Buurta Sheekh: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Hambaabirtay Dhul-Boob Aanay Hore U Ogeyn
Hargeysa (APTEN) – Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md. Siciid Sulub ayaa markii u horreysay shaaciyay dhul-boob lexaad leh oo ka socda Buurta Sheekh, kaas oo uu sheegay inaanay Xukuumad ahaan hore uga war qabin.
Wasiirka Hawlaha guud ee Somaliland Siciid Sulub oo shalay kormeer ku maray jidka isku xidha magaalada Berbera iyo degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, waxa uu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii il gaar ah loogu hayn lahaa jidkaas, ka dib markii roobabkii dhowaan da’ay ay ciid iyo dhagxaan ku jareen meelo ka mid ah buurta Sheekh iyo goobo kale oo jidkaas ku yaala.
Dhagxaanta iyo ciidaas oo todobaadki u dambeeyay caqabad ku haysay isu-socodka gaadiid, waxa la sheegay in shalay la baneeyay, ka dib markii ay olole ku qaadeen wasaaradda Hawlaha guud iyo hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA).
Wasiirku waxa kale oo uu kormeer ku maray magaalada Berbera, waxaanu booqday xarumaha hay’adaha dawladda ee gobolka Saaxil qaarkood. “Waxaan halkan u imid sidii aanu uga hawlgali lahayn waxna uga qaban lahaayeen jidka isku xidha Berbera iyo Sheekh. Waxa roobabkii toddobaadkii hore da’ay ay wadadaasi oo halbawle u ah dalka dhigeen dhagxaan iyo ciid aad u badan oo dhibaato ku noqday gaadiidka, waxaanu ka shaqaynaynaa sidii wadadaas il gaar ah loogu hayn lahaa,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlay socdaalkiisa gobolka Saaxil
Mr. Siciid Sulub waxa kale oo sheegay in buurta Sheekh ay sheeganayaan dad uu dhulboob ku tilmaamay, kuwaasoo uu xusay inay doonayaan inay baloodho ka dhigtaan. Hase yeeshee, waxa uu dadkaas u jeediyay inay joojiyaan talaabadaas, kana fogaadaan buurtaas.
Maxamed S Cumar,
APTEN Office/Hargeysa.




‘Telefoonka Iska Dhig!’ – W/Q: Mustafe Sh. Cumar
Awaal-tiris – Maanso Cusub oo Hadraawi tiriyey, qaadkana ku saabsan
Xog-waraysi ku saabsan Taariikh-Faneedda ee Jilaaga Reer Jabuuti Cabdiraxmaan Bifto by APTEN Hargeisa Office



Buug Cusub- Hantaaqo Jacayl
HAL AAN TEBAYEY by Maxamed Baashe
Book launch: the Mourning Tree, autobiography by Mohamed Barud Ali
Golisnews Oo Hawl Dibu Habayn Ahi Ku Socoto Fadlan Noo Dul-qaata
Jaamacadda Indiana University oo ku taalla magaalada Bloomington ee gobolka Indiana ee dalka Maraykanka ayaa xil weyn iska saartay sidii ay u kaydin lahayd culuumta iyo suugaanta Soomaaliyeed By VOA Somali
University of Pretoria awards Dr Edna Adan Ismail from Somaliland
Qeybdiid oo jooga Gaalkacyo by BBC Somali