaadhe dhamaan bulshada soomaaliyeed  gaar ahaan jaaliyada gobolka  Zurich ee wadanka Switzerland

SAWIRKA XILKWAREEJINTA

SAWIRKA LABADA GUDOOMIYE
 
 SAWIRKA JAALIYADA
W/D
 
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.