Golaha Wakiillada Oo Isku Raacay Inay Kal-fadhigoodan Maalmo Dheeraad Ah Shaqeeyaan

March 10, 2010   |   Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.  
RSS

Golaha Wakiillada Somaliland
Hargeysa (APTEN) – Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay ansixiyay ajandaha kal-fadhigooda 11aad.
Fadhigaa shalay oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa mudaneyaasha la hordhigay inay si duuduub ah ku ansixiyaan qodobada ajandahooda kal-fadhiga 11aad oo doraad loo qaybiyay iyo in dood laga furo ka hor inta aan la ansixin.
Ka dib markii labadaa soo jeedimood cod loo qaaday, 24 Mudane waxay ogolaaden in duuduub lagu ansixiyo, 13 waxay u codeeyeen in laga doodo, halka 7 xubnood ay ka aamuseen.
Sidoo kale, mudaneyaashu waxay meelmariyeen inay laba maalmood oo dheeraad ah sii shaqeeyaan inta ay ku gudo jiraan kal-fadhigoodan oo qodobo xasaasi ahi ku jiraan.

Maxamed S Cumar,
APTEN, Hargeysa/Office

Share it:
  • Print
  • Digg
  • Sphinn
  • del.icio.us
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • StumbleUpon
  • Twitter
  • Yahoo! Bookmarks

Comments are closed.